Maxaa Sababay in Wasiirka Duulista Somaliland ay Qabyaaaldii La Gashay Xajka.

0
Sunday October 20, 2013 - 15:01:59 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Sababay in Wasiirka Duulista Somaliland ay Qabyaaaldii La Gashay Xajka.

    Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkaan dhimanin wax walba wuu arki.akhriste marnaba ma sii dhigatay in wasiir dhan oo lagu aaminay xil qaran uu ku kaco qabyaalad iyo eexaysi qaawan oo uusan geedna ugu soo gaban, wasiirka duulsita iyo hawada somalil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkaan dhimanin wax walba wuu arki.akhriste marnaba ma sii dhigatay in wasiir dhan oo lagu aaminay xil qaran uu ku kaco qabyaalad iyo eexaysi qaawan oo uusan geedna ugu soo gaban, wasiirka duulsita iyo hawada somaliland Soomaalidu waxay ku maah maahdaa ninkaan dhimanin wax walba wuu arki.akhriste marnaba ma sii dhigatay in wasiir dhan oo lagu aaminay xil qaran uu ku kaco qabyaalad iyo eexaysi qaawan oo uusan geedna ugu soo gaban, wasiirka duulsita iyo hawada somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa noqday wasiir reer meesha u fadhiya kadib markii ay soo shaac baxday mudadii uu xilka hayay in uu ku kaco falal qabyaaladeed oo ka soo hor jeeda anshaxa iyo milkaha wasiirnimo, wasiirka ayaa waxa uu ku kacay mudadii uu xilka hayay in uu khiyaamo ku sameeyo iyo kala eexaysi shaqaalaha uu wasiirka u yahay iyadoo ay dhacday in wasiir Maxamuud Xaashi uu dhalinyaro uu adeer u yahay uu u hibeeyey dadka ay shirkadaha dayuuraduhu sanad kasta ugu deeqaan wasaarada duulsita ee ay bilaashka ku kaxeeyaan waxaanu sanadkii hore u hibeeyey dadkaasi ay shirkaduhu bilaashka ku keeyaan xajka dhalinyaro ka soo jeeda beeshiisa sanadkana isla dhalinyaro ka soo jeeda beeshiisa ayuu u hibeeyey bal waxaasi oo kale akhriste maxaad ku qiyaasi lahayd ma wax la sii eegan karo mise wax ay mudan tahay in laga dhiidhiyo qabyaalada noocaasi ah ee gashay xajkii ilahay?.


waxa kale oo ka daran sida eexda iyo qabyaalada leh ee wasiirka duulistu ee uu u soo kala dhaweyso shaqaalihiisa taasi oo ah mid dhaawac ku ah hanaanka dawladnimo iyo walaalnimada beelaha somaliland, waxayna dhacaysa in wasiirka duulista hawadu uu dhaxal xun uga tago beeshiisa iyo dhalinyarada hada ka shaqeysa madaarada somaliland oo bari marka uu ka tago noqon doona qaar la takooro madaama oo ay sifo sharci daro ah lagu shaqaalaysiiyey isla markaana lacago badan oo aysan qaadan shaqaalaah kale loo qoray.

waxaanan akhristayaasha idinkaaga tegayaa gaabygii qiimaha Lahaa ee uu qabyaalada ka tiriyey Allaha u naxariistee Abwaan C/laahi Suldhaan Tima Cade.

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye

Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede

Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye
Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo
Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darrandoorriyuu duubo madaxiisa
Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye
Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade
Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye
Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye
Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa
Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye



Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye



Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye





Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane



Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane



Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno

Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

qalinkii

Fardoussa Ali

(fardoussa.ali@gmail.com)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured