Magaalada Tog-wajaale Oo La Daristay Inay Noqoto Xarun Musuq-Maasuq,iyo Maayarkii Magaalada Oo Ku Maqan Xajka.

0
Saturday October 26, 2013 - 19:04:00 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1143
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Magaalada Tog-wajaale Oo La Daristay Inay Noqoto Xarun Musuq-Maasuq,iyo Maayarkii Magaalada Oo Ku Maqan Xajka.

    Tog-Wajaale -Wararka ka jira Magaalada Togwajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa sheegaya in Mudooyinkan danbe Maamulka Dawlada/Hoose ee Isla Degmadaasi Qoorta kula jiraan Fadeexado

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tog-Wajaale -Wararka ka jira Magaalada Togwajaale oo ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa sheegaya in Mudooyinkan danbe Maamulka Dawlada/Hoose ee Isla Degmadaasi Qoorta kula jiraan Fadeexado Tog-Wajaale -Wararka ka jira Magaalada Togwajaale oo
ka tirsan Gobolka Gabiley ayaa sheegaya in Mudooyinkan danbe Maamulka
Dawlada/Hoose ee Isla Degmadaasi Qoorta kula jiraan Fadeexado
Musuq-Maasuq oo hoos u dhigay Dakhligii Dawlada/Hoose ka soo gali
jiray Cashuur-Maalmeedka laga ururiyo Dadwaynaha ka Ganacsada gudaha
Magaalada, Ka dib markii Maamulka Dawlada/Hoose ee Degmadu uu Wax
Tallaabo ah ka qaadi waayey Wakiilkii Dawlada/Hoose uga Mas’uulka uga

ahaa Dawlada/Hoose Cashuur-Maalmeedka oo si badheedh ah u lunsaday
Sagaal Cisho Dakhligood, oo Wadarta guud ee Hantidaasi ku maqani ay
tahay Afartan Milyan oo Somaliland Shiling ah.
Iyada oo Markii ay soo If-baxday Arrintani ay Maamulka Dawlada/Hoose
ee Degmadu Xabsiga u taxaabeen Wakiilkii Dawlada/Hoose ee Degmada oo
lagu magacaabo Xasan Aadan, kaasi oo Isla Todobaad ka dib laga sii
daayey Xabsiga, Wallaw aan si rasmi ah loo aqoonsanayn Sababta ka
danbaysay sii daynta Xadhiga Wakiilka ku kacay Xatooyada Hantida
Umada, ayaa hadana sida ay sheegayaan Wararka ka imanaya Magaalada
Togwajaale ay Xusayaan In Ku-Simaha Jagada Gudoomiyaha Degmada
Togwajaale oo ah Gudoomiye-ku-xigeenka Degmadaasi Maxamud Sheekh Muuse
iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada/Hoose Cabdi Naasir ay isla qaateen in
Ninkaasi laga sii daayo Xabsiga, isla markaana ay si ku meel-gaadh ah
ugu sii sameeyaan Shaqo-joojin ilaa inta uu soo guryo-noqonayo
Gudoomiyihii Degmada Togwajaale Xaashi Maxamud Cabdi oo Mudo Bil iyo
Dheeraad ah ku maqan Arlada barakaysan ee Maka, oo uu Sanadkan soo
gudanayey Waajibaadka Xajka.
Warku waxa uu Intaa ku darayaa in Dabacsanaanta iyo Go’aan qaadasho
la’aanta Maamul ee Wakhti-xaadirkan ka jirta Degmada Togwajaale ay
sidoo kale sababtay Hoos u dhac wayn oo ku yimid Dakhli-Maalmeedkii
soo gali-jiray Xarunta Dawlada/Hoose ee Degmada, Kadib markii
Hawl-wadeenada Dawlada/Hoose ee soo Ururiya Cashuuraadku ay arkeen in
Wakiilkii Dawlada/Hoose ee Sagaalka Casho gudahood ku lunsaday
Afartanka Milyan aan Wax Tallaabo ah laga qaadin,
Gudoomiye ku xigeen Degmada Togwajaale ahna ku simaha Gudoonka Degmada
Maxamud Sheekh Muuse iyo Xoghayaha Fulinta Dawlada/Hoose C/Naasir oo
aanu Khadka Telifoonka kula xidhiidhnay Labadoodaba ayaanay Noo
Suurta-galin in aanu helno, ka dib markii Telifankooda Midna xidhnaa,
ka kalena uu qaban waayey.
Isku soo wada-Duuboo Maxsuulka Wararka ka imanaya Magaalada Togwajaale
ayaa isku raacsan in marka loo fiirsado sida Maamulkan ku meel-gaadhka
ah, iyo Xoghayaha Fulintu ay Go’aan rasmiya uga qaadan waayeen
Wakiilkan ku kacay Musuq-maasuqa Hantida Umadu la tuhunsan yahay in
Madaxdan Degmadu ay Iyaguna ku lug-leeyihiin Hanti-lunsigaasi isla
markaana ay qayb ka yihiin.

xogreebnews.com-
Gabiley Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured