marwada koowad oo maanta la ciiday caruurta agoomaha Hargeisa.

0
Tuesday October 15, 2013 - 18:28:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    marwada koowad oo maanta la ciiday caruurta agoomaha Hargeisa.

    Hargeisa(xogreebnews.com-Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ayaa maanta sidii caadada u ahayd waxay la ciiday lana qaybsatay farxada ciidal

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ayaa maanta sidii caadada u ahayd waxay la ciiday lana qaybsatay farxada ciidal Hargeisa(xogreebnews.com-Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL, Marwo Aamina Xaaji Maxamed Jirde ayaa maanta sidii caadada u ahayd waxay la ciiday lana qaybsatay farxada ciidal Adxaha awgeed caruurta ku dhaqan xarunta Agoomaha hargeisa.

Marwada oo halkaasi ka jeedisay hadal kooban oo isugu jira farxad, dhiirigelin, mahadnaq iyo taloobo horleh oo wax ku ool ah oo ay marwadu maanta bilowday uguna horaysay taas oo ah deeq xarunta agoomaha ay marwadu ugu kaalmaysay dhismaha dayr lagu wariijin doono xayndaabka xarunta oo marwadu ay qadar taakulo ah ay ugu deeqday in lagu dhiso dayr ama xayndaab lagu daryeelo caruurta.

Intaasi ka dib marwadu waxa ay caruurta la qaadatay qadar ka mida wakhtigii qaaliga ahaa ee ay la ciiday caruurta aan cidina u maqnayn ceelna u qodnayn balse sanad walba iyo wakhti walba ay ka war hayso marwo Amina Weris iyada oo sidoo kale u mahadnaqday Shirkada Al-nuur oo ay ku tilmaantay shirkad fahansan qiimaha iyo doorka ay ku leeyihiin dhalintani

dadka iyada oo marwadu ka dhawaajisay dadkana fariin ugu dirtay in laga war hayo caruurtan qiimaha badan waxaanay tidhi waa inaad ogaataan in madaxweynihii beri, wasiirkii beri, odaygii beri, aqoon yahan kii beri uu halkan ku jiro oo aan la dhayalsan lana gacanqabto dadkuna ay ka soo qaybqaataan intii diirnaxa oo damqanayaa uu ugu yaal caruurtan in ay dayrkaasi iyo wixii kale ee dhisme ah ee ay ku dari karaanba inay ku caawiyaan caruurta.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured