War degdeg ah (Assassination qorshaysan) oo loogu talo galey in lagu khaarajiyo Mujaahid Ibraahim Abdillahi Xuseen -Dhegaweyne oo fashilmey

0
Saturday October 19, 2013 - 19:37:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1039
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War degdeg ah (Assassination qorshaysan) oo loogu talo galey in lagu khaarajiyo Mujaahid Ibraahim Abdillahi Xuseen -Dhegaweyne oo fashilmey

    London(xogreebnews.com- Waxaa Shaley gelinkii danbe Ibrahim Abdillahi Xuseen Dhegaweyne uu ka bad-baadey Assassination qorsheysan oo laga soo Maleegay madaxtooyada xukuumada Siilaanyo. Waxaa na soo gaadhey warar lagu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London(xogreebnews.com- Waxaa Shaley gelinkii danbe Ibrahim Abdillahi Xuseen Dhegaweyne uu ka bad-baadey Assassination qorsheysan oo laga soo Maleegay madaxtooyada xukuumada Siilaanyo. Waxaa na soo gaadhey warar lagu London(xogreebnews.com- Waxaa Shaley gelinkii danbe Ibrahim Abdillahi Xuseen Dhegaweyne uu ka bad-baadey Assassination qorsheysan oo laga soo Maleegay madaxtooyada xukuumada Siilaanyo. Waxaa na soo gaadhey warar lagu kalsoonayhay oo laga soo xaqiijiyey ilo war galeen ah oo looga qaateen ah oo wararkooda loo wan-qalo waxaana ay maanta noo cadeeyeen in Khamiistii shaley gelinkeedii danbe Mujaahid Ibraahim Dhegeweyne oo wata gaadhi yar oo uu leeyhay ninka lagu magacaabo ina Qoor Seef in uu isa soo taagey goob shidaal ah oo ku taalla darafka waqooyiga magalada Hargeisa.Mujaahidka oo gaadhigaa yar ku sigaareynaaya oo ku gudo jira ayaa nin habaaran oo lagu sheegay inuu wasiir ku xigeen ka yahay xukumada Siilaanyo ayaa intuu gaadhi uu lahaa oo Land Cruser ah inta uu soo daba dhigtay ayuu markuu sidaas goobta shidaalka isa soo taageyba uu si toos ah u-abaarey oo ugu dhuftey gaadhigii yaraa ee Mujaahid Dhegeweyne ku dhex-jirey halkaasna waxaa ku baa-ba'ay Gaadhigii yaraa ee Dhegaweyne ku jirey, Mujaahid Dhegeweyenana tiisa ayaan gelin oo sadaqad ayaa ku baxdey oo illaahay ayaa ka bad-baadiyey gacantaa xaq-darada ah.Waxaa dadweynihii goobtaa ka dhawaa ay isku raaceen in shilkani uu ahaa mid la soo maleegay oo qorsheysan oo salka ku-haya talo midaysan oo la doonaayey in lagu khaarajiyo mujaahidkaa biri-mageydada ah ee aan isagu wax danbi ah galabsan laakiin xukuumadu ka ledi weyndey hadalkii iyo kelmadii uu dhawaan Berbera kaga dhawaaqey ee uu ku-durey Xukuumada. Amuurtu si kastaba ha ahaatee waxa dadweynihii goobta shilkaasi ka dhacey taagnaa ay isla markiiba ugu yeedheen ninkii shilka u-badheedhey ee wasiir ku xigeenka lagu sheegay Booliska wadooyinka si loo arko inta shilku qoyan-yahay oo wax looga qabto shilkaas badheedhka ah ee foosha xun. Waxaa ay dadkii goobtaa ka ag-dhawaa iyo kuwii joogayba ay yaab afka gacanta saareen sida badheedhka ah ee ninkaa masuulka dawlada ka tirsan ahi uu ugu badheedhay shil-noocan oo kale ah in goobtaa ishu qabaneysey uu ula soo badheedho shil noocan oo kale ah in uu ka dhaco goob la wada joogo oo aheyd goob shidaal ah, isla markaana aan loo ogolayn in gaadhi xawli faas ah ku socda lala soo galo goobtaa shidaalka laga qaadanaayo oo keeni karta in meeshaba dab-qabsado hadii shilku qaadho Cabiraha shidaalka laga shubto. Shilkaa ula kaca ahi waxaa la isku raacey in uu ahaa mid sharciga iyo qawaaninta goobaha shidaalada laga qaato ka baxsan oo sababi gaadhey in ay gubtaan dhamaan goontii shidaalka iyo wixii udhawaaba. Dhacdadii shilkaa foosha xun lagama hadhin ee waa la baadhey markiiba sidii shilku u-dhacey iyo xawligii uu gaadhigii wasiir ku xigeenku ku socdey. waxaana u soo baxay dadkii hawshaa galey iyo dadweynihii goobtaa ka ag-dhawaa maxsuul ah in uu shilkaasi ahaa mid si badheedh ah loo soo maleegay oo loogu talo galey in lagu khaarijiyo Mujahid Dhega weyne, sidaaa daraadeedna waxaa hada goroda is-kula jira labadii beelood ee ay ka soo kala jeedeen ninkaa Shilka soo maleegay ee xukuumada ka tirsan iyo beeshii Mujaahidku ka soo jeedey.. Hadaba waxa la yaab leh in ay maanta Xukuumada Siilaanyo oo uu ka dhamaadey burjigii,buruudkii iyo burhaantii dawladnimo in wax kastaa ay ka suuro galaan oo ay xataa maanta ay gaadhey inay muujiso colaada iyo cadaawada ay u qabto Mujaahidiintii Dhiigooda iyo dheecaankoodiiba u-soo hurey xornimadii S/land qaarkood isla markaana ay xukuumadu dooneyso in ay ku kahal-khaliso nabadgelyada guud ee maanta dalka ka jirta isla markaana lagu wii-qaayo jiritaanka iyo geedi-socodka dawladnimada Somaliland. Markii dib ay hadana qolo kale oo iyagu is direy ay dib-u-baadheen shilkaa foosha xun ee dhacey ayaa waxay sheegayeen iyaguna in ay madaxtooyadu ay Mujaahid Dhegeweyne ay geed dher iyo geed gaaban u fuulayso sidii ay uga aar-gosan laheyd, waana tan maanta muuqata dhacdadii ugu horeysey ee aan loo midaan dayin haseyeeshee illaahay- sub-xaanuu-wa-tacaalaa uu isagu ka badbaadiyey shir-qoolkii badheedhka ahaa ee logu talo galey in mujaahidka lagu khaarajiyo. Sidoo kale arrimaha kale ee maanta dadweynaha reer Somaliland ay la yaaban yihiin waxa ka mid ah in magaalo xeebeeda Berbera ay isla shalay ka soo degeen niman la yidhi waxay ka socdaan shirkado shidaalka sahamiya oo dalka faransiiska ka socda oo la doonaayo waa sida hadalka loo dhigay'e in ay maal gashadaan Dekeda Berbera haseyeeshee markii la baadhey ee magacii ay siteen dib loo baadhey waxaa la isku raacey in ay Dilaaliin ahaayeen maa-daama uu hor-boodaayo wasiirka arrimaha debeda oo uu dabada ka riixaayo inanka yar ee la magac baxay (Morgan) ee uu sodoga u yahay madaxweyne Siilaanyo oo ah inan yar oo ka power badan wasiirada qaarkood kaas oo isagu ku mamay Dilaal-nimada kheyraadka Somaliland. Hadase shacabka reer Somaliland waxay ka dheregsan-yihiin oo aaney cidnaba ka ogolaaneyn in khayraadka dhulkooda lagu kor dilaalo iyadoon aan la soo diyaarin xeerarkii iyo shuruucdii kala hagi lahaa ee lagu maal-gashan lahaa kheyraadka maguuraanka ah ee wadanka alleh dhigay. Alleh ayaa Mahad Leh . Qalinkii: Abdullahi hassan. email abdifadal@hotmail.com UK



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured