Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

0
Tuesday October 22, 2013 - 19:04:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1515
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

    Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI, kaasoo lagu magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADDANI, kaasoo lagu magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Waxaanu qoraalka warkaasi u dhignaa sidan:- “Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) wuxuu maanta magacaabay Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.
Gudoomiyuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 28aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.
Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in la buuxiyo jagada Xoghayaha qorshaynta.
Markuu La Tashaday: Xubnaha Hogaanka Xisbiga WADDANI.
Markuu ku Qancay: Inuu hanan karo xilkan loo magacaabay.
Wuxuu go’aansaday:-
In laga bilaabo taariikhda maanta uu Mudane Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) noqdo Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga WADDANI.

Waxa laga codsanayaa dhamaan xubnaha Xisbiga WADDANI inay la shaqeeyaan Xoghayaha Qorshaynta Xisbiga, una fududeeyaan wixii hawlo ah.
ALLAA MAHAD LEH
Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)
Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured