Wasiirka Warfaafinat oo Markii uu Ku Fashilmay Hogaaminta Wasaarada, Dagaal Gacan Ka Hadal ah Ku Bilaabay Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta.

0
Wednesday October 16, 2013 - 17:02:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 920
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Warfaafinat oo Markii uu Ku Fashilmay Hogaaminta Wasaarada, Dagaal Gacan Ka Hadal ah Ku Bilaabay Qaar Ka Mid ah Shaqaalaha Wasaarada Warfaafinta.

    Maalintii oo ay taarikhdu tahay 14/10/2013-ka waxaa xarunta wasaarada warfaafinta ka dhacay dhacdo layaab leh oo fool xun ,iyadoo wasiirkii dhanaa ee wasaarada warfaafintu dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada warfaaf

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maalintii oo ay taarikhdu tahay 14/10/2013-ka waxaa xarunta wasaarada warfaafinta ka dhacay dhacdo layaab leh oo fool xun ,iyadoo wasiirkii dhanaa ee wasaarada warfaafintu dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta somaliland sida ay Maalintii oo ay taarikhdu tahay 14/10/2013-ka waxaa xarunta wasaarada warfaafinta ka dhacay dhacdo layaab leh oo fool xun ,iyadoo wasiirkii dhanaa ee wasaarada warfaafintu dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday qaar ka mid ah shaqaalaha wasaarada warfaafinta somaliland sida ay sheegeen shaqaale ka tirsan wasaarada warfaafinta oo ka cudur daartay inay sheegaan magacyadooda ayaa waxay sheegeen in wasiir cukuse saaka dagaal gacan ka hadal ah ku qaaday shaqaalahaasi waxayna wasiirka ku tilmaameen in had iyo jeer cadhaysan oo aan jeclayn in uu maqlo dhaliisha loo jeediyo wax yaabaha ka socda wasaarada warfaafinta,waxayna sheegeen in shaqaalahaasi doonayeen markii hore inay wasiika u sheegaan sidii shaqaalaha iyo madaxda wasaarada warfaafintu iskaga kaashan lahaayeen sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta shaqaalaha iyo madaxda wasaarada madaama oo ay wasaaradii warfaafinu sii noqonayso mid diciif ah oo aan gudanayn shaqadeedii ay qaranka u yahaysan.

shaqaalaasi ayaa wasiirka wasaarada warfaafinta c/laahi daahir cukuse ku eedeeyey in uu yahay in indhaha la qarsanaya xil gudasho la’aanta waajibaadii wasaarada ee ay qaranka u hayso, waxayna tilamaameen in haatan wasaarada warfaafinta somaliland ka hooseyso heerkii xiligii xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin xiligaasi oo wasaarada warfaafinta iyo xukuumadu si wanaagsan u wada shaqeyn jireen, halka haatan wasaarada warfaafintu tahay mid magac u yaal ah oo aan sidii loogu talo gaalay u shaqeyn, waxa kale oo shaqaalaha wasaaradu ku eedeeyeen wasiir cukuse in uu yahay nin aan soo fadhiisanba xafiiskiisa oo uu iska meerayso xarunta madaxtooyada iyo huteelada isagoo raali gelinaya madaxda madaxtooyada.
shaqaalahan wasaarada warfaafinta ayaa waxay u soo jeediyeen madaxweyne siilaanyo in laga bedelo wasiir cukuse wasaarada warfaafinta madaama oo ay isaga iyo shaqaalihii wasaaradu durba dagaal dhex marayo, isla markaana wasaaradii warfaafintu noqotay wasaarada magac u yaal ah.
Qore: C/raxmaan Yusuf Axmed
Email:C/raxmaan22@gmail.com
Hargeysa/Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured