Solja: Daahfurka Tartanka Saxaafadeedka Sannadka 2013 Waxa taageeraya Hay’adaha Qaramada Midoobay UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO

0
Wednesday October 23, 2013 - 21:12:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Solja: Daahfurka Tartanka Saxaafadeedka Sannadka 2013 Waxa taageeraya Hay’adaha Qaramada Midoobay UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO

    Hargeysa(xogreebnews.com- Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja ayaa soo qaban qaabiyay sanadkan 2013 Tartan ay ugu magac dareen abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013, taasoo ay ku qiimayn doonaan shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii&rsq

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja ayaa soo qaban qaabiyay sanadkan 2013 Tartan ay ugu magac dareen abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013, taasoo ay ku qiimayn doonaan shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta. Hargeysa(xogreebnews.com- Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja ayaa soo qaban qaabiyay sanadkan 2013 Tartan ay ugu magac dareen abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013, taasoo ay ku qiimayn doonaan shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta.
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Solja ayaa Warbaahinta Somaliland ku casuumay Tartankan isla markaana ka codsaday in ay iska soo diiwaan geliyaan Xaruntooda Suxufiyiinta ka qayb galaysa tartankan oo lagu xoojinayo arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo bini’aadaminada dalka.

WARSAXAAFADEED
Daahfurka Tartanka Saxaafadeedka Sannadka 2013
Hargaysa 23 October 2013 —Ururka Suxufiyiinta Somaliland (SOLJA) waxaa ay ku casumayaan warfidiyeenka Somaliland in ay soo dalbadaan oo ay soo gudbiyaan araajida ka qaybgalka abaalmarinta warbaahinta Somaliland ee sannadka 2013 taas oo lagu xoojinyo arrimaha la xidhiidha horumarinta iyo bini’aadaminada dalka. Abaalmarinta waxaa taageeraya hay’adaha UNDP, UNFPA, OCHA and UNESCO.
Abaalmarinta Warbaahinta waxaa lagu qiimeeyaa oo laguna aqoonsadaa shaqo wanaagga, hirgelinta mabaadii’da saxaafadda wanaagsan iyo sida loogu adeegsado wararka warbaahinta. Abaalmarintani waxaa ujeeddadeedu tahay in lagu aqoonsado dadaalka suxufiyiinta Somaliland ee kobcinta dareenka ku aaddan arrimaha horumarinta iyo bani’aadaminimada ee guud ahaan dadweynaha. Abaalmarintan waxaa la siinayaa suxufiyiinta Somaliland ee Afsoomaaliga ku shaqeeya ama wax ku tabiya taas oo looga dan leeyahay in la dhiirri geliyo mihnad warbaahin oo xooggan, firfircoon, mas’uulna ah oo waxtar u leh Shacabka Somaliland .Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com
Somaliland Journalist Association (SOLJA)
Hargeisa main Office
www.ururkasolja.org Email: soljajour@gmail.com





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured