Warsaxaafadeed: Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.

0
Sunday October 27, 2013 - 16:33:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warsaxaafadeed: Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.

    Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guuldarooyinka xukuumadda Kulmiye ee sida isdaba jooga ah isaga soo dabadhacaya waxaa ka mid ah. Milgihii dawladnimo, kala danbayntii, iyo wax wada-lahaanshihii bulshada Somaliland oo maalinba maalinta ka danbaysa meesha kasii baxaya.
Waftiyada beelaysan ee safarada u baxa taas oo macnaheedu yahay daahfurnaan la’aanta iyo sadbursiga Xukuumadda Kulmiye ku soo kordhisay geedi socodkii dimuqraadiyadda Somaliland.
Xukuumadda Kulmiye oo si badheedh ah u cadaysatay Musuqmaasuqa ka dhex jira iyo laaluushka aafeeyey dhamaan ha’yadaha ay fulintu kow ka tahay islamarkaasna saameeyey Caddaaladda iyo Garsoorka dalka

Sida uu caddeeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Warancade in bahda caddaaladdu ku shaqayso laaluush iyo wax is dabamarin ay kasoo dheegatay xukuumadda uu wasiirka ka yahay.
Waxaanu leenahay Wasiir ”Geela Duqdiisi Durdurisay Aarankiisana Maxaad Mooday”
Marka ay Madaxtooyada qaranka iyo wasiirada xukuumada Kulmiye, hantida umadda ku bixiyaan laaluush iyo guulwadayn iyo mansab-bixin iyo shaqaalayn beelaysan oo caddaaladda ka fog si ay u meel marsadaan ujeedooyinkooda ay danaha gaarka ah ka leeyihiin
Maxaa bahda garsoorka iyo Caddaaladda laga fili karaa oo aan ahayn in ay maraan waddada musuqa ee ay xukumaddu bartay.
Hanti dhowraha Guud Ee Xisbiga / Gudoomiyaha Guddiga Warfaafinta
Md. Xasan Xuseen Maxamed (Codyare)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured