MADAXWEYNE SIILAANYO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAY BAHDA SUUGAANTA

0
Tuesday October 22, 2013 - 20:21:50 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 952
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO TACSI TIIRAANYO LEH U DIRAY BAHDA SUUGAANTA

    Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo wuxuu tacsi u dirayaa Bah-Weynta Suugaanta ee ku hadasha Afka Somaliga meel ay joogaanba, isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Abwaan Cali Xasan Aadan (Cali Banfas) oo ku geeriyooday Magaalada Hargeisa 22.10.2013 laguna aasay.
Madaxweynuhu waxa kale oo uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Abwaanka
Madaxweynuhu wuxuu MARXUUMKA ku tilmaamay Abwaan qaran oo ka baxay bulshada ku hadasha afka soomaaliga, waxaanu ahaa Halgamaa magac iyo taariikh ku dhex lahaa bulshada Somaliland isagoo door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, ILLAAHAY-na waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Bah-Weynta Suugaanta, Ehelkii, Qoyskii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo dhamaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured