“Waxaan leeyahay sheekhnimadu sidaas maha,diinta islaamkana sidaas dhaqankeedu maha,culimadii iyadu dhawrsanaan lahayd inay wax aan jirin oo beena dadka kula kacdo maha”"Wasiirka cadalada xusen axmed caydiid

0
Thursday October 17, 2013 - 19:30:18 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 815
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaan leeyahay sheekhnimadu sidaas maha,diinta islaamkana sidaas dhaqankeedu maha,culimadii iyadu dhawrsanaan lahayd inay wax aan jirin oo beena dadka kula kacdo maha”"Wasiirka cadalada xusen axmed caydiid

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa si weyn uga gubtay kelmedo ka soo yeedhay Sheikh Aadan X.Maxamuud Xiiray (Sh.Adan Sirro) oo si weyn xukumada Siilanyo ugu dhaliilay inay ka baaqsatay kaalint

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa si weyn uga gubtay kelmedo ka soo yeedhay Sheikh Aadan X.Maxamuud Xiiray (Sh.Adan Sirro) oo si weyn xukumada Siilanyo ugu dhaliilay inay ka baaqsatay kaalintay kaga beegnayd Hargeisa-(xogreebnews.com-Wasiirka wasaarada cadaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa si weyn uga gubtay kelmedo ka soo yeedhay Sheikh Aadan X.Maxamuud Xiiray (Sh.Adan Sirro) oo si weyn xukumada Siilanyo ugu dhaliilay inay ka baaqsatay kaalintay kaga beegnayd dhismaha maxkamada Gebilay oo qaadhan loo ururinaayey dhismaheeda beryahanba.
Wasiirku wuxuu sheegay in dhagax dhigii maxkamada Gebilay iyo munaasibadii qaadhan ururinta maxkamadaaba midna lala soo socodsiin wasaaradiisa iyo masuuliyiinta xukumada u jooga gobolka Gebilay oo laga qarsaday,wuxuuna intaas ku daray in munaasibadaas lagu aflagadeeyay xukumada iyo madaxweyne Siilanyo.

Taa ka sokow wuxuu wasiirku si cad u duray Sheikh Aadan Siiro oo uu sheegay inuu munaasibadaas ka aflagadeeyay madaxweyne Siilanyo,wuxuuna intaas ku daray in Sheekhu caadaystay aflagaadeynta iyo ceebeeyana xukumada Siilanyo.
Wasiirka oo arintaas ka hadlaayan wuxuu yidhi “Sheikha Aadan la yidhaahdo oo arinta maxkamada uga safray Hargeysa ayaa madaxweyne Siiilanyo iyo xukumadiisaba ku ceebeeyay in la dhisi waayey maxkmada Gebilay”,Wasiirku wuxuu intaas ku daray “wuxuu Sheekhu mar walba ku kacaa aflagaado iyo ceebayn uu ku talaxtago xukumada isagoo mararka qaarna gaadha Madaxweynaha”
Wasiirku isagoo si toosa Sheikh Aadan Siiro ula hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan leeyahay sheekhnimadu sidaas maha,diinta islaamkana sidaas dhaqankeedu maha,culimadii iyadu dhawrsanaan lahayd inay wax aan jirin oo beena dadka kula kacdo maha,Sheekha waxaan leeyahay hadaan hore lagu odhan sidaas ka daa mahee,hadii kale Sheikh masaajidka furihiisa iska soo dhiib oo u soo ban-baxa siyaasadda aynu yooyootanee”.
Geesta kale Wasiirku wuxuu sheegay inaaney jirin wax balanqaad ah ama Maxkamad uu Madaxweyne siilanyo u balanqaadey inuu u dhisaayo gobolka Gebilay isagoo arintaas ka hadlaayana wuxuu yidhi “Meel Madaxweyne Axmed Siilanyo u balanqaadey inuu maxkamad u dhisaayo Gebilay miyaad haysaan waa maya!.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured