Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil ayaa Canbaareeyey isku Daygii Dil ee u Ka Badbaaday Xildhibaan Qabile,

0
Thursday October 24, 2013 - 19:57:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 969
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Dhalinyarada Gobolka Saaxil ayaa Canbaareeyey isku Daygii Dil ee u Ka Badbaaday Xildhibaan Qabile,

    Berbera(xogreebnews.com-Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ururka dhalinyarada gobolka saaxil ayaa waxa uu u qornaa sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Berbera(xogreebnews.com-Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ururka dhalinyarada gobolka saaxil ayaa waxa uu u qornaa sidan: Berbera(xogreebnews.com-Warsaxaafadeed ay maanta soo saareen ururka dhalinyarada gobolka saaxil ayaa waxa uu u qornaa sidan:
anagoo ah ururka ay ku midoobeen dhalinyarada gobolka saaxil waxaanu si ba’an u canbaareynaynaa isku daygii dilka ahaa ee loo maleegay xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan golaha wakiilada somaliland,ururka oo shir balaadhan iskugu yimid ayaa waxay si kulul canbaareyn dusha uga tuureen cidii ka danbeysay isku daygii dilka ahaa ee loo soo maleegay xildhibaan Maxamed faarax Qabile oo si dirqi ah kaga badbaaday ka dib markii la isku dayay in dil qorsheysay loo maloogo xildhibaanka arintaasi ururku si aad iyo aad u weyn ayuu u canbaareynayaa.

ururka dhalinyarada gobolka saaxil waxa uu talooyin u soo jeedinayaa gudida beesha Ciise Muuse ee DAN IYO DUCO ,waxaanu ururku u soo jeediyey in shir arintaasi ku saabsan lagu qabto berbera waayo waxa jira qorshayaal qarsoon oo la iskaga horkeenayo beesha ciise muuse qorshahaasi oo hadii aan laga hor tegin khatar ku ah walaaltinimada iyo wada noolaanshaha beesha ciise muuse sidaasi daraadeed waxaa muhiim ah in gudida beesha ee dan iyo duco arintaasi shir deg deg ah ka yeelato.
waxa kale oo uu ururku talooyin u soo jeediyey qurba jooga beesha gobolka saaxil waxanu ururku u soo jeediyey in ay iyaguna arintaasi shir deg deg ah ka yeeshaan isla markaana ay dadkooda gudaha ku sugan arintaasi kala hadlaan, waxana muhiim ah in qurba joogta gobolka saaxil ay sii dardar geliso isku xidhnaanta dhexdooda oo ay u midoobaan arimaha halista ku ah gobolka.
waxa sidoo kale ururku ugu baaqay laabda xisbi mucaarad oo u soo jeediyey inay iyaga laftigoodu mowqif adag iska taagaan inay arimahaasi ka hor tagaan ,waayo waxaa dhawaanahan soo baxayay isku dayo dilal qorsheysan oo loo maleegayo masuuliyiinta mucaaradka ah ee miisaanka ku dhex leh bulshada somaliland dhexdeeda.
ugu danbeytii waxa uu ururku ugu qaabay xukuumada oo iyada lagu eedeeyay inay ka danbeysay isku dayga dilalkaasi qorsheysan inay hadii aysan ku lug lahayn si deg deh ah cadaalada u horkeento dadkii ka danbeeyey isku dayadaasi dilalka qorshaysay.
Ururka dhalinyarada Gobolka Saaxil
Email:Saaxil-Group@gmail.com
Berbera/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured