Cambaareyn Isku Daygii Dil Ee Lagula Kacay Xildhibaan Maaxamed Farax Qabile

0
Wednesday October 23, 2013 - 16:26:31 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cambaareyn Isku Daygii Dil Ee Lagula Kacay Xildhibaan Maaxamed Farax Qabile

    Falka foosha xun ee lagula kacay,Xildhibaan Qabile,waa fal fadeexad iyo foolxumo ku ah nabada iyo Dimuqraatiyada Somaliland,Xukuumada ayaana laga sugayaa jawaab cad).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Falka foosha xun ee lagula kacay,Xildhibaan Qabile,waa fal fadeexad iyo foolxumo ku ah nabada iyo Dimuqraatiyada Somaliland,Xukuumada ayaana laga sugayaa jawaab cad). Falka foosha xun ee lagula kacay,Xildhibaan Qabile,waa fal fadeexad iyo foolxumo ku ah nabada iyo Dimuqraatiyada Somaliland,Xukuumada ayaana laga sugayaa jawaab cad).
Marka hore waxaan salaan mudan dhamaan shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudaha iyo dibadaba.Marka labaad waxaanu Shacabka reer Somaliland ku dhiiri gelinaynaa in ay ilaashadaan,adkeeyaan ,meelna ugu soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyada dalkooda ,cid kasta oo isku dayda in ay dhaawac gaadhsiisana waa in ay gacan bir ah ku qabtaan.

Falka foosha xun ee laguga kacay Xildhibaan Maxamed Farax Qabile 21 okt 2013 iyo falal kale oo la mid ah , horena loogula kacay muwaadiniin reer Somaliland intii Xukuumada Kulmiye xilka dalka haysay,waxay ka marqaati kacayaan ,tamar darad,cadaalad xumada ,musuqmaasuqa iyo kala dambayn la,aanta Xukuumada talada haysa.
Falka foosha xun ee loo geystay Xildhibaan Qabile wuxuu ceeb iyo bar madow ku yahay Hayadaha Amaanka dalka,Hayadaha Garsoorka dalka iyo guud ahaan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada.Shacabkuna waxay dhowrayaan talaabooyinka ay qaadaan.
Falka lagula kacay Xildhibaan Qabile wuxuu markhaati cad u yahay cabudhinta xoriyatal qowlka,meel ka dhaca loo geysanayo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo in dalku uu ku sii socdo wado qaldan.
Haddii aan dhacdadan foosha xun si dhaqso ah wax looga qaban ,sharcigana aan la horkeenin cidii ku kacday iyo cidii soo abaabushayba ,waxaa dhici karta in ay sii xoogaystaaan dhacdooyinka noocan oo kale ahi,ugu dambeynta waxaa iman kara khal khal ku yimaada nabad iyo Dimuqraatiyada ay Somaaliland ku faanto.
Ugu dambayntii waxaanu ugu baaqaynaa guud shacabka reer Somaliland,wax garadka ,Mucaaridka ,Hayadaha Xuquuqul Insaankaba in aan laga aamusin, lana dhayalsan dhacdadaa foosha xun ee lagula kacay Xidhibaanka.
Hadal iyo dhamaan maanta waxaa falkan foosha xun loo geystay Xildhibaan Qabile balse ogaada haddii aad ka aamustaan beri qaar idinkaa mid ah ayaa lagula kici doonaaye.
ALLAA MAHAD LEH
Abdi M.Saleiman(Mingiste)
Xoghayaha.Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobolada.
Xisbiga UCID
abdi_saleiman@hotmail.com.
Facebook : abdi saleiman.
SKype : Abdisaaleiman1
twitter : @_saleiman



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured