Ololaha Madaxweyne Siilanyo+Mooganaanta Cabdiraxmaan Cirro+Feejignaanta Faysal Cali Waraabe!

0
Friday October 18, 2013 - 10:02:26 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ololaha Madaxweyne Siilanyo+Mooganaanta Cabdiraxmaan Cirro+Feejignaanta Faysal Cali Waraabe!

    Ololaha Madaxweyne Siilanyo! aynu ka bilowno ololaha siyaasadeed ee siilanyo ku doonayo inuu marlabaad ku ceshado kursiga uu haatan ku fadhiyo waqtiga uu soo bilaabmay, sida aynu la wada socono markii uu kuriga dalka uu ku guulaystay waxa uu si dadba

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ololaha Madaxweyne Siilanyo! aynu ka bilowno ololaha siyaasadeed ee siilanyo ku doonayo inuu marlabaad ku ceshado kursiga uu haatan ku fadhiyo waqtiga uu soo bilaabmay, sida aynu la wada socono markii uu kuriga dalka uu ku guulaystay waxa uu si dadban oo aan toos ahayn uu maamulkii xisbiga kulmiye ugu wareejiyay mujaahid muuse biixi Ololaha Madaxweyne Siilanyo! aynu ka bilowno ololaha siyaasadeed ee siilanyo ku doonayo inuu marlabaad ku ceshado kursiga uu haatan ku fadhiyo waqtiga uu soo bilaabmay, sida aynu la wada socono markii uu kuriga dalka uu ku guulaystay waxa uu si dadban oo aan toos ahayn uu maamulkii xisbiga kulmiye ugu wareejiyay mujaahid muuse biixi oo ay hore heshiis ugu galeen inuu maamulka xisbiga ku wareejiyo hadii uu ku guulaysto doorashadan uu hada ku helay kuriga madaxtooyada dalka, nasiib daro madaxweyne siilanyo muu wada oo fin axdigaas isaga iyo muuse biixi dhex maray waxa uu muuse ku wareejiyay qalfoofkii xisbiga oo magac uyaala! waxaanu kala hadhay awoodii maamul ee xisbiga si aanay gacantiisa uga bixin! markaaba waxa uu muujiyay inuu marlabaad kursiga damac kaga jiro oo aanu weli is dhiibin! waxaanu qorshuhu ahaa inuu mujaahid muuse ku wareejiyo xisbiga oo uu weliba ku dhiso sidaas madaxweyne siilanyo kagama hadhin muuse ee weliba waxa uu ka daba raray oo uu ku garaacay wasiirka hada maaliya haya mudane c/casiis maxamed samaale

qorshaha labaad ee uu ku muujiyay inuu marlabaad kursiga damac kaga jiro waxa uu ahaa markii loo tartamay xisbiyada iyo golaha deegaanka ee uu sida qaawan u faro geliyay ururadii saaxada siyaasada ku tartamayay ee uu ka soo dhex saaray labadan xisbi mucaarad oo markii hore ahaa xisbi laba garab u kala jabay oo soo kala dilaacay taas oo qorshaha siilanyo ahaa inuu weligood isku liso markay xisbiyo mucaarad u soo gudbaan oo uu ka faa,idaysto kala qaybsanaanta ka dhex jirta labada xisbi iyo kale fogaansha hooda! waxaanu meesha ka saaray oo uu lugta jiiday ragii uu islahaa haday u soo gudbaan xisbinimo waxay noqon doonaan rag culays siyaasdeed ku saara oo kugu kiciya mucaaridad adag kuwaas oo jeedalka uu u adeegsaday ahaa gudida diiwaaangelinta ururada ee ina ciyaale madaxda u yahay ee uu hada u kordhiyay mudada xilka oo hada ka dhamaaday,
qorshihiisa ugu danbeeyey ee uu ku gelaayo tartanka uu ugu talo galay inuu kursiga shansano oo kale uu sii hayo hadii ilaahay nafta u daayo waa ololaha uu u weecshay dhinaca dhismayaasha wadooyinka oo ah meel aad iyo aad uu dalku uga liitay oo hadii wax laga qabto ay wax ka tarayso kaabayaasha dhaqaalaha sababtoo ah nolosha iyo dhaqaalaha waxaa lafdhabar u ah isgaadhsiin iyada ayaana aas aas u ah,
hadaba mashruucan cusub ayaa waxa uu umada ku noqday seef laba afleh!, tusaale ahaan cali bani abii daalib Ilaahay reeli haka ahaadee ayaa waxay isku dhaceen qolyo la odhan jiray khawaariij waxaana laysku qabtay masalo sharciya waxay yidhaah deen khawaariijtii iyaga oo diidan xukunka cali (laa xukma ilaa Lilaahi!) oo macnaheedu yahay xukun ma jiro ilaa iyo ilaahay mooyee! waa run kelmadu marka daahir keeda la qaato laakiin nasiib wanaag cali bani abi daalib ilaahay SWT waxa uu siiyay xigmad aad u balaadhan waxa uu ugu jawaabay (hadalkani waa kelmad xaq ah laakiin baadil lagu raadinayo! kelimatul xaq yuriidu bihaa baadil!) waxaa maanta tan kadhigan wadooyinka uu siilanyo maanta dhagaxaanta dhigay ee loo baahnaa laakiin aan daacada laga ahayn ee ololaha siyaasadeed ee qarsoon ah! taas oo laba noocba lagu raadinayo mid dhaqaale lagu urursanayo iyo mid umada quluubta lagaga kasbanayo! ,
mudane c/raxamaan ciro waxa uu la yimid awood siyaasadeed oo uu ku kasbaday mushtamac aad u balaadha oo reer Somaliland ah oo gobol walba deegaan u ah waxa uu la yimid siyaasad ku dhisan deganaansho iyo akhlaaq suuban oo tusaale u noqotay siyaasiyiinta dhaqanka u leh ku jiqsii iyo inay warbaahinta ka caayaan cida ay markaas siyaasada isku hayaan somalida ayaa waxay tidhaah (aflagaado nabadna way kaa kaxaysaa colaadna wax kaagama tarto!) waxa uu soo dhaafay dariiq aad u dheer oo ay yaaleen qodxo aad u faro badan waxa uu soo gaadhsiiyay meeshii ugu danbaysay xisbigiisa ilaa uu ku guulaystay inuu ka dhigo xisbiga mucaaridka ugu wayn ee dalka,
laakiin nasiib darada haysataa waxay tahay halkii uu yoolkiisa siyaasadeed ka dhigi lahaa kursiga dalka looga taliyo inuu ku fadhiisto isuna diyaarin lahaa inuu yahay hogaamiyaha xisbiga mucaaridka dalka ugu wayn ayuu waxa uu ku dhex milay kursiga gudoominta baarlamaanka taas oo ku noqotay seef siyaasadeed oo laba afleh! ilaa bulshadii sida fiican u taageersanaa kala garan waayeen mucaarid iyo muxaafid kuu yahay! markasta oo xeer aanay umadu qaadi Karin la horkeeno baarlamaanka oo laga asixiyana waxa uu sii waayaa kalsooni badan oo loo hayay! ilaa xildhibaanadii baarlamaanka ee xisbigiisa ka tirsanaa ka xishoon waayeen oo ay ka codeyeen xeerkii xisbigiisu ka soo horjeeday ee lagu kordhinayay cashuurta gaadiidka iyo xoolaha nool!,
somalid ayaa tidhaah mayd maxaa u danbeeyay iyo kaa la sii sido! waxa uu madaxweyne siilanyo u kordhiyay mudo xileedkii gudidii loogu talo galay inay kala reebaan ururada ee ina ciyaale madaxda u ahaa ku waas oo sharciyan shaqadoodu ku ekayd waqtigii ururadu tartamaayeen sharciguna uu siinayo mudo laba sano ah muhiimada shaqdooduna ahayd kala reebida ururada kuwaas oo markay shaqaynayeen ka baxay dhex dhexaadnimadii laga rabay oo xukuumada iyo xisbiga kulmiye la safnaa ayuu hada dib ugu cusboonay siiyay madaxweyne siilanyo isagoo raba inay marlabaad ka caawiyaan doorashada danbe ee la rabo inay qabsoonto 2015 ka
iyada oo waxaas oo dhami jiraan oo la rabo inuu sicad uga hadlo ayuu mudane c/raxmaan ciro muujin layahay mowqifkiisa ku aadan waxaas oo dhacdooyina oo dalka yaal waana qofkii ugu mudnaa ee la rabay inuu noqdo hogaamiyaha mucaaridka ah ee ugu wayn dalka ee la xisaabtama xukuumada, mana aha inuu ka muquurto dhaliisha xukuumada dultaal ee ugu badan dhinaca musuq maasuqa loogamana fadhiyo inuu jaaniska laga sugaayo uu ku haleeyo mudane ibraahim Mahdi buubaa iyo xubnaha kale ee xisbiga ka midka ah,
mudane faysal waa hogaamiye hal adag oo dalka iyo dadka u daacad ah nasiib daro laba jeer oo uu isu taagay doorashada dalka wuu ku guul daraystay wax yaabihii caqabada ku noqday ee sababta u ahaa guul daradiisa waxaa ka mida isaga oo dalka yimid xili dalka uu ka taagnaa dagaal sokeeye oo ka dhax qaraxay ururkii SNM oo ku salaysan qabyaalad kaas oo uu la jaanqaadi kari waayay isaga oo ahaa qurbojoog dalka ka maqnaa oo aan aqoon u lahayn sida beelaha loo faqiyo! umada dalka degenayd inta badan waxay qofka ku dooranayeen hab dhaqankiisa siyaadeed ee ku salaysan hebel ku xumee iyo reer hebel cadaadi iyo beelaha dhexe ee ugu taageerada badnaa ururkii SNM oo markii dalka lasoo galay u kala jabay dhowr garab oo siyaasada ku kala fikir duwan taas oo ay sabab u ahayd ragii markaa hogaanka u ahaa ururkii SNM oo uu kamid yahay madaxweyne siilanyo oo kala qaybiyay beelihii walaalaha ahaa ee halganku wada qabsaday!

hada waxa uu jaaniska siiyay aqoonyahan da yar oo sifiican wax u soo baratay oo xisbiga ka musharax ah Jamaal cali xuseen isaga laftiisa waxaa haysata wixii markaas horyaalay mudane faysal cali waraabe waayo hadaynu is yar dultaagno hab dhaqanka siyaasada Somaliland qofka raba inuu dalka hogaamiyo waa inuu la yimaad siyaasad dhowr weji leh waa ta koobaad waa inuu aqoon u leeyahay habka dhaqanka qabiilka kaas oo lafdhabar u ah bulshada dalka degen waa inuu xod xodasho siyaasdeed oo xeel dheer oo sal u ah dhaqanka bulshada Somaliland leeyahay waa inuu aqoon fiican oo hogaamin siyaasdeed leeyahay waa inuu waayo aragnimo siyaasadeed leehay intaasi markay ku kulanto ayuu laga yaabaa inuu kasban karo taageerada umada salka uu u yahay qabiilku! xitaa xisbiyada ay sheegayaan ayay u kala taageersan yihiin hanaankaas qabiilka ku dhisan!
mudane faysal hada waa waayo arag siyaasadeed waxa uu wada dersay wixii markaas ka qarsoonaa waxaanu noqday jin araga Somaliland waana ta keentay nuu ku biro madasha wada tashiga marka uu ogaaday inaan dalkan wax xisbi layidhaah ka shaqaynayn!
Aadan Axmed Nuur



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured