MADAXWEYNE SIILAANYO OO GUDDIDI WAX TIGOODU DHACAY EE DIWAAN-GELINTA URUURADA UU CUSBOONAYSIIYAY-WAR SAXAAFADEED

0
Monday October 14, 2013 - 21:51:04 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1009
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MADAXWEYNE SIILAANYO OO GUDDIDI WAX TIGOODU DHACAY EE DIWAAN-GELINTA URUURADA UU CUSBOONAYSIIYAY-WAR SAXAAFADEED

    Hargeisa(xogreebnews.com-wax saxaafadeed soo gaadhay shabakadda wararka ee xogreebnews.com ayaa lagu sheegay in xil lo cusboonaysiiyay gudiida diwaan gelinta waxaanu uu dhigna sidan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-wax saxaafadeed soo gaadhay shabakadda wararka ee xogreebnews.com ayaa lagu sheegay in xil lo cusboonaysiiyay gudiida diwaan gelinta waxaanu uu dhigna sidan.

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-2108/102013 uu xilkii ay hayeen ugu cusboonaysiiyey Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka, muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Qodobka 3aad, Faqradiisa 6aad ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Xeer Lr. 14/2011.

Markuu Arkay: Wax-ka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Qodobkiisa 3aad, Faqradda 6aad oo jideynaysa in muddada Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabtu tahay 2 sanno oo ka bilaabanta maalinta la dhaariyo.

Markuu Ogaaday: In xilligii dhaartu ay ahayd 04/10/2011-kii kuna eekayd 04/10/2013.

Markuu Arkay: In Faqradda 6aad ee Qodobka 3aad ee Kaabista iyo wax-ka-beddelka Xeer Lr. 14/2011 uu awood sharci u siiyay Madaxwaynaha muddo kordhinta Guddida, isla markaana ku xadiday muddo kordhinta Laba (2) sannadood;

Markuu Arkay: Baahida loo qabo jirtaanka iyo sii socodka Guddida Diiwaangelinta iyo Ansixinta Axsaabta ee la xidhiidha waajibaadka loo xil saaray;

Wuxuu go’aansaday

In Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka u cusboonaysiiyo muddo xilleed dambe oo ah laba sannadood oo ka bilaabanta 05/10/2013.

ALLAA MAHAD LEH



Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured