GABAY L a Yidhaahdo (Abaal-Gud) Oo U Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen U Tiriyey SNM

0
Sunday April 07, 2013 - 10:38:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    GABAY L a Yidhaahdo (Abaal-Gud) Oo U Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen U Tiriyey SNM

    Gabay “Abaal-Gud”, oo SNM loo tiriyey Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen, April 5teedii, 2009kii isagoo ugu talo galay xuska munaasibadan ku beegan April 6deeda oo ah maalintii SNM la aasaasay sanadkii 1981 kii, oo ku began maanta oo laga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gabay “Abaal-Gud”, oo SNM loo tiriyey Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen, April 5teedii, 2009kii isagoo ugu talo galay xuska munaasibadan ku beegan April 6deeda oo ah maalintii SNM la aasaasay sanadkii 1981 kii, oo ku began maanta oo laga joogo 32-sanadood, waxaanu Gabaygii isaga oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:
GABAY L a Yidhaahdo (Abaal-Gud) Oo U Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen U Tiriyey SNM



Gabay “Abaal-Gud”, oo SNM loo tiriyey Waxaa tiriyey: Jamaal Cali Xuseen, April 5teedii, 2009kii isagoo ugu talo galay xuska munaasibadan ku beegan April 6deeda oo ah maalintii SNM la aasaasay sanadkii 1981 kii, oo ku began maanta oo laga joogo 32-sanadood, waxaanu Gabaygii isaga oo dhameystiran uu u dhignaa sidan:


1. Halgan gobannimo doonkii SNM, guul ku soo khatimye
2. Waa mid taariikh gun dheer galo, xil la soo gutayee
3. Gef iyo gardara laga degaalamay, iyo gunnimo diide
4. Ged-gedoonka waayuhu wuu qiri, taariikhda guudi
5. Gurmadkii maatida u kacaye, gooyey taladeeda
6. Waa kuwii ka gam?in xilkoodi, gudashadiisiiye
7. Gal-dalool iyo quudhsi raggii, gardarada diidey

8. Gujo nacasta raggii ka dhiidhiyey, garasho dheeraada

9. Waa kuwii godkuun ku jiree, kaga gig siinaayey

10. Waa kuwii god iyo dhufays galee, guntad ku raameeystay
11. Waa kuwii gelin iyo habeen, cadowga goobaayey
12. Waa kuwii goor walba naftood, guuto lagu saaray
13. Gowraca raggii joojiyee, kaga gariirsiiyey
14. Hooyooyinkii goblamayee, gabanadood waayey
15. Guryaha raggii u iibiyee, gubayey laabtooda
16. Gawaadhida kuwii keenayee, goownaxyada buuray
17. Gaashaan qaadkii qurbahee, cadho galiilyooday
18. Godobtii darneyd kuwii qiraye, dibada gaadhsiiyey
19. Kuwii qalin muruq ku gooyee, cadowga giigiimay
20. Giiryaalle raggii eryadee, geedka sare fuushey
21. Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay
22. Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye.

23. Taariikh ma gabowdo abidkeed, kana gun dheer ceelle

24. Abriil lix waa in loo guddaa, abaalkay soo gashaye
25. Guul waa in lagu suntaa gugaas, geyi barwaaqeede
26. Abriil duco waa in loo guntaa, geesi oo idile
27. Xasuuso geesiyadii halgame, guusha noo dhaliyey.

28. Geedba marbay qolofi ka dhacdaa, gorada guudkiisa
29. Ummadi gobanimo way higsataa, goor la gawracayee
30. Gantaalihi shicibka ku dhiciyo, nabaradii gaadhey
31. Gef laynaga galuu ahaayoo, guul Ilaah bixiyee
32. Halgan dhiiga dhuuxiisiyo gala, jiidhka gudahiisa

33. Mid aynu u wada guntanu ahaa, shicibka guushiise
34. Guhaadkii haween iyo carruur, Talisku gaadhsiiyey
35. Geeddi iyo jid dheer baa loo mariyo, geyi shisheedaade
36. Gufaac dabayl iyo habar dugaag, guri lagula hoydee
37. Guryo iyo adduun baa ku lumay, hanti ma guuraane
38. Galbeed iyo Barri buu is qabsaday, galalac baaruude
39. Kuwii gardarada waday waa tii, geesi uu helaye
40. Raggii garaad iyo aqoonba, Guulle ku manaystay
41. Geesiyadii geedka u galee, goobtan ka xoreeyay
42. Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye.

43. Taariikh ma gabowdo abidkeed, kana gun dheer ceelle
44. Abriil lix waa in loo guddaa, abaalkay soo gashaye
45. Guul waa in lagu suntaa gugaas, geyi barwaaqeede
46. Abriil duco waa in loo guntaa, geesi oo idile
47. Xasuuso geesiyadii halgame, guusha noo dhaliyey.
48. Hadaan halgan gobonmino dirirkii, gaar u falanqeeyo

49. Olol iyo dhib baa loo dhex galay, gumuc rasaaseede
50. Gaajiyo haraad baa laga mutiyo, geerri iyo ciille
51. Maxaa mujaahid geydhanoo, geesiyaal wada ah
52. Maxay gaashaan adag noo noqdeen, gedo wanaagooda
53. Maxaa miskiin guri laga dumiyey, cadho la giigiimey
54. Maxay giraanti adduunyadu mirtay, geeshash odayaal ah
55. Maxaa nolol sharaf lehoo gudheyn, nalagu soo giijey
56. Guhaad ciil iyo cadho kuwii, shicibka gaadhsiiyey
57. Dawlad ku sheegtii gaadmaduun, galabki qaadeeysay
58. Seetada nimankii goostaye, gaaska ku shubaayey

59. Gocorro reenkii kuwii ummadda, nabarka gaadhsiiyey
60. Kuwii gardarrada waday waa tii, geesi uu helaye
61. Geesiyadii jiidhku damqadaye, gama?na loo diideey

62. Waa kuwii siday guul u dhaliyaan, gaajo ax odhanaynin
63. Waa kuway gurmad miig iyo kaare, gawda uun ku hayeen
64. Waa kuwii mar qudha ka gabanee, goolka dhalinaayey
65. Geesiyadaa geedka u galee, goobtan ka xoreeyay
66. Inaynu maanta guushood xusnaa, gaar bay noo tahaye.

67. Taariikh ma gabowdo abidkeed, kana gun dheer ceelle
68. Abriil lix waa in loo guddaa, abaalkay soo gashaye
69. Guul waa in lagu suntaa gugaas, geyi barwaaqeede

70. Abriil duco waa in loo guntaa, geesi oo idile

71. Xasuuso geesiyadii halgame, guusha noo dhaliyey.

72. Kun goblamay kun gaatimaayiyo, kuman kaloo giiran
73. Kun gabanaaya kun geel lehiyo, kuman gogolba haaysan
74. Iyo kuman geesiyaal ahoo, Guulle ku maneeystay
75. Iyo kuman in gacmaha lagu sugo, geliyey laabtooda
76. Iyo kuman in gaar lo-tashado, laba gudboonaatay
77. Iyo kuman xarago la giigsano, guri ku faanaaya
78. Iyo kuman gaajo olalayoo, garowna aan haaysan
79. Iyo kuman badaha goobayoo, dhoof u gubanaaya
80. Iyo kuman godob li?i seexdayo, gurina aan doonin
81. Iyo kuman barakaca gacan qabtiyo, garabka Soomaali
82. Iyo kuman gaadh inaga hayoo, Qaranka guuleeyey
83. Iyo kuman gabdhoodo fariidoo, gacalka soo raadsha
84. Iyo kuman guyaal iyo guyaal, gurayey maandeeqda
85. Iyo kuman digsiga goobayoo, hilib u googooyey
86. Iyo kuman gaadh wadeen ahoo, nabad ku guubaabshay
87. Arligenan dawladnimo guddoonshe, gaadhka lagu meershay
88. Goobtaan hadhkiyo nabada ahe, heerka sare gaadhey
89. Waa mid laabtayda gilgilaysoo, laga gabyaa maante
90. Gurbaan garab kuugu jira baa, gacalku kuu hayne
91. Guul-guul colaad yaan la gelin, weerar gacaleede
92. Waa in guushaas la giijiyo, oon la gaba-gabeynin
93. Waa in guushaas la gaagixin, Guulle noo dhaliyey
94. Waa in geed lagu meeriyaa, oon gacalku ooyin
95. Mar kale gardaro darteed yaan, shacabku uu guurin
96. Garashadu waa inay gudoomisa, gogolna keentaaye
97. Gurmadki waa inuu astaan noqdo, lagu xardhaa guulle
98. Halgankii geesiyadii waa in, loo garwaaqsadaye
99. Xasuusoo geesiyadaa ogow, garabka noo muujey.

100. Taariikh ma gabowdo abidkeed, kana gun dheer ceelle
101. Abriil lix waa in loo guddaa, abaalkay soo gashaye
102. Guul waa in lagu suntaa gugaas, geyi barwaaqeede
103. Abriil duco waa in loo guntaa, geesi oo idile

104. Godkii lagu xasuustaa kuli, gabanadeeniiye
105. Geesiyadii duco loo mari, gelinba aamiinta
106. Inuu Guudka sare jannadii, Eebaheen geliyo
107. Xasuuso geesiyadii halgame, guusha noo dhaliyey


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured