HAMBALYO MADAXWEYNE U DIRAY XUSKA SHUHADADA SNM

0
Thursday October 17, 2013 - 08:22:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 889
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HAMBALYO MADAXWEYNE U DIRAY XUSKA SHUHADADA SNM

    Hargeisa*xogreebnews.com)war saxafadeed xalay goor danbe la soo saray oo la sheegay in madaxweynuhu ku tagaeerayo agoomaha ,snm waxakle oo xalay u hambalyo u diray sanad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa*xogreebnews.com)war saxafadeed xalay goor danbe la soo saray oo la sheegay in madaxweynuhu ku tagaeerayo agoomaha ,snm waxakle oo xalay u hambalyo u diray sanad Hargeisa*xogreebnews.com)war saxafadeed xalay goor danbe la soo saray oo la sheegay in madaxweynuhu ku tagaeerayo agoomaha ,snm waxakle oo xalay u hambalyo u diray sanad guuradi . Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-Octoer 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM.



Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo mara, maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.


Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro.



Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.



WA-BILAAHI TAWFIIQ


Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured