Shirkadii Daabacday Kaadhadhkii Lagaga Codaynaayay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Iyo Tii Madaxtooyada Somaliland Oo Maxkmad La Hor Keenay Iyo Xirsi Oo Maxkmadaasi Hortagi Doona Hadii..

0
Thursday October 24, 2013 - 07:43:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 931
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadii Daabacday Kaadhadhkii Lagaga Codaynaayay Doorashooyinkii Golaha Deegaanka Iyo Tii Madaxtooyada Somaliland Oo Maxkmad La Hor Keenay Iyo Xirsi Oo Maxkmadaasi Hortagi Doona Hadii..

    London,(xogreebnews.com-Waxa maalintii shalay ahayd maxkamad ku taala magaalada London dacwad musuq maasuq oo khatar ah lagu soo taagay shirkadii daabacday

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London,(xogreebnews.com-Waxa maalintii shalay ahayd maxkamad ku taala magaalada London dacwad musuq maasuq oo khatar ah lagu soo taagay shirkadii daabacday London,(xogreebnews.com-Waxa maalintii shalay ahayd maxkamad ku taala magaalada London dacwad musuq maasuq oo khatar ah lagu soo taagay shirkadii daabacday ama samaysay waraaqahii lagaga codeeyay doorashadii madaxweynaha ee Somaliland iyo sidoo kale doorashooyinkii golaha deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay ee ay ku kala hadhayeen ururadii ku tartamaayay in ay noqdaan 3 xisbi qaran kuwaasi oo ay ku soo kala baxeen Kulmiye, Wadani iyo UCID- iyada oo xusbiga Kulmiye uu ku soo baxay si xaaraan ah kadib markii ay soo iibsadeen waraaqahaasi lagu codaynaayay oo bug ahaa, iyaga oo ka soo iibsday sida ay wararku sheegayaan shirkadii daabacday oo lagu maxkmadaynaayo magaalada London oo ay degantahay.

Shirkadani ayaa si musuq maasuq ah waxa ay uga hawlgashay Somaliland, Ghana iyo dalka Kiiniya iyada oo laaluush ahaan ay u qaateen lacag dhan nus malyuun giniga Ingriiska.
Hadaba warar aanu ka helayno ilo kala duwan oo ku sugan dalka Ingriiska ayaa sheegaaya in arimahaasi musuq maasuqa ee shirkadaasi ay la gashay xaga Somaliland ay ahayeen xisbiga talada dalka Somaliland hada gacanta ku haya ee Kulmiye kuwaasi oo xiligaasi ahaa mucaarid, iyo sidoo kale intii ay xilka hayeenba oo ay arintaasi dhacaday doorashooyinkii golaha deegaanka ee ugudanbeeyay, taasi oo dhowr jeer oo hore dareemo ay dadweynaha reer Somaliland qaarkood ay ka muujiyeen, iyada oo wasiir Xirsi uu doorashooyinkii golaha deegaanka wax yar ka hor uun uu safar qarsoodi ah uu arimahaasi ugu tagay dalka Ingriiiska.
Warar kale oo aanu helayno ayaa sheegaaya in xiligaasi uu arimaha waraaqahaasi la soo daabacday ee beenta ahaa ee Siilaanyo ku soo baxay uu wakiil uga ahaa wasiirka madaxtooyada mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadaku sugan magaalada London, wararkuna ay sheegayaan in socdaalkiisa kow ka tahay arimahani iyo maxkmadani furantay, taasi oo wararku sheegayaan in wasiir Xirsi loo yeedhi doono hadii ay maxkmadu u baahato.
Maxkmadani oo socota ayaa waxa ay soo faqday guushii Kulmiye oo ku dhisnayd xaaraan iyo boob cad, sababtani musuq maasuqa ah ee uu Siilaanyo kursiga ugu fadhiyo ayaa ah ta isga iyo Xirsi isku adkaysay ee dalka sii degaaya waxba loogu qaban kari waayay, arimahani musuq maasuqa ahi waxa ay awood buuxda Siiyeen wasiir Xirsi, iyada oo ay arimahani isla ogaayeen wasiir Xirsi iyo qoyska madaxweyne Siilaanyo, taasi oo Xirsina ka dhigtay wasiirka ugu awooda weyn wasiirada Somaliland.
Waxii arimahaasi ka soo kordha kala soco halkani


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured