Booliiska oo aan illaa hada qaban ninkii Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile oo dhuumaalaysanay Ninka Xildhibaanka Rasaaseeyay oo qirtay erayadii uu qabile sheegay in uu ku yidhi Rasaasta ka hor

0
Thursday October 24, 2013 - 19:30:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Booliiska oo aan illaa hada qaban ninkii Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile oo dhuumaalaysanay Ninka Xildhibaanka Rasaaseeyay oo qirtay erayadii uu qabile sheegay in uu ku yidhi Rasaasta ka hor

    Hargeysa(xogreebnews.com-Booliiska Somaliland ayaan illaa hada gacanta ku soo dhigin nin la yidhaahdo Tabaarik Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in uu rasaaseeyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile isagoo qirtay waliba in uu ku yidhi hadaladii X

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Booliiska Somaliland ayaan illaa hada gacanta ku soo dhigin nin la yidhaahdo Tabaarik Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in uu rasaaseeyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile isagoo qirtay waliba in uu ku yidhi hadaladii Xildhibaanku Hargeysa(xogreebnews.com-Booliiska Somaliland ayaan illaa hada gacanta ku soo dhigin nin la yidhaahdo Tabaarik Maxamed Ducaale oo warbaahinta u sheegay in uu rasaaseeyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile isagoo qirtay waliba in uu ku yidhi hadaladii Xildhibaanku sheegay in uu Ninkaasi ku yidhi intii aanu Rasaasta ku furin ee ahaa ‘Maxaa lagaa siiya Ninka Inanta inaga qaba’.
Dhacdada ninkaasi ku qirtay in uu ku Rasaaseeyay Xildhibaan Qabile oo ah mid qudh-gooyo ku ah shacbiga Somaliland ayuu Taliyaha Booliiska Somaliland sheegay in aan illaa hadda la aqoonsanayn cida uu ahaa iyo waxa ku kalifay in uu falkaasi ku kaco, isaga oo xusay in ciidamadda boolisku ay ku hawlan yihiin sidii ay ninka falkaasi gaystay u soo qaban lahaayeen.

C/laahi Fadal Iimaan waxa kale oo uu sheegay in xildhibaan Qabile ka dib markii uu ninkaasi rasaaseeyay uu kiiska u soo gudbiyay saldhiga booliska, isla markaana ay ciidamadda boolisku arrintaasi ka hawl galeen, balse sida muuqata illaa hada Booliisku shaaca kamay qaadin in ay ninkaas qabteen iyo inkale.
Taliye Fadal ayaa isagoo ka waramaya Kiiskaas yidhi “dhacdadaasi way dhacday, waxaana saldhiga booliska dacwad keenay xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile, waxaanu sheegay in rasaas lagu riday arrintaasina ciidamadda boolisku way ka hawlgaleen, falkaasina mid dhacay ayuu ahaa waxaana baadhistiisii gacanta ku haya ciidanka danbi baadhista, ninkii falkaasi ku kacayna baadi goobkiisa ayaa lagu jiraa”.
Illaa hada lama oga goobta uu ku sugan yahay Tabaarik Maxamed Ducaale hase yeeshee ilo wareedyo Waaheen la soo xidhiidhay ayaa ka war warsan in aan qabashadiisa diyaar loo ahayn isla markaana ay jiraan Tuhunka iyo Eedaha Xisbiga UCID uga jeedinayaan Xukuumadda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured