Madaxweyne Siilaanyo oo Guddida qaban qaabada iyo Fulinta Axada Casuumay iyo Hogaanka oo maanta la balamay guddida qaban qaabada

0
Saturday October 26, 2013 - 18:43:13 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 964
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Guddida qaban qaabada iyo Fulinta Axada Casuumay iyo Hogaanka oo maanta la balamay guddida qaban qaabada

    Hargeysa(xogreebnews.com-Hogaanka Kulmiye ayaa soo saaray afar qoddob oo uu ku ladhay go’aankii dhawaan lagu Ansixiyay Guddida qaban qaabada iyo xubnihii fulinta lagu daray afar qoddob oo aan la isla ogayn isla markaana abuuri kara khilaaf hor

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Hogaanka Kulmiye ayaa soo saaray afar qoddob oo uu ku ladhay go’aankii dhawaan lagu Ansixiyay Guddida qaban qaabada iyo xubnihii fulinta lagu daray afar qoddob oo aan la isla ogayn isla markaana abuuri kara khilaaf hor leh oo hawsha cakira. Hargeysa(xogreebnews.com-Hogaanka Kulmiye ayaa soo saaray afar qoddob oo uu ku ladhay go’aankii dhawaan lagu Ansixiyay Guddida qaban qaabada iyo xubnihii fulinta lagu daray afar qoddob oo aan la isla ogayn isla markaana abuuri kara khilaaf hor leh oo hawsha cakira.
Qoddobada uu Hogaanka Kulmiye soo saaray oo Waaheen isha ku dhufatay mid ka mid ah qoraal rasmi ah oo uu Gudoomiyaha Xisbigu ku saxeexan yahay oo loo qaybiyay xubnihii loo Ansixiyay Guddida qaban qaabada ayaa kala ahaa:-

1. In guddida qaban qaabadu ay awood u leedahay Iclaaminta goobta shirweynuhu ka dhacayo
2. In Guddida qaban qaabadu u xil saaran tahay kharashka Shirweynaha ku baxaya
3. In Guddidu leedahay soo xulida Ergooyinka Shirweynaha Xisbiga
4. In Guddidu masuul ka tahay ilaalinta iyo Amaanka Shirweynaha.
Hase yeeshee, Xubin ka tirsan Guddida Fulinta Xisbiga Kulmiye oo ay waaheen qoddobadan wax ka weydiisay ayaa u sheegay qoddobada hogaanka Xisbigu soo saaray inaanu arag balse Dastuurka Xisbigu qeexayo hawlaha shirka sida loo kala leeyahay.
Guddida Fulinta ayaa la sheegay Isniinta in ay u balansan yihiin sidii ay u dajin lahaayeen qorshayaasha ay ku shaqayn doonaan Guddida Qaban qaabadu, sidoo kale waxa lagu wadaa in la abuuro Guddi Mus-danbeed noqon doonta oo xalin doonta caqabadaha ka dhasha Hawsha Shirweynaha kuwaasoo ka iman doona xubnaha Guddida Fulinta qaarkood.
Sidoo kale, warar hoose oo Waaheen heshay ayaa sheegaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo in uu kulan la yeelan doono maalinta Axada Guddida Fulinta iyo Guddida qaban qaabada oo wadajira isla markaana uu siin doono dar-daaran la xidhiidha qaabka hawsha loo wadayo mudada qaban qaabada lagu jiro.
Hase yeeshee, ilo wareedyo kale ayaa Waaheen u sheegay kulan Wasiirka Xanaada Xooluhu u sameeyay khamiistii gudida qaban qaabada iyo Guddida fulinta in Maxamed Kaahin kaga dhawaaqay in xubnaha Guddida fulintu maanta oo Sabti ah ay isugu yimaadaan Hoolka Marxuum Cali Maarshaal halkaas oo lagu wado in ay hogaanku Xisbigu ku doonayaan in ku mindi-roorteeyaan qoddobo ka gaadhsiis ah oo ay wataan.
Qoddobada ay wataan Hogaanku Kulmiye ee ay ka doonayaan kulanka ay maanta isugu yeedheen xubnaha Guddida qaban qaabada ayaa lagu wadaa in ay ka mid tahay inay guddida qaban qaabada ku dirqiyaan in ay ku doortaan Guddoomiyaha iyo Xoghayaha Guddida qaban qaabada si ay awooda guddida gacanta ugu dhigaan, hase yeeshee waxay taasi u muuqataa in ay Horseedi doonto in khilaaf hor lihi ka dhasho maadaama xubnaha Guddidu ay ku kala qaybsanaan doonaan sida lagu wado.
Sidoo kale, waxa la filayaa kulanka Hogaanku maanta isugu yeedhay xubnaha Guddida qaban qaabada in uu hadheeyo culays ka iman doona xubnihii Guddida qaban qaabada kaga maqnaa Xajka oo dalka ku soo laabtay, kuwaas oo aan fursad u helin hawlihii xisbigu sii qabtay mudadii ay maqnaayeen isla markaana u baahan doona in la jaan-qaadaan hawlihii sii fulay iyo kuwa loo balansanyahay labada maalmood ee Axada iyo Isniinta oo ah kuwo muhiim ah.
Sidoo kale, musharaxiinta ku tartami doonta Hogaanka Xisbiga ayaa iyana la filayaa in ay isha ku hayaan qaabka ay hawluhu u socon doonaan maadaama hawshii qaban qaabada la galay cid kasta oo danaynaysa in ay Tartantaana xaq u leedahay in ay door ku yeelato nidaamka loo maamulayo si aanu shirku koox kali ah ugu af-duubnaan.
Xubnaha Damacu kaga jiro musharaxnimada Hogaanka Xisbiga Kulmiye waxa illaa iyo hada la ogyahay Guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi Cabdi oo imika wixii ka danbeeya noqon doona Musharax iyo Wasiirka Maaliyadda C/casiis Maxamed Samaale kaasoo shalay ka soo laabtay Xajka, halka aan illaa hada la saadaalin Karin xubnaha ku soo biiri doona.
Si kasta ha ahaatee Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa la filayaa inuu noqon doono mid loolan adagi ku dhex mari doono Xubnaha Damaca leh isla markaana Culayskaasi keeni doono in lagu kala qaybsami doono, wallow Hogaanka Xisbiga Kulmiye dareenkaas meesha ka saareen markii ay ku dhawaaqayeen xubnihii guddida qaban qaabada iyo Fulinta intii ka dhinayd.

Taliyaha Booliiska oo sheegay inaanay wali qaban ninkii Xildhibaan Qabile Rasaaseeyey
“Waxa ku maqan Saraakiil iyo ciidan loo diray soo qabashadiisa” Taliye Fadal
Hargeysa(Waaheen) Xukuumadda Somaliland ayaan illaa hada gacanta ku haynin ninkii Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile, iyadoo ay soo baxeen warar sheegaya in la qabtay, balse sida ay Waaheen warar xogogaal ah ku heshay warkaas waxba kama jiraan illaa hada.
Ilo wareed Waaheen u waramay ayaa sheegaya in Ninkii Xildhibaanka Rasaaseeyay Hargeysa Dhuumasho kaga baxay kadib markii la ogaaday halka uu ku gabanayay, waxaanay warar dheeraad ahi sheegayaa in uu u cararay dhinaca Dacar-budhuq.
Taliyaha Booliiska Somaliland Sareeya Guuto C/laahi Fadal Iimaan oo wargeyska Waaheen la xidhiidhay ayaa isna wararka la baahiyay ee sheegaya in la qabtay mar ay Waaheen Galabta la xidhiidhay ku sheegay cida qortay in aanay isaga marka horeba waxba ka weydiin, waxaanu xusay in aanu warkaas haynin.
Wararka Waaheen helayso ayaa sheegaya in Ciidan Booliis ah Xukuumaddu u dirtay Deegaanka lagu sheegayo in Ninkaasi ku sugan yahay, hase yeeshee ilo u dhuun daloola hawl-galka kooxdaas Booliiska ah oo uu hogaaminayo sarkaal ka tirsan Booliiska ayaa sheegaya in uu yahay hawl-gal aan laga filan Karin Natiijo buuran maadaama ay Hargeysaba cidi ku qaban kari weyday.
Taliyaha Booliiska Somaliland oo Wargeyska Waaheen xalay la xidhiidhay ayaa dhiniciisa si rasmi ah u cadeeyay in aanay soo qaban Ninkaasi, hase yeeshee waxa uu sheegay in ay saraakiil iyo Ciidan xoogan u direen soo qabashadiisa, kuwaas oo uu sheegay in ay ku maqan yihiin.
Dhinaca kale, war Wargeyska Hubaal ku baahiyay barta Facebook-ga ayaa sheegaya in Kiiskoodii Lix bilood jirsaday illaa hadana Xukuumadda iyo Booliisku aanay talaabo ka qaadin cidii loo hayay iyo kuwii aan la soo qaban toona.
Labadana dhacdo ee midna lagu weeraray Xarunta Wrageyska Hubaal, mid-na lagu rasaaseeyay Xildhibaan Qabile ayaa u muuqda in ay Xukuumaddu ka caga-jiidayso inay talaabo sharci ah ka qaado.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured