WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO MARKII UGU HOREYSAY MAXKAMADAHA DALKA KU EEDEEYEY INAY DADKA LOO XIDHDHIYO FALALKA AMAAN DARADA LAALUUSH KA QAATAAN SIDAANA KU SIIDAAYAAN, WAXA KALE OO U CADEEYEY IN AY DOON DOONAYAN NINKII WEERARAY XILDHIBAAN QABILE.

0
Saturday October 26, 2013 - 19:52:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 849
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA OO MARKII UGU HOREYSAY MAXKAMADAHA DALKA KU EEDEEYEY INAY DADKA LOO XIDHDHIYO FALALKA AMAAN DARADA LAALUUSH KA QAATAAN SIDAANA KU SIIDAAYAAN, WAXA KALE OO U CADEEYEY IN AY DOON DOONAYAN NINKII WEERARAY XILDHIBAAN QABILE.

    Hargeysa (xogreebnews.com-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta shir isugu yeedhay Gudida Nabadgalyada qaranka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade ayaa maanta shir isugu yeedhay Gudida Nabadgalyada qaranka. Shirkan oo ay kaga arrinsanayeen xaalada uu dalku marayo iyo dhacdooyin maalmihii ugu dambeeyay dalka ku cusbaa, markii uu dhamaaday waxa uu uga waramay warbaahinta, waxaanu sheegay in ay isku afgarteen sidii wax badan looga qaban lahaa amaanka dalka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Cali Maxamed Waran-cade oo marka hore la dardaarmaya Bulshada Reer Somaliland, waxa uu yidhi ?Waxa aad ogtihiin in dal walba uu ku dhisan yahay kolba sida uu nabadgalyadiisa uga shaqeeyo, waxa aan jecelahay hadii aanu nahay Guddida Nabadgalyadda dalka in aanu bulshada uga soo jeediyo in ay u soo jeedsadaan ama u dhago nuglaadaan sidii ay u ilaashan lahaayeen nabadgalyadooda iyo deganaanshahooda? ayuu yidhi.

Magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay wax ka jiray dhalinyaro koox-koox isu laysa kuwaas oo khasaare balaadhan soo gaadhsiiya isu socodka dadka ee degmooyinka, mar uu arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi ?Hadda waxa soo baxay ciyaal yaryar oo runtii habeenkii meelaha madaw ama kooneyaasha ah dadka waalidka ah iyo hablahooda ku dhibaateeya, kuwaas waxa aan leeyahay wey soo noqnoqotay waxa aan doonayay in aan u sheego waalidkood in aanu qabanay boqolaal ka mid ah, waxa aan aad uga xumahay in dhalinyarada la shaqaynayaan maxkamadaha qaarkood.
Marka dhalinyarada sidaas lagu soo qabto habeen uma hoydaan jeelka, waxaana laga qaadaa xoogaa yar oo gacan maris ah, dabadeedna dib loogu soo celiyo xaafadihii iyo dadkii ay dhibayeen, taas aad baan uga xumahay, mana sii soconayso, anaga ayaana ka wada hadli doono cadaaladda? ayuu yidhi.
Waxa uu soo jeediyay waalidiinta dhashay ubadkaasi in ay ku dedaalaan sidii ay xakamayn lahaayeen ubadkooda.
Mar la waydiiyay bal dhacdadii Dhawr Habeen Ka hor Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ku qabsatay Xaafada Jig-jiga Yar waxa ay kala socdaan waxa uu yidhi ?Waxa aad Ogtihiin dalkeena in aynaan aqoonin dilka, waa laga yaabaa in laba nin oo wax isku qabtay ay is dilaan, laakiin inaga dhaqan inooma ah, aad iyo aad baan uga xumahay.
Arrintaasi waa mid dhaawac u keeni karta qarankeena, waligiiba dambiiluhu ha dhuun-dhuunto laakiin waanu soo qaban doonaa, markaa waxa aanu hawl aad ugu jirnaa sidii aanu u soo qaban lahayn.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured