Haddii Aniga Huteel La Igaga Taggo Boorsadayda Ayaan Soo Qaadanayaa”Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Weftiga S/Land Ee Wada-Hadalada Somalia Ee Ankara Ee Lagu Daray

0
Sunday April 07, 2013 - 10:50:19 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1118
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Haddii Aniga Huteel La Igaga Taggo Boorsadayda Ayaan Soo Qaadanayaa”Eng Faysal Cali Waraabe Oo Ka Hadlay Sida Uu U Arko Weftiga S/Land Ee Wada-Hadalada Somalia Ee Ankara Ee Lagu Daray

    Guddoomiyaha UCID oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaki ka muujiyey shirkaasi, isaga oo sheegay inaanu ogolaanayn wax laaqi ku ah sharafta Somaliland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha UCID oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaki ka muujiyey shirkaasi, isaga oo sheegay inaanu ogolaanayn wax laaqi ku ah sharafta Somaliland.


Hargeysa, April 6, 2013 (xogreebnews.com
) — Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu ku daray xubnaha dawladda Somaliland uga qayb-galaya wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan ka furmaya dalka Turkiga.
Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu habeen hore isugu yeedhay xubnihii wada-hadaladii hore xukuumadda uga qayb-galay, kuwaasi oo uu isagu ka mid ahaa.
Guddoomiyaha UCID oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaki ka muujiyey shirkaasi, isaga oo sheegay inaanu ogolaanayn wax laaqi ku ah sharafta Somaliland.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Madaxwaynuhu wuxuu noo yeedhay habeen hore, wuxuu yidhi shantiinii hore isku kaalaya arinkaasaa laga tashanayaaye, anigu markaan arinkaasi maqlay waxaan la tashaday dad Mucaarad ah, waxaanan meesha ala tagay toddoba qodob, toddobadii qodobna way hayaan oo meel looga leexan karaa ma jirto”
Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Turkigu aanu wax saamayn ah ku yeelan Karin waxa ay ka wada hadlayaan labada dhinac “Turkigu gogosha ayuu inoo dhigayaa, laakiin dadka wada hadlayaa waa inaga iyo Somaliya, anagu UCIDna wixii meesha ka dhaca waanu idiin soo sheegi doonaa, wixii Somaliland sharafteeda laaqi ku ahna meel aan anigu joogo laga ogolaan maayo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dadbaa igu yidhi huteeladaa lagaga tagi, haddii aniga huteel la igaga taggo boorsadayda ayaan soo qaadanayaa”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured