Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Oo Sheegay Inay Diyaariyeen Kharashka 100 KM Oo Ka Mid Ah Jidka Ceerigaabo

0
Wednesday October 16, 2013 - 22:09:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 919
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Oo Sheegay Inay Diyaariyeen Kharashka 100 KM Oo Ka Mid Ah Jidka Ceerigaabo

    ceerigaabo(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa shalay salaadii ciidul Adxa kula tukaday fagaaraha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ceerigaabo(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa shalay salaadii ciidul Adxa kula tukaday fagaaraha ceerigaabo(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa shalay salaadii ciidul Adxa kula tukaday fagaaraha beerta xoriyadda Ceerigaabo ee Daallo boqolaal ka mid ah dadweynaha ku dhaqan magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirka madaxtooyadda oo hadal u jeediyay tukashadii salaada ka dib, dadweynihii ay halkaasi ku tukadeen ayaa ugu horayn hanbalyo u diray guud ahaanba shucuubta Islaamka, gaar ahaana shacbiga Somaliland munaasibadda Ciidul Adxa awgeed.

Waxaanu Ilaahay uga baryay in uu sanadka sanadkiisa ku gaadhsiiyo, caafimaad qab, barwaaqo iyo nabad geliyo, isaga oo wasiirku shacabka ku nool magaaladda Ceerigaabo gaadhsiiyay dhanbaal hanbalyo ah oo uu uga siday madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Wasiirka madaxtooyadda oo ka warbixinaya u jeedada weftiga uu hogaaminayaa ay u tegeen magaaladda Ceerigaabo, waxa uu yidhi “Guddi ahaan waxaanu u soconay arrintaa wadada, waanad ogaydeen oo waa kii madaxweynuhu dhagax dhigay oo wuu bilaabay wadadii, waxaa laga yaabaa in dadbadani ay isleeyihiin oo aan aniguba arkay mala samayn karaa wadadani, haa oo waa la samayn karayaa ayaanu leenahay, waxaanan idin leeyahay qalbigiina werwerka ka saara, waxa keliya ee aynu u baahanahay in aynu inaga oo gacmaha is wada haysana ku dhaqaaqno, bani’aadamka caalamka cid ku horumartay wax ay cidi u qabatay oo banaanka looga keenay ma jirto, dawladaha waaweyn ee awooda iyo dhaqaalaha badan leh mid xoog loo soo waariday ama xoolo loo soo waariday ma jirto, mid dariiq loo soo waaridayna ma jirto. Mid walba iyadda ayaa wax qabsatay oo halkaa ku gaadhay”.
Isaga oo hadalkisas ii watana waxa uu yidhi “Waxa aynu innagu (Somaliland) maanta ka hadlaynaa jidkaa aynu samaysano, waa arrin sahaale ah. Sida aan marar badan sheegnay dawladdu waxay isku diyaarisay in ay jidkaa dhexda u xidhato, afka oo keliyana ma aha ee dhaqaalihii ayaanu ugu taallo galnay, dhaqaalihii cashuurta ayaa loogu tallo galay waxaana loogu daray miisaaniyadda sanadka 2014-ka, kumay daynin oo keliya xukuumadu intaasi laakiin madaxweynuhu dadka shaqaalaha dawladda ah, oo madaxweynuhu ugu horeeyo ilaa askariga ayaa qaadhaankii la waydiiyay ka hor intii aan idinka la idin waydiinin, waa askarigii furinta joogay, waa macalinka buuga iyo tabaashiirta sita, ayaa la weydiiyay qaadhaanka qof kasta oo dawladda u shaqeeyana qaadhaan ayaa lagu qoray, dhamaantoodna way aqbaleen, golayaasha baarlamaanka ee guurtidda iyo wakiilladda waydinkii arkayay oo qaadhaan ayaa lagu qoray, markii intaasi oo dhan qaadhaankii lagu qoray ayaa idinkana la idin yimid, reer Ceerigaabow”.
Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ku guubaabiyay dadka nool guud ahaanba gobolka Sanaag in ay u diyaar garoobaan sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen dhismaha wadadaasi iyo in ay noqdaan cida ugu horaysa ee bixisa aduunka lagu bilaabayo wadadaasi.Waxaanu yidhi “waad arkayseen Hargeysa

kumanaankii qof ee isugu yimid ee wadadaa in aynaan ka hadhin iyo wadooyinka kale ee dalkaba isugu soo baxay, waxaan idinka rajaynayaa reer Ceerigaabo in aad ugu horaysaan bilawga wadadaasi, waynu dhisan karaynaa diyaar ayaanu u nahay in ay hamigiina gasho oo ay ugu horaysaan bilawga wadadaasi, waynu dhisan karaynaa diyaar ayaanu u nahay in ay hamigiina gasho oo ay ugu horayso wadadaasi oo aad tidhaahdaan haa, waanu qabsan karaynaa, qalbigiinana ay gasho ka hor inta aydaan xoolaba ugu deeqin, baqahana iska saara oo safka ugu horeeya gala, waxa ugu badan ee bani’aadamka dib u u dhac ku rida waa baqdinta, taasina iska saara, oo qofowna ha is odhan ma samayn karayno, ee waynu samayn karaynaa”.
Wasiir Xirsi, waxa kale oo uu sheegay in bulshada reer Ceerigaabo iyo ta Somaliland-ba ay weli dihin yihiin oo aanay ku dhawaaqin dhaqaalaha ay kaga qayb qaadanayaan dhismaha jidkaasi, isaga oo xusay in uu aad ugu rejo wayn yahay in dhawaan la arki doono wadadaasi oo la dhamaystiray xadhigana laga jarayo oo la marayo. “Wadadan markii ay dawladu intaasi u qorshaysay weli waxaa dihin gacmihii reer Somaliland oo dhan, kuwii qurba jooguna way dihin yihiin, tujaartii iyo ganacsatadii kale weli looma tegin, haddaba waxaa maanta baqaha idinka saaraya oo aanu haynaa, oo diyaarsan, dawlad ahaana aanu diyaarinay ilaa 100km (boqol kilo mitir) in aanu dhisna waynu samaysan karnaa, waxaanan maalin maalmaha ka mid ah arki doonaa iyada oo samaysan oo la marayo, xadhigana laga jarayo, maalin dhaw ayaynu arki doonaa haddii uu Allaha awooda lihi ogolaado.” Ayuu yidhi wasiir Xirsi.
Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu tilmaamay in markii weftiga uu hogaaminayaa ay ku sii socdeen magaaladda Ceerigaabo in dadweyne tiro badan oo ay ka muuqatay shucuubtooda sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qayb qaataan dhismaha wadadaasi. Waxaanu yidhi Intii aanu socdaalkayaga ku soo jirnay markii aanu soo galnay Sanaag runtii dadku waxa ay nagu soo dhawaynayeen farxad, rayn-rayn iyo niyad sami, dadaad u tiro badan ayaana na soo dhawaynayay, kuwaasi oo nagu qaabilayay shucuur ay ugu diyaarsan yihiin in ay dhismaha wadadaasi ka qayb qaataan shucuurtaasina waa mid wanaagsan, aad iyo aad ayaananu uga mahad celinaynaa iyaga iyo inta kaleba, sidaasi ay u diyaar garoobeen”.
waxa kale oo uu wasiir Xirsi sheegay in qalabkii iyo gaadiidkii wadadasi lagu dhisi lahaa ay diyaar yihiin, isla markaana ay dalka Shiinaha ka soo iibiyeen dhawaan imikana ay jidka ku soo jiraan. “Waxaa idiin sheegay uun dhaqaalaha intii aanu xukuumad ahaan ugu tallo galnay, ee qalabkii oo ay ku jiraan cagafyaddii iyo kuwii qodayay iyo wixii kale ee loo baahnaaba dhamaanba waanu dirnay oo dalka Shiinaha ayay ka imanayaan, badda ayaanay ku soo jiraan. Ma aha riyo, ma aha olole, ma aha wax ujeedo kale leh, ee wanaaga dhab, waanan dhamaystiraynaa. Marar badan ayaa halkan (Ceerigaabo) la idiin ku yimid, iyada oo laga hadlayo siyaasad ama olole kale ama arrin kale loo socdo, laakiin maanta waxaanu u soconaa oo qasdigayagu yahay, wax baanu idiin qabanaynaaye wax nagu darsada, reer Sanaagow,wax baanu idiin qabanaynaa, waxba idinka dooni mayn idinka ayaanu wax idin la qabanaynaaye, wax nala qabta o iskaayo barbartaaga, oo darafkiina ayay ka liicin, waxaan idin leeyahay dadkiina reer Sanaagow in aad degmo, tuullaba ka qayb qaadataan, xoogiina ayaa loo baahan yahay, xoolaha nool ayaa loo baahan yahay dhaqaalaha kale ayaa loo baahan yahay qalabka ayaa loo baahan yahay, qof waliba waxa uu awoodo ayaa loo baahan yahay, ardaydiina, ganacsatadiina iyo xoolo dhaqatadiinu in ay ugu horayso ayaa loo baahan yahay oo aad idinku dadka hor kacdaan, sidaasi ayaanay ku soorto galaysaa”.
Dhinaca kale weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka madaxtooyaddu ayaa la filayaa in ay maanta kulan qaadhaan lagaga yaboohayo wadadaasi ay ku qaban doonaan fagaaraha beerta Xoriyadda ee magaalada Ceerigaabo, kaasi oo ay ka soo qayb geli doonaan dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladdaasi, sida culimadda, ganacsatada, waxgaradka, aqoonyahaniinta iyo kuwo kale.
Waxaanu kulankaasi lagaga dhawaaqi doonaa qaabka ugu haboon ee ay bulshadu uga qayb qaadan karto dhismaha wadadaasi, iyada oo shirkaddaha, ganacsatada iyo xataa calaa shaqsi halkaasi laga sheegi doono mid waliba wixii karaankiisa ah ee uu kaga qaybqaadanayo dhismaha wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo ah 370 km.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured