Dawladda Ingiriiska Oo Digniin Ah Soo Saartay Ugu Baaqday Dadkeedu Inay Ka Baxaan Soomaaliya Iyo Somaliland

0
Saturday April 06, 2013 - 20:23:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dawladda Ingiriiska Oo Digniin Ah Soo Saartay Ugu Baaqday Dadkeedu Inay Ka Baxaan Soomaaliya Iyo Somaliland

    London (xogreebnews.com- Qoraal kooban oo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku soo saartay shallay gelinkii danbe ayey sida ugu adag ugu baaqeen dadkooda ku sugan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

London (xogreebnews.com- Qoraal kooban oo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku soo saartay shallay gelinkii danbe ayey sida ugu adag ugu baaqeen dadkooda ku sugan
Dawladda Ingiriiska Oo Digniin Ah Soo Saartay Ugu Baaqday Dadkeedu Inay Ka Baxaan Soomaaliya Iyo Somaliland
London (xogreebnews.com- Qoraal kooban oo wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku soo saartay shallay gelinkii danbe ayey sida ugu adag ugu baaqeen dadkooda ku sugan Soomaaliya inay si dhakhso ah uga soo baxaan dalkaasi iyagoo sheegay wasaaradda arrimaha dibadda Britain inay helleen kooxaha xagjirka ahi inay qorshaynayaan weeraro ka dhan ah dadka ajaanibka ah ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Qoraalka waxaa lagu yidhi “Waxaa jira khatar aad u weyn oo ay maleegayaan kooxaha xagjirka ahi, waxaa jira qorshayaal ay kooxaha xagjirka ahi ku doonayaan inay ku afduubaan dadka ajaanibka ah dhammaanba dalka Soomaaliya oo dhan oo ay ku jirto Somaliland, kooxaha xagjirka ahi waxay sameeyeen henjabaado ka dhan ah dadka ajaanibka ah ee ka hawl galla Soomaaliya, wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ingiriisku waxay si adag u aaminsantahay in kooxaha argagixisada ahi ay ku jiraan tallaabooyinkii ugu danbeeyey ee ay weeraro ku soo qaadaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yidhi qoraalkaasi.
Qoraalkani ayaa waxaa ka horeeyey mid ay dawladda ingiriisku bishii February sidani oo kale ay dadkeeda ugu baaqday inay ka soo baxaan Somaliland, waxaana markaasi maalmo ka dib safar ku yimid magaalada London madaxweyne Siilaanyo iyo wefdi uu hogaaminaayo oo wada hadal kala yeeshay arrintani xoghayaha arrimaha dibadda Britain Hague



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured