Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muunin Seed, ayaa siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka raaligelin ka siiyey hadal ka soo yeedhay maayirka Boorama

0
Sunday October 20, 2013 - 21:48:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee xisbiga WADDANI Md. Axmed Muunin Seed, ayaa siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka raaligelin ka siiyey hadal ka soo yeedhay maayirka Boorama

    Boramo(xogreebnews.com-a(Md. Axmed Muuin Seed oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay shalay isagoo jooga magaalada Boorama,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boramo(xogreebnews.com-a(Md. Axmed Muuin Seed oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay shalay isagoo jooga magaalada Boorama, Boramo(xogreebnews.com-a(Md. Axmed Muuin Seed oo Jamhuuriya khadka telefoonka ugu waramay shalay isagoo jooga magaalada Boorama, waxa uu sheegay in dadku aad uga xumaadeen hadalka ka soo baxay maayirka Boorama ee uu ku sheegay in aanay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu iman karin Boorama, isagoo xusay inuu hadalkaas ka raaligelinayo xubnaha madashada, waxaannu tilmaamay in aan magaalooyinka Somaliland loo diidi karin qof muwaadin ah iyo siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga oo uu ku sifeeyey inay yihiin rag qiimo weyn ku leh dalka Somaliland.

“Horta, raggaasi Madasha Wada-tashiga ku jiraa waa kuwii u soo halgamay gooni-isu-taagga iyo jiritaanka Somaliland, waa raggii maalkooda iyo naftoodba u soo hurray in Somaliland maanta gooni-isu-taagto oo ay yeelato calankaa la hadhsanayo, quruxdaas iyo doorashooyinkaa badan ee ay ka mid tahay golayaashaa degaanka ee doorashada, Somaliland-na waxay ku leeyihiin abaalwayn iyo qiimo badan. Mana aha rag geya hadalka ka soo yeedhay Maayarka Boorama, sida runtu tahayna Maayarku waa duqii magaallada, guddoomiyayaasha golayaasha degaannadana inta badan shaqadoodu waa qurxinta iyo bilicda magaalooyinka.
Waxaan aad uga xumahay oo dadka reer Awdal iyo reer Boorama oo dhami wada dareemeen, kana xun yihiin hadalkaa ka soo yeedhay Maayarka ee uu ku leeyahay siyaasiyiinta Madasha Wada-tashigu ma iman karaan Boorama, sababta ay reer Boorama arrintaas uga xun yihiina waxa weeye oo aynu nahay qaran la yidhaa Somaliland iyo dawlad dimuqraadi ah oo xisbiyo mucaarad ahi jiraan, dadka ay u furan tahay oo ay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay hadalkooda iyo fikirkoodaba si xor ah u cabiraan.
Haddii aannu nahay xisbiga WADDANI waxa wax laga xumaado ah oo aannu raaligelin ka bixinaynaa hadalkaas ka soo yeedhay Maayarka Boorama, waxaannuna leenahay reer Boorama ahaan ragga ku jira Madasha Wadatashiga raalingelin baanu idinka siinaynaa hadalkaa, aad baanuna uga xunnahay.
Haddii aynu nahay reer Somaliland-na maanta lama odhan karo hebel ma tagi karo Boorama, Berbera ama Burco iyo meel kale toona oo taa waynu soo dhaafnay, xilligii aynu qabaa’ilka ahayn ee dalku burbursanaa ayaan la isku gudbi karin, laakiin maanta taa waynu soo dhaafnay oo waxaynu nahay dal dimuqraadi ah oo dawladnimo iyo nabadgelyo haysta, qof kasta oo muwaadin ahina meel walba oo dalka gudihiisa uu tagi karo oo aan cidina ka celin karin.”
Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI oo la waydiiyey su’aal ahayd ‘Maayarka Boorama waxa uu sheegay in Madasha Wadatashigu tahay mid sharci-darro ah, sidaa darteedna aanay magaalada uu maamulo iman karin, taasi miyaanay sax ahayn?’ Waxa uu ku jawaabay, “Horta raggan madasha ku jiraa waa rag waawayn oo muddakar ah, iyaga laftooduna ma laha gole sharci ah ayaanu nahay ee laakiin waa siyaasiyiin isugu tagay madal ay dawladda ku saxayaan, waxaanay leeyihiin oo isku keentay xukuumadda maanta talada haysa oo dalka gaadhsiisay xaalad aad u xun oo musuqmaasuq iyo maamul-xumadii meel xun marayso, markaa tabcaanimada xukuumaddan ayaa keenay in siyaasiyiintani is abaabulaan, sharci ha noqdaan ama yaanay noqone laakiin waxa weeye cid degmo ka celin karta nin Somalilander ah maanta ma jirto; tusaale ahaan anigoo shakhsi ama WADDANI ah ayaa doonaya in aan fikirkayga gaadhsiiyo Berbera, cid iga horistaagi kartaa ma jirto.
Madasha Wadatashiguna haddii ay sharci yihiin iyo haddii kaleba caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayey joogaan, Berbera iyo Burco-na way tageen, cid Boorama ka horistaagi kartaana ma jirto.”
Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland oo isna dhawaan magaalada Boorama hadal ka jeediyey ayaa ku eedeeyey hoggaanka xisbiga WADDANI mid kala socda oo guddoomiyaha xisbigaasi, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu ansixiyey xeerka Waddooyinka iyo taakulaynta waddada Ceerigaabo, halka guddoomiye-ku-xigeenkiisuna arrintaasi cambaareeyey.
Haddaba, Guddoomiye-ku-xigeenka WADDANI oo aannu arrintaa waydiinay waxa uu kaga jawaabayo, waxa uu yidhi, “Maalintii aan ka hadlayey Jaamacadda EELO ee magaalada Boorama Wasiirka Boosuhu wuu fadhiyey, aniguna maadaama aan ahay xisbi mucaarad ah waxaan sheegay dhaliisha dawladda, markaa waxaan u malaynayaa Wasiirka Boosaha qoloftiisuna way fadhiday qalbigiisuna uu maqnaaye anigu waxaan sheegay xisbiga WADDANI markii uu ururka ahaa in aannu taageero ka gaysanay waddooyinka Dilla ilaa Boorama, ta Oodweyne iyo ta Ceerigaabo, iminka oo aannu xisbi nahayna ma diidanin oo waanu soo dhawaynaynaa in waddooyinka Somaliland wax laga qabto, laakiin maadaama oo xukuumadda waqti yar u hadhay waxay noola muuqataa in waxan iminka la wadaa yahay olole siyaasadeed.
Xeerka Takaaliifta Waddooyinka ee Golaha Wakiilladu ansixiyeena hore ayaan uga hadlay oo waxaan idhi arrintaasi waxay ku fiican tahay in cashuur la saaro sigaarka, jaadka, hudheellada oo meelahaas ayaan doonayey in cashuurta lagu kordhiyo, laakiin wax cashuur ah maan kordhin, waxaad moodaysaa in KULMIYE iyo wasiirradiisu in hadallada iyagoo maqlaya ay si kale u beddelayaan, laakiin waxa ka markhaati kacaya saxaafadda madaxabannaan.”
Ugu dambayn, isagoo ka jawaabayey su’aal u dhignayd ‘Inta aad xukuumadda kaga eedaynaysaan inay olole ka dhiganayso samaynta waddada Ceerigaabo iyo kuwa kale ee dalka, xisbi ahaan maxaa idiin diidaya in aad kala qaybgashaan qaadhaanka iyo samaynta waddooyinka si aad idinka laftiinu uga dhigataan olole aad ku gashaan doorashooyinka,’ waxa uu yidhi, “Horta annagu xilligii aannu ururka ahayn saddexda waddo Ceerigaabo, Oodweyne iyo Dilla — Boorama waanu ka qaybqaadanay oo waxaannu ahayn ururka keliya ee xilligaas taageero ka gaystay waddooyinkaas, iminkana ma diidanin in waddooyinka la dhiso oo waanu ka qaybqaadanaynaa horumarka dalka, laakiin hadda waxa muuqda wasiirro is-dabayaacaya oo meel walba dhagax dhigaya, haddii daacad tahay in waddooyin la sameeyo, waddada Dilla iyo Boorama oo 28KM ah ayaan ilaa iminka la dhamayn oo socota, markaa waddada Ceerigaabo iyo Burco oo 370KM ahna calaamatul su’aal ayaa saaran oo caqliga saxda ahi waxa uu ina tusayaa in aan sannad lagu dhammayn karin. Hase ahaatee xisbiyada mucaaradka ahi diyaar bay u yihiin inay ka qaybqaataan, bulshadana way ku dhiirigelinayaan inay qaadhaan u ururiyaan horumarka dalka, balse waxan iminka xukuumaddu wadaa waxa weeye olole.”
xogreebnews.com-office borama/somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured