Ma dhabaa in wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Hargeysa ku Ciiday

0
Friday October 18, 2013 - 18:54:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1065
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ma dhabaa in wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya Hargeysa ku Ciiday

    Warar hoose ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federalka Somaliya ku ciiday magaaladda hargeysa, isla markaana aan la hubin in uu ka dhoofay iyo in uu wali ku sugan yahay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar hoose ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federalka Somaliya ku ciiday magaaladda hargeysa, isla markaana aan la hubin in uu ka dhoofay iyo in uu wali ku sugan yahay. Warar hoose ayaa sheegaya in C/kariim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha gudaha Dawladda Federalka Somaliya ku ciiday magaaladda hargeysa, isla markaana aan la hubin in uu ka dhoofay iyo in uu wali ku sugan yahay.
Warbaahinta Somaliland ayaa dhawr bilood ka hor baahisay in uu sidan oo kale safar ku yimi Hargeysa, wallow Xukuumadda Somaliland markii danbe sheegtay in uu madaarka Berbera Transit ku maray.
Ma cada illaa hada warka sheegaya joogitaanka Wasiirka Somaliya iyo imaanshihiisuba hase yeeshee Ilo wareedyo Dublamaasiyadeed oo la soo xidhiidhay Waaheen ayaa sheegay in wasiir C/kariin maamlmihii Ciidal Adxada uu joogay Hargeysa, ilaa hadana uu ku sugan yahay.

Wasiir C/kariim waxa Hargeysa degan Xaaskiisa iyo Carruurtiisa waxaana lagu wadaa in booqashadiisu la xidhiidho arrintaas, walow ay dad Reer Muqdisho ah oo ku sugan Hargeysa Waaheen u sheegeen in uu Kambaala u raray.
ma cada ilaa hada Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya in uu la kulmay Madaxda Xukuumadda Somaliland, walow warar aan rasmi ahayni sheegayaan in uu jiro dareen lala xidhiidhinayo in socdaalkiisa aanay ka maqnayn arrimo siyaasadeed.
Imaanshaha wasiirka arrimaha gudaha Somaliya ayaa haddii ay dhab tahay ku soo beegmaya Xilli Dawladda Somaliland Wasiirkeeda Arrimaha Guduhu mabnuucay in Dalka lagu soo galo baasaaboorka Dawladda Federalka ah, isla markaana Xukuumaddu albaabada u laabtay Xafiis Hargeysa ku yaalay oo dadka u fududayn jiray Baasaaboorkaasi.
Dhinaca kale, sarkaal ka tirsan Xukuumadda Somaliland ayaa waaheen u xaqiijiyay in ay si joogto ah u yimaadaan Somaliland Madaxda Dawladda Federalka Somaliya isla markaana ay ku sugan yihiin Somaliland Dublamaasiyin iyo siyaasiyiin xilal ka haya Somaliland.
Sidoo kale, wargeyska Waaheen oo dabagal ku sameeyay warka sarkaalkaas ayaa sheegaya in Safiir ka tirsan Dawladda Federalka aoo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland uu maalmihii Ciidal Adxada ku sugnaa Hargeysa, iyadoo ay la socdeen saraakiil kale.
Wadahadaladii Somaliya iyo Somaliland u socday ayaa u muuqda inay sii daciifayaan isla markaana waxa uu khilaaf xoogani ka taagan yahay qoddobkii kali ahaa ee lagu soo heshiiyay shirkii ugu danbeeyay ee Turkiga ee Maamulka Hawada. Halka qoddobkii Dawladda Somaliya Ergadeedu soo jeedisay ee ahaa isku socodka Siyaasiyiintu la mood in uu ka dhaqan galay dhinaca Somaliland.
Wasiirka Warfaafinta iyo gaadiidka Cirka ee Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa si badheedh ah u shaaciyay in maamulkii Hawada Somaliya Qaramada Midoobay ku wareejiyeen, halka Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo wasiirka Duulista Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi arrintaas ka canbaareeyeen.
cource waaheen.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured