Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre Oo Saaka Siweyn Loogu Soo Dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland+ Sawiro

0
Wednesday October 23, 2013 - 21:10:02 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre Oo Saaka Siweyn Loogu Soo Dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland+ Sawiro

    Borame(xogreebnews.com)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bare ayaa saaka siweyn loogu soo dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal . Waftigan Suldaanka oo saaka arooryadii hore ka jarmaaday Caasim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Borame(xogreebnews.com)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bare ayaa saaka siweyn loogu soo dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal . Waftigan Suldaanka oo saaka arooryadii hore ka jarmaaday Caasimada Borame(xogreebnews.com)- Wafti balaadhan oo uu hogaaminaayey Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Bare ayaa saaka siweyn loogu soo dhaweeyey Gobolada Galbeedka Somaliland ee Gabiley iyo Awdal . Waftigan Suldaanka oo saaka arooryadii hore ka jarmaaday Caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa waxa uu ku aadana booqasho kooban oo Suldaanka iyo waftigiisu ku marayeen magaalo madaxyada Gobolada Gabiley iyo Awdal ,kaasoo Suldaanka oo dhawaan la caleema-saaray ay ku beegnayd afartan baxii xafladii caleema-saarkiisa kadib markii uu dhawaan Suldaanka aabihii uu daad ku qaaday Dooxa Dacar-budhuq Suldaankan Waftiga hogaaminaayey ee Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre ayaa waxa dhalay Suldaan qiime weyn ku leh guud ahaan Ummadda reer Somaliland taas oo geeridii naxdinta lahayd ee uu ku baxay dhamaan wada taabatay bulshada reer Somaliland yar iyo wayn-ba

Waftigan Suldaan Maxamed Suldaan Bare hogaaminaayey ayaa waxa ku weheliyey Suldaanka Salaadiin waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Siciid Xaaji Yuusuf Ducaale ,Suldaan Axmed-Daahir Cilmi, Cheaf Caaqil Cabdi Faarax Yuusuf, Gaashaanle sare Aabi Awqoobay, Kabtan Garaad Cali, Maqade Ibrahim Yuusuf Xaaji Guuleed, Oday C/raxiin Saxardiid Kaahin, Madaxa Xafiiska Aqoonsiyada ee
Dawlada Hoose ee Hargeysa Mr. Xasan Maxamed C/laahi, Agaasimaha Nabad galyada iyo Badbaadada CaasimadaAmbasador C/qaadir Cumar Xaashi,
Safarkan saaka ayaa waxa ugu horeyntii waftigu ku marey magaalo madaxda gobolka Gabiley ee Gabiley taas oo siweyn loogu soo dhaweeyey waftiga Suldaanka Iyadoo ay duleedka magaalada Gabiley kaga horyimaadeen Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Mr.Yuusuf Ibrahim Geele Yamaarug ,Maayarka Magaalada Gabiley Shacayb Maxamed Muuse, Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Gabiley C/raxmaan Nuur Abakor , Xildhibaan Mahdi Maxamed Xaashi iyo Salaadiin iyo Cuqaal iyo Dadweyne tiro badan oo reer gabiley ah .

Waftigan ayaa waxa markii danbe loosii galbiyey dhanka iyo gudaha magaalada iyadoo uu maayarka Magaalada Gabiley uu waftiga ugu xog waramay xafiiskiisa iyadoo gabagabadiina waftiga Suldaanku bokhasho Tacsiya ku tageen Guriga Cheaf Caaqil Cabdi Ciidle Amaan oo ahaa Cheaf Caaqilka Guud ee Degmada Gabiley oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Gabiley Dhinaca kale Waftigii Suldaanka ayaa hore kasii watay Safarkoodii iyadoo ay usii dhaafeen dhanka iyo magaalada Boorame iyadoo ilaa xuduudka Gobolka Gabiley ay Sii Galbiyeen Madaxda iyo Masuuliyiinta Gobolku ilaa ay Waftiga kale wareegayeen Masuuliyiinta Gobolka Awdal oo waftiga iyana kusii sugaayey xadka uu la leeyahay gobolka Gabiley ,iyadoo markii danbe ay masuuliyiinta labada gobol si wada jira ugu wada galbilyeen dhanka magaalada Boorame oo ay maalintii maanta ku casuumnaayeen


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured