“Maxamed Xaashi, Xasan Ciise, Cabdisalaan Yaasiin, Karaamo Iyo sharaf Ayey Mudan Yihiin Cidna Kama Qaadi Karto Oo Annaga Ayaa Ku Garab Taagan” Muuse Biixi Cabdi.

0
Thursday October 17, 2013 - 21:07:55 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Maxamed Xaashi, Xasan Ciise, Cabdisalaan Yaasiin, Karaamo Iyo sharaf Ayey Mudan Yihiin Cidna Kama Qaadi Karto Oo Annaga Ayaa Ku Garab Taagan” Muuse Biixi Cabdi.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Mujaahid Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay sidii aynu ku soo caano maalay ee ahayd isku dulqaadasho, is wadasho iyo wadajir ayaynu wixii aynu tabanayno iyo guusha ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Mujaahid Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay sidii aynu ku soo caano maalay ee ahayd isku dulqaadasho, is wadasho iyo wadajir ayaynu wixii aynu tabanayno iyo guusha ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray Hargeysa(xogreebnews.com-Mujaahid Muuse Biixi, waxa kale oo uu sheegay “Waxaanu leenahay sidii aynu ku soo caano maalay ee ahayd isku dulqaadasho, is wadasho iyo wadajir ayaynu wixii aynu tabanayno iyo guusha ku gaadhi karnaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa Xaqiiqo ah taariikhda adduunka oo dhan halgamayaashu waa SHAMAC oo way gubtaan, dadka kale ayaa ku iftiinsada oo ku intifaaca, qofku hadduu halkanka u galo aad ku intifaacdid ma dheereeyo, bal taariihda dib u raac, ilaa asxaabtii halgamaagu dabka ayuu shidaa oo umadda ayaa ku diirsata, kama xumaado ee weliba wuu sii hagaajiyaa, taa Macnaheedu maaha in la duudsiyo dadkii soo halgamay, umaddu ma qariso xaqeeda, anniga shakhsiyan oo kale marka ilmo yari igu yidhaahdo adeer aan isla kaa Sawiro, markaa yaanu ciil qabin ninka Mujaahidka ahi marka dhibaato ku dhacdo ee dhaqaale xumo, xabadihii laga saari waayo, waar laguma hagran ee hawsheenaa badan, qabyadeenaa badan, haku calool xumaanin oo ku samir”

Guddoomiyaha Kulmiye, waxa kale oo uu ka hadlay tabashooyinka Mujaahidiinta dalka qaarkood “Ma ninbaa korkiisa biyo ka hagrada, ma nin Mujaahid ahbaa nin Mujaahid ah hagran kara, Ma Siilaanyo, Ma Anniga, Ma Maxamed Kaahin, ayaa tilmaami karaa dhibaatada SNM, ma annagaa ah qaar ilooba, waa kuma ka noo sheegayaa, waa kuma ka naga dagaal batay, ha soo baxo ka annaga na canaananayaa, xaq-bay u leeyihiin aasaasayaashii SNM in la ixtiraamo oo taalooyin loo dhiso, Maxamed Xaashi, Xasan Ciise, Cabdisalaan Yaasiin, karaamo iyo sharaf ayay mudan yihiin, cidna kama qaadi karto oo annaga ayaa ku garab taagan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Siilaanyo ayaa maanta Madaxwayne ah, waa Ayo ninka u tilmaamaya dhibaatada uu SNM ka soo maray”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Walayaalayaal marka nimanka Siyaasiyiinta ahi Makarafoonada iska canaananayaan wax weyn ha u qaadanina, Siilaanyo Iyo Maxamed Xaashi Kala Fogaan Maayaan, Anniga Iyo Xasan Ciise-na kala fogaan mayno, laakiin Xasan Guurow, markaad Madasha ka hadlaysaan waa inaad wax dhowrtaan, annagu wax dhowrno oo aydaan carruurta ka nixin oo aydaan hadal qadhaadh odhanin, laakiin aynu is canaanano” ayuu yidhi Mujaahid muuse Biixi Cabdi.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured