Wiil Turki Ah Iyo Gabadh Soomaali Ah Oo Maanta Muqdisho Isku Guursaday(Cajiib)

0
Saturday October 19, 2013 - 18:42:38 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 963
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Turki Ah Iyo Gabadh Soomaali Ah Oo Maanta Muqdisho Isku Guursaday(Cajiib)

    Muqdisho (xogreebnews.com- — Wiil Turki ah iyo Gabar Soomaali ah ayaa maanta isku guursaday magaalada Muqdisho, iyadoo iminka Xafladooda Arooska ay ka socoto Hotelka City

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho (xogreebnews.com- — Wiil Turki ah iyo Gabar Soomaali ah ayaa maanta isku guursaday magaalada Muqdisho, iyadoo iminka Xafladooda Arooska ay ka socoto Hotelka City Muqdisho (xogreebnews.com- — Wiil Turki ah iyo Gabar Soomaali ah ayaa maanta isku guursaday magaalada Muqdisho, iyadoo iminka Xafladooda Arooska ay ka socoto Hotelka City Palace ee degmada C/casiis. Wiilkan Turkiga oo lagu magacaabo Muhamet Birlik ayaa guursaday Gabar Soomaali oo lagu magacaabo Khadiija Cali Shariif, waxaana xafladooda arooska ka soo qeyb galay dad fara badan oo Soomaali u badan.
Arooskan ayaa ah kii u horeeyay ee Muqdisho ka dhaca oo ay isku guursadaan Soomaali iyo Turki, waxayna u muuqataa mid macno badan u sameyneysa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Shaqaalaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa aad u dhex galay Soomaalida, iyagoo ka dukaameysta mehradaha ganacsi ee ay Hablaha Soomaalida leeyihiin ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Gabadha ayaa loo xidhay Taash, waxayna u muuqatay qof asturan, oo madaxeeda ma faydneyn, sidoo kale wiilka Turkiga ayaa xidhan Suudh Madow.
Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ee u taageera Soomaliya, iyadoo labo sano ka hor uu Soomaaliya yimid Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Reccep Tayyib Erdogan oo albaabada u furay Mashaariic fara badan oo Turkiga ka wado Soomaaliya

xogreebnews.com- Muqdisho



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured