MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA TAGAAYA CEERIGAABO MUSHARAXNIMADA KULMIYE WAA MAXAY SABAABTU?

0
Sunday October 20, 2013 - 11:31:36 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA TAGAAYA CEERIGAABO MUSHARAXNIMADA KULMIYE WAA MAXAY SABAABTU?

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida warar Qarannews ka heshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland tibaxayaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi oo ay wehelinayeen Hogaanka xisbiga ayaa xalay madaxweyne Siilanyo hordhigay Liiska kama danbaynta ah ee

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida warar Qarannews ka heshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland tibaxayaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi oo ay wehelinayeen Hogaanka xisbiga ayaa xalay madaxweyne Siilanyo hordhigay Liiska kama danbaynta ah ee Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida warar Qarannews ka heshay Qasriga Madaxtooyada Somaliland tibaxayaan Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi cabdi oo ay wehelinayeen Hogaanka xisbiga ayaa xalay madaxweyne Siilanyo hordhigay Liiska kama danbaynta ah ee xubnaha Guddiga qabanqaabada shirweynaha Kulmiye oo la filaayo inuu qabsoomo dhamaadka bisha Decembar 2013-ka si uu dhankiisa u ansixiyo.
Sida xoguhu tilmaameen waxaa halkaas ka dhalatey dood cusub oo dhexmartay xubno ka mid ah Hogaanka xisbiga oo markii hore isku aragti ahaa hase yeeshee Madaxweyne Siilanyo hortiisa ku kala baydhay markii qoloba si wax u sharaxday. Waxay xoguhu intaas ku dareen in dhawr xubnood oo aanu jeclaysan Qasriga madaxtooyadu balse aan magacyadooda warbaahintu helin madaxweyne Siilanyo dalbaday in la soo bedelo si laysagu dheelitiro saamiga beelaha taageera xisbiga Kulmiye halka Gudoomiyaha Xisbiga Muuse Biixna doodiisa u badnayd in liiska odaygu sidaa ku ansixiyo.

Muran dheer iyo dood adag ka dib ayaa sida xoguhu sheegayaan laysku waafaqay in liiska dib loo eego,wax ka bedelna lagu sameeyo isla maanta ka dibna la baahiyo.
Arintu si kastaba ha u murugsanatee shirweynaha xisbiga Kulmiye ayaa sida xogguhu sheegayaan ka dhici doona magaalada Hargeysa dhamaadka bisha Decembar ee sanadkan kaas oo lagu soo xulan doono Xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga,Guddida fulinta, islamarkaana lagu dooran doono Hogaanka xisbiga oo ka kooban Gudoomiyaha, ku xigeenadiisa iyo xoghayaha Guud ee xisbiga.
Taa ka sakow waxay xogguhu sheegayaan in shirweynaha Xisbiga dhawr bilood ka dib shirka golaha dhexe ee xisbiga loo qoondeeyay in doorkan lagu qabto magaalada Ceerigaabo halkaas oo lagu dooran doono musharaxa madaxweynaha xisbiga oo lagu wado inuu noqdo Madaxweyne Siilanyo.
Gudoomiyenimada xisbiga Kulmiye ayaa waxaa u sharaxan oo ilaa hadeer damacooda iyo hankooda soo bandhigay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdicasiis Maxamed Samaale oo tartan siyaasadeed adagi dhexyaalo midkastaana geeskiisa u xamaan urursanaayo inkastoo madaxweyne Siilanyo iyo xukumadiisuba aanay qarsan inay la socdaan ama u janjeedhaan dhanka Cabdicasiis Samaale oo tartan adag wajahi doona.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured