“Haddii Beenayaal La Urursaday Ay Kursiga Ku Hayn Karayaan Maxamed Siyaad Barre Ayaa Haysan Lahaa” Xasan Guure

0
Sunday October 20, 2013 - 17:16:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Haddii Beenayaal La Urursaday Ay Kursiga Ku Hayn Karayaan Maxamed Siyaad Barre Ayaa Haysan Lahaa” Xasan Guure

    Hargeysa (xogreebnews.com-Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa ka hadlay shir ay hore ugu baaqeen halkay u marayso qabanqaabadiisu iyo talooyinkii ay Xukuumada u jeediyeen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa ka hadlay shir ay hore ugu baaqeen halkay u marayso qabanqaabadiisu iyo talooyinkii ay Xukuumada u jeediyeen. Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga Md. Xasan Guurre Jaamac oo u waramayay warbaahinta, ayaa ku eedeeyay Masuuliyiinta Xukuumada iyo Hoggaanka Xisbul-xaakimka Kulmiye inay ka dambeeyeen in loo diido ka-hadalka munaasibad loo sameeyay Maalinta Xuska SNM oo sannad kasta la xuso 17-ka October, waxaana uu sheegay in laga hor-istaagay inuu khudbad ka jeediyo, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Markii lay diiday inaan halkaas ka hadlo waan ka soo baxay, waxaana ka dambeeyay Masuuliyiinta xukuumadda iyo hoggaanka Xisbul-xaakimka, sababtana ma garanayo. Wallaahay, waxay I tusaysaa dareen fog, waxaana immika la is-waydiinayaa ma odayga ayaa taliya mise cid kale, waana su’aasha taagan. Anagu colaad aanaan filayn ayaa meesha taalay.”

Xasan Guurre waxa uu faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo shirkii ay ku dhawaaqeen. “Shirkaasi waa diyaar oo waa la qabanayaa haddii Alle idmo. Waxa dadku ay shirkaas isku waydiinayaan talada dalka, markaa immika waxa socota qabanqaabadii shirka iyo halkii lagu qaban lahaa,” ayuu yidhi Muj. Xasan Guure.
Isaga oo hadalkiisa sii watana wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi, “Talooyinkii aanu gudbinay sidii ayay ku maqan tahay oo ilaa immika wax jawaab ah lagama hayo Xukuumadda. Muraad kalena kamaanu lahayn ee waxay ahayd waar dalkii halkaas ayuu marayaa ee aynu ka wadahadalno, taasna way ka dhagooleeyeen. Wallaahay, waxa aad iyo aad u la-yaab leh oo aan laga filayn in nin halgan muddo dheer soo hoggaaminayay, lana dagaalamay maamul macangag ah oo keligii-taliye ahaa uu isagii maanta ku hoggaamiyo tii Maxamed Siyaad Barre mid la mid ah, aad iyo aad ayay nasiib-darro u tahay, welina wuxuu urursaday kuwa uu is-leeyahay run kuu sheegimaayaan. Haddii beenayaal la urursaday ay kursiga ku hayn karayaan Maxamed Siyaad Barre ayaa haysan lahaa.”
Inkasta oo ay siyaasiyiinta madasha wadatashigu kaga dhawaajiyeen qabashada shirkan ay ku baaqeen, sheegeena inay weli qabanqaabadiisii socoto, hadana waxa la ogsoon yahay inay Xukuumaddu mamnuucday inaan lagu kulmi karin wax shirar aan sharci ahayn.

xogreebnews.com- Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured