Waatan Warbixintii Ka Hadlaysay Sida Beelaha Iyo Gobolada Somaliland Loogu Qaybiyay Lacagtii Bank Aduunku Uu Siiyay Ganacsadada

0
Saturday April 06, 2013 - 20:02:59 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1364
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waatan Warbixintii Ka Hadlaysay Sida Beelaha Iyo Gobolada Somaliland Loogu Qaybiyay Lacagtii Bank Aduunku Uu Siiyay Ganacsadada

    Maxaad Ka ogtahay fadeexadaha ka dhashay habkii loo qaybiyay deeqdii dhaqaale ee Baanka Adduunka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ka ogtahay fadeexadaha ka dhashay habkii loo qaybiyay deeqdii dhaqaale ee Baanka Adduunka
Waatan Warbixintii Ka Hadlaysay Sida Beelaha Iyo Gobolada Somaliland Loogu Qaybiyay Lacagtii Bank Aduunku Uu Siiyay Ganacsadada
Maxaad Ka ogtahay fadeexadaha ka dhashay habkii loo qaybiyay deeqdii dhaqaale ee Baanka Adduunka.
Waxaa bishii la soo dhaafay la iclaamiyay dadkii ku guulaystay tartankii ay u galeen deeq dhaqaale oo Baanka Adduunku ugu talogalay in lagu kaabo ganacsatada reer Somaliland qaybteedii u horaysay oo ku eeka lacag ugu badnaan ah $50,000 (Konton kun oo Dollarka Maraykan ah) in lagu maalgeliyo ganacsatada yar yar ee reer Somaliland. Qadarkan lacageed ayaa la siinayay cid kasta oo ku guulaystay arjigoodii.
Mashruucan Baanka Adduunku ugu talogalay in lagu badhi taaro ganacsatooyinka yar yar si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka ayaa loo qoondeeyay doorkan koowaad lacag dhan $2,000,000 (laba malyuun oo Dollarka Maraykan ah). Iyadoo qaybta labaad ee deeqdan oo loogu talogalay ganacsatada waawayn una dhaxayn doonta $50,000 ilaa $150,000 (Kon kun ilaa boqol iyo konton kun oo Dollarka Maraykan ah) la filayo in la bilaabo dalabkeeda bisha May 2013ka ee fooda inagu soo haysa. Faahfaahin aan sidaasi u buurnayn waxaad ka heli kartaa websiteka haayada gacanta ku haysa ama loo igmaday inay maamulka deeqdan Somaliland Business fund ama SBF (www.somalilandbusinessfund.com) ama kala xidhiidh xafiiska ay ka furteen Hotel Maansoor, Hargaysa. Tel: 002522 4850660.







Waatan Warbixintii Ka Hadlaysay Sida Beelaha Iyo Gobolada Somaliland Loogu Qaybiyay Lacagtii Bank Aduunku Uu Siiyay Ganacsadada


Maxaad Ka ogtahay fadeexadaha ka dhashay habkii loo qaybiyay deeqdii dhaqaale ee Baanka Adduunka.

Waxaa bishii la soo dhaafay la iclaamiyay dadkii ku guulaystay tartankii ay u galeen deeq dhaqaale oo Baanka Adduunku ugu talogalay in lagu kaabo ganacsatada reer Somaliland qaybteedii u horaysay oo ku eeka lacag ugu badnaan ah $50,000 (Konton kun oo Dollarka Maraykan ah) in lagu maalgeliyo ganacsatada yar yar ee reer Somaliland. Qadarkan lacageed ayaa la siinayay cid kasta oo ku guulaystay arjigoodii.



Mashruucan Baanka Adduunku ugu talogalay in lagu badhi taaro ganacsatooyinka yar yar si loo kobciyo dhaqaalaha wadanka ayaa loo qoondeeyay doorkan koowaad lacag dhan $2,000,000 (laba malyuun oo Dollarka Maraykan ah). Iyadoo qaybta labaad ee deeqdan oo loogu talogalay ganacsatada waawayn una dhaxayn doonta $50,000 ilaa $150,000 (Kon kun ilaa boqol iyo konton kun oo Dollarka Maraykan ah) la filayo in la bilaabo dalabkeeda bisha May 2013ka ee fooda inagu soo haysa. Faahfaahin aan sidaasi u buurnayn waxaad ka heli kartaa websiteka haayada gacanta ku haysa ama loo igmaday inay maamulka deeqdan Somaliland Business fund ama SBF (www.somalilandbusinessfund.com) ama kala xidhiidh xafiiska ay ka furteen Hotel Maansoor, Hargaysa. Tel: 002522 4850660.



Shaxda sare waxay kuu muujinaysaa tirooyinka dadka ku guulaystay deeqdan, gobolada iyo qabaailka ay ka soo kala jeedaan.

Bal dhanka kale aan eegno kooxda ama Teamka ka masuulka ka ah deeqdan iyo cida ay yihiin.

1. Dennis Dunn waa Maareeyaha deeqdan, ninkan ayaa u dhashay dalka Ingiriiska hase yeeshe degan dalka Canada.
2. Lindsay Jamieson waa Maareeyaha lacagta, ninkan lama sheegin wadanka uu ka soo jeedo laakiin waa nin muddo dheer ka soo shaqaynayay qaarada Afrika oo sidaynu ka war hayno musuqmaasuqu maashi xaal iska yahay.
3. Said M Jama, waa gacan yare ka soo jeeda asal ahaan Somaliland, beesha Isaaq, Sacad Muuse ahna nin qurba joog ahaan jiray.
4. Mohamed Y Elmi, gacan yare, isna waa nin dhalinyaro ah oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, Isaaq, Sacad Muuse.
5. Abdiaziz Awil, gacan yare, asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, Isaaq, Sacad Muuse.
6. Asiya Osman, Badhiwalad, ka soo jeeda asal ahaan Somaliland, Isaaq, Sacad Muuse.

Waxaa kale oo isna la sheegayaa in nin lagu magacaabo Nagiib Xasan Xaashi oo uu adeer u yahay Wasiirkii hore ee Maaliyada Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ka mid yahay kooxdan oo uu mashruucan uga wakiil yahay Baanka Adduunka dhinaca Somaliland, Nagiib ayaa isna ah Isaaq, Sacad Muuse.

Waxaa la filan karaa oo aad u macquul ah in dad badani is waydiiyaan taloow shaqaalahan gacan yarayaasha ah sheegista qabiilkoodu maxay macno ah oo samaynaysaa, runtii waa masalo aan qurux badnayn laakiin jawaabta iyo waxa kalifayba waxaad si fudud uga dhex heli kartaa warbixinta ee ha ka degdegin.

Deeqdan dhaqaale ayaa waxaa ku guulaystay dad dhan 59 qof sida lagu shaaciyay warbaahinta iyo website ka deeqdan laga maamulayay ee kor ku xusan.
Fadlan hoos ka eeg shaxo kale oo muujinaya sida deeqdan loo kala helay dhinaca gobolada iyo qabaailka dega Somaliland intooda wax ka soo gaadheen.

Shaxda 3–²aad


Shaxdani waxay kuu muujinaysaa saamiga boqolayda ay gobolada Somaliland u kala heleen

Shaxda 4–²aad


Shaxdani waxay muujinaysaa sida qabaailku u kala heleen dhinaca saamiga boqolayda.

Haddaba sida kor ku cad ee shaxahani muujinayaan ayaad si fiican uga dheehan kartaa halka maanta xaal marayo iyo sida caddaaladii, wax wada lahaanshihii iyo nidaamkii dawladnimo sharafta iyo milgaha looga qaaday. Waxaad si fiican u dhugan kartaa in xoolihii u dhexda ahaa ummadan reer Somaliland ee muddada dheer u soo sabraysay nidaamka dawladnimo dad gaar ah oo qaloocan oo nasiib darrada jirta isku wada beel ka soo jeedaa ay gacanta u gashay ugana takri falayaan si guracan oo ka baxsan nidaamka dawladnimo iyo qawaaniinteedaba. Arrinkan ayaa kuu muujinaya aqoon darrada baahsan iyo fikirka guracan ee dadkani ka haystaan nidaamka dawladnimo.

Waxaa runtii mudan su’aal wayn in la iswaydiiyo oo ah maxaa dadka reer Somaliland raadinayeen markii ay maal iyo moodba u hureen inay iska ridaan oo iska dhiciyaan nidaamkii faasidka ahaa ee keligii taliyo Maxamed Siyaad Barre?.
Dadka arrinka noocan ah ku kacay ma fahamsan yihiin in lacagta Baanka Adduunku ugu talogalay in lagu taageero ganacsiga Somaliland si loo kobciyo dhaqaalaha iyo wax soo saarka dalku ay leedahay qawaaniin, dabagal iyo shuruuc lagu hago, mise xaalku waa jaanta rogan iyo short term vision ama aragti gaaban oo ah maanta qaado. Miyaanay ogayn inay arrinkani dhaawac halis ah ku tahay dawladnimadii muddada dheer ummadu u soo dhabar adaygaysay welina ay halganka ugu jiraan sidii Somaliland loogu heli lahaa ictiraaf iyo dawladnimo buuxda.
Waxaa nasiib darro ah in dawladii arrinkan foosha xun wax ka qaban lahayd iyadii hormood ka tahay in sidan wax u dhacaan. Waxaa jirta in kooxdan laga hagayay Qasriga Madaxtooyada oo fadeexadan qaawan gacan wayn ku leh.
Waxaa kale oo iyana la yaab leh in la duudsiyo dadkii wadanka deganaa oo laga fadilo lana siiyo deeqda badankeeda dad ka soo haajiray qurbaha oo aan dalkan dhib badan u soo mutaysan. Waxaa kale oo jirta cabashooyin naga soo gaadhaya dad iyagu dalbaday deeqdan oo inta arjigoodii la diiday aan ilaa hadda wax sabab ah loo sheegin.

Haddaba waxaa muhiim ah in golayaasha qaranka iyo dadka reer Somaliland ee xilkaska ahi arrinkan dhakhso wax uga qabtaan baadhis iyo naaqishaad qoto dheerna ku sameeyaan si looga hortago inaan ishaa yar ee dhaqaale ee furantay aanay dhakhso u xidhmin oo aan looga aamin ka bixin nidaamka ka jira dalka. Waxaa kale oo iyana muhiim ah in aqoon yahanka, odayaasha, waxgaradka iyo Culima awdiinku arrinkan eegaan kana hortagaan kala qaybsanaan, is aaminid la’aan iyo nacayb dadka la kala dhex dhigo. Waana muhiim in laga gilgisho oo mawqif adag laga istaago in xoolaha ummada u dhexda ah la musuqo oo dad gaar ahi ku takri falaan.

Isku soo wada duuboo nidaamkan deeqdan qaybteedii hore loo maamulay ayaa ah mid ay ka muuqato musuqmaasuq baahsan, eex, nin jeclaysi iyo khibrad la’aani.

Hoos ka eeg magacyada dadka ku guulaystay deeqdani oo ayna qaarkood wax ganacsiahaba hore faraha ugula jirin hase ahaatee eex iyo qabyaalad lagu siiyay kadib markii la qalday madaxdii ka socotay world bank


1 Fruit & Veg (irrigation) Gabiley Sainab Ahmed Abdirahman
2 Tractor Rental Gabiley Mohammed Mukhtare Shill
3 Tomato Paste & Ketchup Borame Said Mohamed Dahir
4 Fruit & Veg (irrigation) Gabiley Dahir Muhumed Hudhuun
5 Argan Oil Hargeisa Abdirisak Ibrahim Mohamed
6 Sunflower Oil Hargeisa Ibrahim Nuur Ducaale Younis
7 Gums & Resins Processing Upgrade Erigavo Saleh Haji Hassan Ahmed
8 Tomato Paste & Ketchup Hargeisa Saynab Mohamed Nouh
9 Animal Fattening and Vet services Wajaale Mohamed Haji Mahdi
10 Poultry (chicken meat and eggs) Hargeisa Khalid Adan Abdi
11 Poultry (chicken meat & eggs) Hargeisa Hussein Mohamoud Roble
12 Animal Skin — Processing upgrade Hargeisa Alawi Guled
13 Camel Milk Hargeisa Dr. Ismail Ali
14 Mud Crab Berbera Sabah Muse Omer
15 Aquaculture Berbera Dr. Hamse Ismail Abdullahi
16 Fisheries — Cold storage Ceel-Sheik Cumar Badmaax Gahyr
17 Fisheries — upgrade Zeila Mrs. Waris Hussein Egeh
18 Fisheries — cold storage Berbera Mohamed Khalif Aden
19 Frankincense and Myrrh — exports Hargeisa Ismail Siyad Abdi
20 Frankincense Distillery Erigabo Ismail Hassan
21 Gums & Resins Processing Upgrade Burao Amina Farah Arshe
22 Urban Waste Management — Gabiley Wajaale Mohamoud Hussein
23 Garbage Collection — Kodbur District Hargeisa Omar Sh. Abdilahi Issa
24 Iodized Salt Bulahar Taaha Nuur
25 Gemstones (Ruby and Aquamarine) Borama Mohamed Elmi
26 Gemstones — Cutting & Polishing Hargeysa Abdirahman Hersi Warsame
27 Luxury Mineral Water Erigavo Mohamoud Hussein
28 Water Drilling Equipment Hargeysa Eng. Ismail Abdillahi
29 PVC Pipes Hargeysa Mohamed Aw Abdi Yussuf
30 Primary School Hargeysa Mohamed Ahmed Ali
31 Cisco ITC Academy Hargeysa Mohamed Muhummed Hirsi
32 Civil Engineering Laboratory Hargeysa Dr. Saeed Ahmed Hassan
33 Pathology Laboratory Hargeisa Hussein Jama Had
34 Advanced Medical Diagnosis Hargeisa Mohamed H. Dahir
35 Advanced Medical Lab Burao Dr. Eid M. Ali
36 Pastry and Coffe shop Hargeysa Yurub Hassan Abdi
37 Shock — Absorber & Battery — Recon Hargeysa Kayse Hussein Yussuf
38 Printing & Photo copying shop Hargeysa Khadra Omar Geeleh
39 Automotive Repair & Maintenance Hargeysa Abdirashid Ibrahim Adan
40 Bakery — cakes and fancy breads Hargeysa Zahra Ibrahim
41 Laundry and Dry Cleaning Service Hargeysa Khadija Abdilaahi
42 Printin Press — upgrading Hargeysa Mr. Omer Mohamed Ahmed
43 Furniture Plant — Upgrade Borama Xiis Maxamuud
44 Garment Manufacturing Hargeysa Qani Abdi Alin
45 Wheel Barrow Factory Hargeysa Hamse Abdirahman Khaire
46 Indoor Sports Centre Hargeysa Abdalla Qule Hassan
47 Exercise Books and Note Books Las Anod Abdirahman Mohamed Hassan
48 French Pastry and Coffee Shop Hargeysa Yahye Yuusuf Hassan
49 Home decoration & furniture making Borama Mohamed Abdi Bando
50 Accountants and Auditors Cadre Hargeisa Musa Yusuf Noor
51 Home Decoration Factory Hargeisa Ramla Xaji Maxamed
52 Uniform manufacturer Hargeisa Abdihakim Ahmed Mohamed
53 Carpentry and Building Materials Las Anod Abshir Adan Mohamed
54 Soap — New Sizes and Colors Hargeisa Mohamed Nuur Abdilahi
55 Bakery Upgrade Burao Yasin Cilmi Awale
56 Aluminum Doors & Windows Hargeisa Abdillahi Shukri Jama
57 Leather products manufacturer Hargeisa Nasir Abdi Hirsi Elmi
58 Tyre Retreads Hargeisa Mustafe Abdirahman Abdilaahi
59 Furniture Making Hargeisa Hassan Ahmed Yussuf

xogreebnews.com






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured