Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Hanjabaadaha Al-shabaab Ee Ku Wajahan Dalka Jabuuti

0
Wednesday October 16, 2013 - 16:22:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Jabuuti Oo Ka Hadlay Hanjabaadaha Al-shabaab Ee Ku Wajahan Dalka Jabuuti

    Jabuuti(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu ka hadlay hanjabaadaha joogtada ah ee kaga imaneysa Ururka Al Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabuuti(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu ka hadlay hanjabaadaha joogtada ah ee kaga imaneysa Ururka Al Shabaab. Jabuuti(xogreebnews.com- Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa wuxuu ka hadlay hanjabaadaha joogtada ah ee kaga imaneysa Ururka Al Shabaab. Ururka Al Shabaab, ayaa fariimo joogto ah waxa ay u diraan Wadamada, ay Ciidamadoodu ka jooggaan Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya. Xilli ay taageerayaan Dowladda uu Caalamku aqoonsan yahay.
Madaxweynaha Dowladda Jabuuti, ayaa wuxuu daboolka ka qaaday inaanay u joojin doonin hanjabaadaha kaga imaanaaya Xoogaga Islaamiyiinta, isla-markaana ay sii wadi doonaan taageerada, ay siinayaan Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Ujeedada ay u taageerayaan Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu ku macneeyay mid ay kaga gol lee yihiin, sidii ay nabad iyo kala dambeen, ay dib ugu heli lahaayeen Ummada Somaliyeed. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inay Dowladda Jabuuti sii wadi doonto, taageerada ay siineyso Dowladda, sidoo kalana ay sii wadi doonaan tababarada, ay u fidinayaan Ciidanka Dowladda.
Madaxweyne Ismaaciil, ayaa waxa uu intaa raaciyay in Ciidanka Jabuuti ee qeybta ka ah hawlgalka Amisom, ay baaqi ku sii ahaan doonaan Soomaaliya. Ilaa iyo inta ay ka xasileyso Soomaaliya. Mr. Geelle, ayaa wuxuu hadalkaan ka sheegay, khudbad uu Talaadadii shalay uu ka jeediyay Magaalada Djabouti, xilli uu dadka reer Jabuuti uu la tukaday Salaaddii Ciidda ahayd.
xogreebnews.com Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured