Dawlada Soomaaliya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Digniinta Dawlada Britain Ku Aadaneyd Khatarta Ka Soo Fool Leh Muqdisho

0
Sunday April 07, 2013 - 10:53:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawlada Soomaaliya Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabtay Digniinta Dawlada Britain Ku Aadaneyd Khatarta Ka Soo Fool Leh Muqdisho

    (xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge
(xogreebnews.com-Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xersi ayaa sheegay in digniinta dhanka amni ee ay dawlada Ingiriiska ku wargelisay muwaadiniinteeda tagaya Soomaaliyaaysan saameyn ku yeelan doonin amniga guud ee dalka.

Wasiirka oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dawlada Ingiriiska ay xaq u leedahay inay dadkeeda uga digto haddii ay dareento khatar, hase yeeshee dhaqdhaqaaqa amni, ganacsi iyo midka nololeed ee Soomaalida aaney waxba iska bedeli doonin.


“Sirdoonkaasi sheegaya in khatar ay jirto annaga ma heyno” ayuu yiri wasiirka.

“Amniga dalka waa uu sugan yahay boqolkiiba boqol” ayuu sii raaciyey hadalkiisa wasiirka.

Mar la weydiiyey in digniintan ay soo saartay dawlada Ingiriiska oo wadashaqeyn kala dhaxayso dawlada federaalka Soomaaliya ay wax u dhimi karto amaankii ay dawlada ku faani jirtay ee ka jiray Muqdisho ayaa wuxuu ku dooday in qaraxyo ay dhici jireen bishiiba hal mar laakiin hadda aysan jirin wax laga welwelo.

Wasiirku wuxuu sheegay in Al Shabaab iyo dawlada uu ka dhexeeyo dagaal, dawladuna ay u diyaarsan tahay inay si buuxda uga hortagto wax kasta oo amaandarri keeni kara oo laga soo abaabulo dhanka kooxda Shabaab oo uu ugu yeeray inay yihiin “nabad-diid”.

Dawlada Ingiriiska ayaa Jimcihii shalay shaacisay in weerar argagixisanimo oo lala damacsan yahay caasimada dalka ee Muqdisho uu haatan marayo marxaladii ugu dambeysay. Waxaana muwaadiniinta u dhashay Ingiriiska looga digay inay u socdaalaan Soomaaliya halka kuwa hadda ku suganna loogu baaqay inay deg deg uga baxaan dalka.

Digniin tan la mid ah waxaa bishii Disembar 2012 soo saartay dawlada Mareykanka oo sheegtay in deegaano ay ka mid tahay Somaliland laga yaabo in weeraro ay ka


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured