WARAR ISKA SOO HORJEEDA OO KASO BAXAYA MAAMULKA JUBBOYINKA IYO DAWLADA SOMALIYA,OO MURAN XOOGAN UU DHEEXEYAY

0
Monday October 21, 2013 - 20:18:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WARAR ISKA SOO HORJEEDA OO KASO BAXAYA MAAMULKA JUBBOYINKA IYO DAWLADA SOMALIYA,OO MURAN XOOGAN UU DHEEXEYAY

    Kismaayo(xogreebnews.com-Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gabagabeeyay wadahadallo qaatay mudo laba maalmood ah oo u dhexeeyay masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya, iyadoona sidoo kale ay wada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kismaayo(xogreebnews.com-Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose lagu soo gabagabeeyay wadahadallo qaatay mudo laba maalmood ah oo u dhexeeyay masuuliyiinta maamulka KMG ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya, iyadoona sidoo kale ay wadahadalladani goobjoog ka ahaa xubno ka socday ururka Midowga Afrika. Kadib dood dheer iyo is fahanwaa ku aadan qodobadii laga wadahadlayay ayay labada dhinac ugu danbeeyntii si wadajir ah isugu afgarteen qodobadii ugu darnaa ee uu muranka ka taagnaa.
Qodobada ay labada dhinac ay ku heshiiyeen ayaa waxaa kamid ahaa in hogaamiyaha maamulka Jubba uu kasoo qeybgeli doono shirka looga hadlayo arimaha Jubooyinka ee ay dowladda Soomaaliya iclaamisay in lagu qaban doono magaalada Muqdisho.
In lasoo xareeyo ciidamada ku sugan duleedka Kismaayo ee uu hogaamiyo COL Barre Aadan Shire (Hiiraale), iyadoona soo xareyntooda ay ka wada shaqeyn doonaan guddiyo ka kooban dowladda Soomaaliya, maamulka Jubba iyo AMISOM.

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed iyo hogaamiyaha maamulka Jubba oo heshiiskooda kadib warbaahinta la hadlay ayaa labaduba guul ku tilmaamay go'aanka ay gaareen, waxayna sheegeen in hada kadib la ambaqaadi dooni sidii loo dhaqan gelin lahaa waxyaalaha ka dhiman heshiisyada ay labada dhinac gaareen.
Hogaamiyaha maamulka Jubba ayaa hore u shaaciyay in uusan ka qeybgeli doonin shirka ay dowladu sheegtay in lagu qaban doono Muqdisho, wuxuuna heshiiskani meesha ka saarayaan khilaafkii ka dhex aloosnaa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee ku aadanaa hanaanka siyaasadeed ee gobollada Jubooyinka.
Wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka ayaa heshiiska kadib dib ugu laabtay dhanka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, iyadoona ay sii sagootiyeen masuuliyiinta ugu sareeysa ee maamulka Jubba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured