MADAXWEYNAHA OO MAALINTA CIIDA AWGEED HAMBALYO UU DIRAY SHACABKA

0
Monday October 14, 2013 - 21:55:11 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 921
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNAHA OO MAALINTA CIIDA AWGEED HAMBALYO UU DIRAY SHACABKA

    Bismilaahi Raxmaan Raxiim,Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismilaahi Raxmaan Raxiim,Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr. Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax- Bismilaahi Raxmaan Raxiim,Ciid mubaarik, ciidal caafiya, kulu caam wa antum bikhayr.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed (Silanyo) waxa uu Xuska Ciidal Adxa awgeed Hambalyo u dirayaa Dhamaan Golayaasha Qaranka, Madax-dhaqameedka, Culimaau-diinka, Xisbiyada Qaranka, dhammaan Bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan bulsho-weynta Islaamka ee dunida, waxaan munaasibada Ciidal Adxa leeyahay Ciid-Mubaarik, Ciidal-caafiya, kullu-caamin wa antum bikhayr.

Waxaan Illaahay inooga rajaynayaa in uu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo caafimaad, cibaado, bash-bash iyo barwaaqo.
Aamiin Aamiin Aamiin
Hambalyadaas Ciida ka dib, waxaan Bulshada reer Somaliland ku bogaadinayaa dedaalka muddada dheer ay soo wadeen, iyaga oo shacbi iyo dawladba is-kaashanaya.
Dedaalkaasi waaka aynu maanta ku soo gaadhnay halka qarankeenu uu taagan yahay, waxaana xaqiiq ah wax kasta oo aan soo qabsannay waxa laf-dhabar u ahaa nabadgelyada aynu ku naaloonayno, taas oo ku timid Tabantaabaday laba gacmood tamar ku yeeshaane iskaashiga Shacbiga iyo Dawladda.
Wax kasta oo aynu soo qabsanay waxa ka baaxad-weyn hawlaha qaran ahaan inoo yaalla, taas oo aynu kaga midho-dhalin karno in aynu dedaalkeena sii xoojinno, si aynu u gaadhno hiigsigeenna iyo halka aynu qaran ahaan u socono oo ay ugu mihiimsan tahay in qarankani helo aqoonsi buuxa.
Somaliland waxay u diyaar tahay in beesha caalamka iyo gaar ahaanba wadamada jaarka ay kala shaqayso nabadgelyad iyo deganaanshaha Gobolka
Wa Kullu Caam Wa Antum Bikhayr,,,
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
XOGREEBNEWS.COM OFFICE
HARGEISA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured