Madasha Wadatashiga oo Ku Dhawaaqay in Qabanqabada Shirweynihii Qaran ee Ayo ka tashiga ku wareejiyeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

0
Wednesday October 23, 2013 - 16:19:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 980
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madasha Wadatashiga oo Ku Dhawaaqay in Qabanqabada Shirweynihii Qaran ee Ayo ka tashiga ku wareejiyeen Xisbiyada Mucaaridka Somaliland.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa sheegay in Shirweynihii qaran ee ay hore ugu baaqeen ay qabanqabadiisa ku wareejiyeen Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID, waxayna sheegen in shirweynaha wakhtigii hore ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa sheegay in Shirweynihii qaran ee ay hore ugu baaqeen ay qabanqabadiisa ku wareejiyeen Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID, waxayna sheegen in shirweynaha wakhtigii hore ay u Hargeisa(xogreebnews.com-Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa sheegay in Shirweynihii qaran ee ay hore ugu baaqeen ay qabanqabadiisa ku wareejiyeen Labbada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID, waxayna sheegen in shirweynaha wakhtigii hore ay u cayimeen uu qabsoomayo, iyaga oo Aqoonayahanada Culimo awdiinka, haweenka, SiyaasiyIinta ugu baaqay in ay ka soo qaybgalaan Shirka Lagaga tashanyo Mustaqbalka Somaliland.
Siddaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay ku qabteen Xaruntooda Guud oo ku taala Xafada Badda Cas ee Magaalada Hargeysa.

Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland kana Mid ah Masuuliyiinta sarsare ee Madasha Wadatashiga iyo toosinta qaranka oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi. “Guud ahaan anaga oo dhawrayna Dastuurka qaranka iyo shuruucda umada reer Somaliland degsatay, si looga saaro mugdiga oo qaranimada iyo sharaciyada iyo dastuurka dalku ay noqoto mid ilaashan ama aanu ixtiraano, oo aanan ka bixin saaxada sharciyada ee dalku leeyahay, waxaanu qaban qaabadii iyo qaabkii shirarka qaranka loo qabanayo ku wareejinay labada xisbi Qaran , dhammaan wixii danaynaya danta dalka ee reer Somaliland ahna waxaanu leenahay ka soo qaybgala. “ Ayuu yidhi.
Eng. Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu ka hadlay Ujeeda Shirkooda jaraa’id waxaanu yidhi “Waxaad aad la socotaan in 1o jullay aanu ku dhawaaqnay Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, runtii sas dawladu ka qaaday awged waxaanu u badalnay Madasha wadatashiga, xataa anagu dan kama lihin, haddii xukumadu magacnoo soo bixiso, waayo arrinkagu waa wax toosin, in ay xukumadu sas ka qaadana may ahayn wadatashi iyo toosin na waa wixii aynu ku soo caano maalnay ee halka aynu ku soo gaadhnay weeyi, lakiin xukumadu si kale ayey wax isku tustay ragaygan aad arkaysana waa raggii jabhada ka mid ahaa Ismana lihin cidbaa idinka lexejecelo badan, kolkaa lexejecelada dalku iyada oo ay nashidayso iyo habka loo socda oo aanu qawadnay,ayaa waxa aanu is nidhi in aad dawlada wadatashataan oo laysku wada yimado haddii Xisbiyada ay noqoto iyo haddii dadka Somaliland jecelba noqoto in la wadatashado oo wixii inaga qaloocan aynu toosino, wixii aynu hagaajin karna aynu saxno ” Ayuu yidhi.
Waxa kale oo uu sheegay in ay Shirkii ay hore ugu baaqeen ay ku wareejiyeen Xisbiyada Mucaaridka ah. ““Runtii Marka waxay nala Noqotay in aanu arrinka yara baaladhino oo labbada xisbi mucaarid ay qabanqaabiyaan shir cilmiyeed lagaga hadlo arrinta xisbul xaakimkuna ka soo qaybgalo, oo ay xukumadu ka soo qayb gasho, oo barlamaanku ka soo qaybgalo oo odayaasha dhaqanku ka soo qaybgalaan, oo loo dhamaado, marka labada xisbi Mucaarid ayaanu ka codsanay qabanqaabadiisa oo ay qabtaan oo arrimihii dalka lagaga hadlo sidii loo toosin lahaa iyo sidii loo hagaajin lahaa.”Ayuu yidhi.
Guddomiyaha Madasha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka Xassan Guure oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa xukumada ku eedyey in Mujaahidintii dalka u soo halgamay u diido hadlada meelaha laga hadlayo halgankii SNM, waxanu sheegay in arrintaasi anay u dulqaadandooni.“Dawladuhu inta badan waxay ka shaqeeyan siddii dadkooda ay u midayn lahaayeen, lakiin xukumadeena waxay u shaqeeysa siddii lagu kala guuri lahaa, Maalin dhaweyd ayaan waxaan tegey xaflad oo ahaa Xuskii Sooyal, oo dee may ahayn meel lacag laysku siinayey ee waxay ahayd meel faataxada Aamin lawada lahaa, oo lays lahaa dadkii dhintay ee halganka u dhintay iyo xoreynta dalka faataxada haloo maro aamina aynu wada nidhahno, had iyo jeer marka la duceysanayo cid lagu jiraba alla oge aaminta inoo badiya, marka waxaad mooda in dawladeeni Aamintii inoo badiya ay ku badashay aaminta inoo yareeya.”Ayuu yidhi.
waxa kale oo intaasi ku daray. “Marka anigu waxaan isleeyaha mar haddii faataxda aynu wadayeelan waynay qarana malaha wada yeelanmayno, ninka ii diiday in faataxo aanu wadaagno dee Qaran in aan la wadaago ima ogola, qudcurbaanu gudeynay markaanu lahayn aanu wadatashano, marka waxaanu leenahay dawladey sidan aad u wax u wadan xal ma ah ee ah yeynaan Faataxda wadawadaagin, Hadrawi waxa uu yidhi Nin ku yidhi Sinaan Mayno adna buri sareyntiisa, xeerbaa uu Siillanyo Madaxweyne iyo dawlad uu ku yahay, oo dee dastuurku xuquuq ayuu siyey anigana xuquuq ayuu isiiyey, haddii uu tayda diidona anigu yeelimayo tiisa markan dhib ayaa imandoonta, marka dawladu ha ka waantowdo wixii dadka kala kaxaynaya, wadad ceerigabo dadku way wada leeyihiin, cid gaar ahina malaha, marka dawladay kaliga haysku koobin.”Ayuu yidhi.
Mujaahid Xassan Ciise oo Isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi.“Xukumadeena Maanta waxaad mooda in mucaaridnimada u aragto cadaw, lakiin mucaaridnimadu cadow ma ah ee waa qayb ka mid ah siyaasada Dimuqraadiga ah ee Xalaasha ee umadi ay leedahay waana qayb lama huraan ah sidda qaybta muxaafidku ay tahay lama huraan ay u tahay, mucaaridkuna ay tahay lama huraan, waxa la odhan jiray mucaaridka iyo muxaafidku waa labbada lugood ee qofku wada talaabsado, haddii qofku uu doonayo in uu saani u talaabsado labada lugoodba wuu u bahan yahay midig iyo bidixba waana iskugu mid, haddii jawigii siyaasada colaadi soo gasho, jawigii aman ee dalku khalkhal ayuu galaya ee taa hala ogaado, Maalmo dhaweyd Websedyada Dawlada lagu aamano waxay soo galinayeen Aflagaadooyin iyo hanjabaado, Hanjabadihii Websedyadii way ka soo gudbeen oo suuqa ayey soo gaadheen, waxa Jaraa’ida qaar ka mid ah ku qoran in faysal Cali Waraabe uu sheegay in Meesha ugu sareysa dawlada looga soo hanjabay, waa hogaamiye mucaarid ah xalaal ah oo dimuqraadi ah oo dastuuri ah oo sidda Golaah wasiirada ay dastoori u yihiin ayuu isaguna dastuuri uu yahay, Xildhibaan qabile waxaad ogtihiin isaga in ay afkii ay dhaaftayo la rasaaseyey.”Ayuu yidhi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured