Hogaamiyaasha Ururadii ku biiray Kulmiye oo sheegay in kulmiye ka baxay heshiiyadii uu la galay,kana biyo diiday hanaanka Hogaanka kulmiye u xulay gudiga qabanqaabada shirweynaha iyo Golaha fulintaba.

0
Monday October 21, 2013 - 10:51:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hogaamiyaasha Ururadii ku biiray Kulmiye oo sheegay in kulmiye ka baxay heshiiyadii uu la galay,kana biyo diiday hanaanka Hogaanka kulmiye u xulay gudiga qabanqaabada shirweynaha iyo Golaha fulintaba.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo hoose oo isa soo taraaya oo ka soo kordhaaya murano iyo khilaafyo hor leh oo ka dhex oogmay kooxo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka xisbiga ayaa tibaaxaaya inuu jiro guux demi la’oo ka soo baxaaya Hogaamiyay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo hoose oo isa soo taraaya oo ka soo kordhaaya murano iyo khilaafyo hor leh oo ka dhex oogmay kooxo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka xisbiga ayaa tibaaxaaya inuu jiro guux demi la’oo ka soo baxaaya Hogaamiyayaasha ururadii ku Hargeisa-(xogreebnews.com-Xoggo hoose oo isa soo taraaya oo ka soo kordhaaya murano iyo khilaafyo hor leh oo ka dhex oogmay kooxo ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo Hogaanka xisbiga ayaa tibaaxaaya inuu jiro guux demi la’oo ka soo baxaaya Hogaamiyayaasha ururadii ku guuldaraystay ama ku hadhay doorashooyinkii Golayaasha degaanka Somaliland ee ku biiray xisbiga Kulmiye.
Sida xogguhu tibaxayaan Hogaamiyayaayasha ururadii ku hadhay doorashooyinkii Golayaasha degaanka ee ku biiray xisbiga Kulmiye ee ay ka mid ahaayeen Rays,Dalsan,Jamhuuriga iyo xisbigii burburay ee Udub ayaa qawaday ,kana biyo diiday habka Hogaanka Kulmiye u soo xulay ama isagu koobay soo xulida Gudiga qabanqaabada shirweynaha xisbiga iyo weliba hanaanka loo maray buuxinta xubanaha golaha fulinta Kulmiye ka banaanatey oo ay naawilayeen oo iyagu isku wadeen.

Hogaamiyayaasha ururadii hadhay ee ku biiray Kulmiye qaarkood oo shalay kulan-doceed la yeeshay Hogaanka kulmiye ayaa ku dooday in heshiisyadii uu kulmiye la galay ka baxay, isagoo Hogaamiye-Urur waliba ku dooday inuu waayey xubnihii fulinta ee heshiiska lagula galay ,ku darsoo Hogaamiyaha Urur waliba wuxuu ku dooday in laga qadiyey ,ahaydna in xubno loogu daro gudiga qabanqaabada shirweynaha Kulmiye hase yeeshee waxay ilo wareedyo u dhuun daloola arintaasi sheegeen in cabashooyinka iyo tabashooyinka hogaamiayayaasha ururadii ku soo biiray kulmiye wateen aan wax buuran laga soo qaadin, laguna dhiirigeliyey inay hadda iyaga iyo kaadiriintoodiiba u tartamaan xubnaha golaha dhexe iyo Gudiga fulinta ee la soo xuli doono!.
Isku soo wada duuboo ilaa hadda sida tibaaxuhu sheegayaan may qancin, manay helin wax garawshiiyo ah hogaamiayaayasha ururadii ku hadhay doorashooyinkii golayaasha degaanka ee ku biiray Xisbiga Kulmiye oo uu ka mid yahay ismaaciil yare.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured