Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Iska Fogeeyay In Ay Lug Ku Lahaayeen Isku Daygii Dil Ee Uu Ka Badbaaday Xildhibaan Qabile

0
Thursday October 24, 2013 - 07:38:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 899
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Iska Fogeeyay In Ay Lug Ku Lahaayeen Isku Daygii Dil Ee Uu Ka Badbaaday Xildhibaan Qabile

    Waxba kalamaan socon qofka bini?aadamka ahi wuu ku eedayn karaa, dambi ma aha waxa l warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo uga yimid Xildhibaan Maxame

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxba kalamaan socon qofka bini?aadamka ahi wuu ku eedayn karaa, dambi ma aha waxa l warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo uga yimid Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile
?Waxba kalamaan socon qofka bini?aadamka ahi wuu ku eedayn karaa, dambi ma aha waxa l

Wasiiradda warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) iyo Wasiir Ku Xigeenka Amniga Cabdilaahi Abokor ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedo uga yimid Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo sheegay in ay ka dambeeyeen isku daygii dil ee habeen hore lagu beegsaday.

Labada Wasiir oo maanta si gooni gooni ah uga jawaabay eedahaymahaasi oo u waramay Telefishanka HCTV ayaa sheegay in aanay jirin wax isku keeni kara xildhibaan Qabile iyo iyaga, waxaanay tilmaameen in looga baahan yahay xildhibaanka in uu keeno cadaymaha eedaymaha uu u soo jeediyay.




Wasiirka warfaafinta Md. C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa isagu dhiniciisa tilmaamay inuu ka xun yahay eedaymaha xildhibaan Qabile oo ay saaxiib yihiin sida uu sheegay, waxana uu yidhi ?saaka maanta ayaa iigu horaysay oo jariirada Haatuf ciwaankeeda aan ku arkay oo arrintaba ku maqlay sida wax uga jiraan iyo in la toogtay iyo in aan la toogan, waan ka xumahay Qabile nin aanu saaxiib nahay ayuu ahaa wax alla wax isku kaayo keeni karaa ma jiro, aniguna saxaafada ayuu ka hadlay iyo saxaafada ayuu wax ku qoray iyo ayaa laygu eedayn jiray. wax istooganaya iyo dhaqankaasba ma jecli?.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha C/laahi Abokor Cismaan ayaa isna beeniyay eedaymaha kaga yimi xildhibaan Qabile, waxaanu sheegay in uu cadaynteedii ka rabo xildhibaan Qabile, waxaanu yidhi ?Waxba kalamaan socon qofka bini?aadamka ahi wuu ku eedayn karaa, dambi ma aha waxa laga rabaa eeda haddii uu soo jeediyay cadaynteedii ayaa laga rabaa inuu keeno.?



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured