Madaxweyne Siilaanyo oo si dadban u kala diray Guddidii Sanduuqa Hawl-gabka shaqaalaha iyo Ciidamadda Waa markii u horaysay ee uu Madaxweyne Axmed ka leexdo jihadiii magacaabista Guddiyada

0
Monday October 21, 2013 - 10:35:06 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo si dadban u kala diray Guddidii Sanduuqa Hawl-gabka shaqaalaha iyo Ciidamadda Waa markii u horaysay ee uu Madaxweyne Axmed ka leexdo jihadiii magacaabista Guddiyada

    Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa guddidii Sanduuqa Xaq-siinta shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda si dadban u kala diray kadib markii guddidaas samayn kari weyday Xeerkii lagu maamuli lahaa Sanduuqaas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa guddidii Sanduuqa Xaq-siinta shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda si dadban u kala diray kadib markii guddidaas samayn kari weyday Xeerkii lagu maamuli lahaa Sanduuqaas. Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa guddidii Sanduuqa Xaq-siinta shaqaalaha Dawladda iyo Ciidamadda si dadban u kala diray kadib markii guddidaas samayn kari weyday Xeerkii lagu maamuli lahaa Sanduuqaas.
Guddida oo isugu jirtay Wasiiro iyo Guddoomiyayaal Hay’addo Dawladeed ayaa Madaxweyne Siilaanyo xilkii uu u magacaabay ku wareejiyay Wasaaradd ka mid ah xubnihii wasiiradda ahaa ee Guddidaas ku jiray oo ah Wasaaradda Qoyska iyo Arrimaha Bulshada.

“Waa in ay si deg deg ah Sanduuqii hawl-gabka wasaaradda shaqada iyo Arrimaha Bulshadu u soo samaysaa Xeerkii lagu dhiqi lahaa” sidaas waxa qorshaha siyaasadda Miisaaniyadda ku yidhi Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo.
Hase yeeshee ma jirto illaa hada qoraal rasmi ah oo uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku cadeeyay sababta uu Guddidii hore ee hawsha gacanta ku haysay uga wareejiyay iyo qaabka shaqadii ay soo qabteen Wasaaradda uu u xil saaray halkii uga sii qaadayso.
Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay taariikhda ee madaxweyne Siilaanyo uu ku baabi’iyo Guddi uu xil u dhiibay, ilaa inta la ogyahayna Madaxweyne Siilaanyo mudadii uu xilka hayay waxa uu magacaabay guddiyo farabadan kuwaas oo aan illaa had aka soo bixin shaqooyinkii loo diray iyadoo ay Guddiyadaas ka mid yihiin Guddidii Bilicda Caasimada oo kale.
Sidoo kale, Guddiyadii uu ku magacaabay shirkii dibu-qiimaynta Maamulkiisa oo uu ku magacaabay dhawr iyo toban Guddi ayaan illaa hada la ogayn meel ay ku danbeeyeen iyo halka ay ka qaadeen boqolkiiba Toddobaatankii ay sheegeen in ay Xukuumaddu qabatay.
Waxa aan la garanayn Wasaaraddan uu u dhiibay Xeerka Sanduuqa Hawl-gabku waxa ay ku soo kordhinayso maadaama Xeerar la mid ah oo uu kii Sekedu ka mid yahayba aanay dhaqaajin wasaaraddii loo Xil saaray ee Diinta iyo Aw-qaaftuba.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured