War Deg Dega: Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Goor dhawayd lagu rasaaseeyay magaalada Hargeysa

0
Monday October 21, 2013 - 22:05:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1531
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Dega: Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo Goor dhawayd lagu rasaaseeyay magaalada Hargeysa

    hargeisa(xogreebnews.com-ma jiro war rasmiya oo aanu ka helay Xildhibaan Qabile oo telefoonkiisa gacanu xidhanyahay, haseyeeshee xubno ka mid ah ehlada Xildhibaanka, ayaa shebekadda Berberanews u sheegay in nin bastoolad ku hubaysani xildhibaanka ku

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

hargeisa(xogreebnews.com-ma jiro war rasmiya oo aanu ka helay Xildhibaan Qabile oo telefoonkiisa gacanu xidhanyahay, haseyeeshee xubno ka mid ah ehlada Xildhibaanka, ayaa shebekadda Berberanews u sheegay in nin bastoolad ku hubaysani xildhibaanka ku rasaaseeyay Xaafadad Jigjiga yare e caasimadda Hargeysa, balse Ilaahay ka duway oo aan wax hargeisa(xogreebnews.com-ma jiro war rasmiya oo aanu ka helay Xildhibaan Qabile oo telefoonkiisa gacanu xidhanyahay, haseyeeshee xubno ka mid ah ehlada Xildhibaanka, ayaa shebekadda Berberanews u sheegay in nin bastoolad ku hubaysani xildhibaanka ku rasaaseeyay Xaafadad Jigjiga yare e caasimadda Hargeysa, balse Ilaahay ka duway oo aan wax khasaare ahi ka soo gaadhin Xildhibaanka.
Warka aanu ka helay ehelada Xildhibaanku wuxuu intaa raaciyay in ninka soo weeraray Xildhibaan Qabileintii aanu bastoolada ku ridin ku yidhi, “Maxaa lagaa siiyaa Madaxweynaha,” ka dibnau xigsiiyay rasaasta.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka soo baxay Xisbiga UCID, ayaa lagu sifeeyaa inuu yahay Xildhibaanka qudha ee aan mar qudha mabda’iisa siyaasadeed ku milmin dhaqaalaha xukuummadihii kala dambeeyay iyo tan Madaxweyne Silaanyo ee xilka haysaa ku furfurto xildhibaannada Mucaaridka u badnaan jiray oo immika boqolkiiba sagaashan dhinaca xukuumadda u janjeedha.
Xildhibaanku wuxuu muddooyinkii u dambeeyay si weyn uga soo horjeeday siyaasadda hoggaamineed ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu saxaafadda u mariyay dhalliilo iyo toosin badan
Maaha markii u horraysay ee Xildhibaan Qabille lagu soo qaado weeraro hubaysan oo ka dhan ah mabda’iisa siyaasadeed sannadkii 2009 08 November, ayaa dirqi kaga badbaaday isku day dil oo rasaas lagu riday xilli habeenimo ah Degmada Gacan Libaax, gaar ahaan xaafadda Daami ee Bariga Hargeysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured