Madaxweynaha Uganda oo ku baraarugay musuq-maasuqa iyo Hagardaamada Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM (Warbixin)

0
Tuesday October 22, 2013 - 21:12:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1045
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Uganda oo ku baraarugay musuq-maasuqa iyo Hagardaamada Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM (Warbixin)

    uganda(xogreebnews.com- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa niyad jab iyo anfariir ka qaaday warbixin ay u soo gudbiyeen ciidamada Uganda ee UPDF oo ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaas oo bedel ahaan ugu soo laabta dalkooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

uganda(xogreebnews.com- Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa niyad jab iyo anfariir ka qaaday warbixin ay u soo gudbiyeen ciidamada Uganda ee UPDF oo ka tirsan howlgalka AMISOM kuwaas oo bedel ahaan ugu soo laabta dalkooda. Sida ay qortay jariidada Monitor ee ka soo baxda magaaladda Kampala, madaxweyne Musevi ayaa ku baraarugay arrimo dhowr ah o la xiriira AMISOM, kaddib markii uu kulan xog wareysi ah askartan kula qaatay dugsiga tababarka ciidamada ee Singo ee degmada Nakaseke, isagoo dhammaan saariishada ciidanka ka codsaday inay ka baxaan hoolka shirka, si uu ciidanka uga helo warbixin buuxda oo la xiriirta noloshooda, qaabkii ay u dagaalami jiree, hogganka ciidanka iyo mushaarkii ay heli jireen.

Askartan ayaa madaxweynaha ka ilmeysiiyay, kaddib markii ay u sheegeen inay marar badan ay la dagaaleen ciidanka ay AL-shabaab iyagoo gaajeysan, isla markaana waxay cunaan aan heysan, mararka qaarna loo keeni jiray raashin uraya oo la kariyay dhowr maalmood ka hor , “Taliyaashu waxay suuqyada ka soo iibsan jireen cunto macaan oo nadiif ah, inagana waxay nagu qasbi jireen inaan cunno mid ureysa” ayay madaxweynaha u sheegeen askar ka tirsan guutada 45-aad ee ciidanka Uganda.
Sida uu qoray Monitor waxay askartan si qalbi furan warbixintan ula wadaageen Madaxweyne Musevi, iyagoo u shegay in saraakiisha ciidanku ay iibsan jireen shidaalkii loogu talo galay in ay ku dagaallamaan baabuurta gaashaaman sida Taangiyada.
“Gaadiidka dagaalka ee aan xabadu karin looma isticmaali jiran dagaalka Al-shabaab, waxayna taa bedelkeeda ay jidadka Muqdisho u mari jireen (dadku ha idin arkaa iyo is tus-tus), waayo shidaalkii ay ku dagaallami lahaayeen waxaa iibsadn taliyaasha” ayay u sheegeen madaxweyne Museveni.
Ciidankan oo mid-mid madaxweynaha ugu waramaya ayaa sheegay inay taliyasha ciidanka AMISOM ula dhaqmi jireen sidii mucaarad oo kale, waxayna sheegeen in laga musuq-maasuqay mushaaraadkooda iyo gunnooyinka loo soo saxiixay.
“Ilaa bishii September ee sanadkii hore ma aynaan helin gunnoyinkeenii, haddii aan weydiino taliyasheena waxay noogu jawaabi jireen handadaad ah in dib naloo celinayo haddii aan mar dambe kala hadalno arrinta mushaarka” ayuu yiri askari magaciisa la qariyay oo ka tirsan ciidanka difaaca cirka.
Museveni oo xanaaq daraadiis indha isku haya, ayaa indhaha kala furay markii askari kale oo ka tirsan ciidanka lugta uu u sheegay in taliyaasha ciidanka ay hubka iyo rasaasta ka iibiyaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed, taas oo ay xitaa dhici karto inay ka mid yihiin wakiilo u shageeqa xarkada alshabaab, kuwaas oo ciidanka UPDF ay dagaa kula jiraan.
Askarta ayaa sheegay in xilligan ka hor aysan su’aalaha iyo warbixintan soo bandhgi karin, iyagoo sheegay inay aaminsanaayeen in madaxweynuhu ka war hayo dhibaatada heysata ciidankiisa.
Sida ay qortay jariidada Monitor, eraygii ugu horeeyay ee Museveni ka soo yeera kaddib markii uu dhageystay warbixinta wuxuu ahaa;
“Waan ka xumahay wax kasta oo idinku dhacay intii aad joogteen halkaas (Somalia), arrintan hada ayaan ku baraarugay, waxaana idinka ballan qaadayaa inaan wax ka qabanayo khaa’iniintii magaca Uganda dhulka ku jiiday”
Warbixita ay heshay jariirada Monitor ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynuhu uu ciidankiisa uga mahadceliyay faah-faahinta dheeriga ah oo ay ka siiyeen howlgalka AMISOM ee Somalia, wuxuuna sheegay in xitaa laamaha sirdoonka uusan weli ka helin warbixin nuucan oo kale ah.
Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliska ciidanka Uganda Lt Col Paddy Ankund ayaa ka gaabssaday inuu faah-faahin ka bixiyo kulankaas, isagoo sheegay inaanu goob joog ka aheyn, wuxuuse xaqiijiyay inay jiraan ugu yaraan 24 ciidan, saraakiil iyo qandaraasle yaal ah oo loo ganaaxay qiyaanooyin, xatooyo iyo musuq-maasuq, kuwaas oo ay ka mid yihiin;
- Brig. Michael Ondoga–Ugabag10 Contigent commander
- Lt Col Johnson Muhanguzi
- Lt Col Oulanya of 403 battalion
- Lt Col Sam Kirya–Intelligence Officer
- Lt Col Matua
- Maj Kirabo-logistics
- Maj Nsubuga —logistics
- Capt Joy Atugonza —logistics Officer
- Capt Muwolozi —Special Investigations Bureau
- Capt Joseph Ochari
- Capt Sirajje Kyalisima
- Capt Biryomaisho
- Capt Wekomba
- Lt Felix Muhuza -- motor transport officer
- Lt Ahmed Seiko
- Lt Sulaiman Ssekajja
- Lt Patrick Opio
- Lt Balidawa
- Lt Charles Bwambale
- Warrant Officer I Masagazi
- Sergeant Waiswa
- Lance Corporal Ochan
- Lance Corporal Muluya Eluid
- Private Ntura
- Private Ssebidde Ismail Ibrahim



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured