Urur Dhalinyaro Reer Boorama Ah Lana Baxay Iftiin Group Oo Soo Bandhigay Barnaamuj Ay Ku Diirsadeen Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Boorama–

0
Monday October 14, 2013 - 21:43:14 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 868
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Dhalinyaro Reer Boorama Ah Lana Baxay Iftiin Group Oo Soo Bandhigay Barnaamuj Ay Ku Diirsadeen Dadwaynaha Ku Dhaqan Magaalada Boorama–

    Ururka dhalinyarada Iftiin Group oo ka mid ah ururada dhalinyarada kuwooga ugu firfircoon ee ka hawlgala Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley gaar ahaan xarunta Boorama ayaa waxa ay maanta shir jaraa’id ku qabteen Hotel Rays Kaas oo ay ku soo bandh

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka dhalinyarada Iftiin Group oo ka mid ah ururada dhalinyarada kuwooga ugu firfircoon ee ka hawlgala Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley gaar ahaan xarunta Boorama ayaa waxa ay maanta shir jaraa’id ku qabteen Hotel Rays Kaas oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii mudada sannadka ahayd ee ay jireen. borama(xogreebnews.com-Ururka dhalinyarada Iftiin Group oo ka mid ah ururada dhalinyarada kuwooga ugu firfircoon ee ka hawlgala Gobolada Awdal/Selel Iyo Gabiley gaar ahaan xarunta Boorama ayaa waxa ay maanta shir jaraa’id ku qabteen Hotel Rays Kaas oo ay ku soo bandhigayeen waxqabadkoodii mudada sannadka ahayd ee ay jireen.
Shirkan jaraa’id ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay gudoomiyaha ururkan Iftiin Mudane:Maxamed Cali Cumar “Jaabir” waxa uuna ka warbixiyay u jeedka kulankan iyo waxqabadkii mudada sannadka ahayd ee ay jireen ururkani waxyaalihii u qabsoomay,waxa uuna hoosta ka xariiqay in ururkani yahay urur dhalinyaro ah una istaagay sidii ay magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal uga qayb qaadan lahaayeen sidii ay u noqon lahayd mid la tartanta dhinaca bilicda wadamada Horumar.

Gudoomiye Jaabir ayaa mahadnaq aan la soo koobi karin u diray Shirkadaha laydhka Aloog , Borama Power Station iyo Shirkada Telesom oo uu sheegay in ay yihiin shirkadaha iska xilqaamay shidida khashaafadahaas ,sidoo kale waxa uu u mahanaqay cid wala oo ka qayb qaadatay qaadhaan ururintii lagu soo iibinayay agabkaas khashaafadaha ah.


Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay mid ka mid ah mas’uuliyiinta sarsare ee ururkan Mudane Xaaji Cumar Cismaan Kaahin waxa uuna sheegay in ay wadada Laamiga ah ee Bile Street ay hirgaliyeen khashaafadaha waawayn ee wadooyinka caalamka ah lagu xidho taas oo uu sheegay in tiro ahaan 22 khashaafadood ku xidheen mudadaas sannadka ahna ay shidnaayeen kuwaaas oo uu sheegay in ay ku kaceen lacag gaadhaysa 10.000$ Tobban kun Dollarka Maraykanka kaas oo uu sheegay in ay lacagtaas ka qaadhaameen qaar ka mid ah ganacsatada iyo bulshada jecel horumarka ee ku nool Boorama.
Ugu danbayn waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyihii hore ee ururkan Iftiin Dr:Shucayb Cabdi Jibriil waxa uuna ka warbixiyay caqabadihii soo kala dambeeyay mudadii ay hawshan ku jireen iyo markii ay dhamaystireenba taas oo uu ku shegay in caqabadii ugu waynayd ay ahayd markii ay dhameeyeen ayna shideen 22 Khashaafadood ku maamuseen golaha degaanka cusub Ee Boorama in ay kala wareegaan ayna ka warhayaan wixii ay u baahdaan agabkaas ay wadada ku iftiimiyeen.
Dr:Shucayb ayaa nasiib daro wayn ku tilmaamay wanaagii iyo quruxdii aan ku wareejinay in golahaas cusub ee degaanka Boorama ay gabi ahaanba dayaceen boqoqlkiiba konton qayb ka mid ahina ay gabi ahaanba bakhtiyeen laydhadhkaasi waxa uuna sheegay in ay markii danbe isla garteen ka dhalinyaro iftiin ahaan in ay dib ugala soo laabtaan agabkii iyo mas’uuliyadii agabkaas dayacmay waxa uuna sheegay in ay iyagu dib lacago qaadhaan ah u ururiyeen dibna sidaas ugu shideen.
Si kastaba ha ahaatee ururkan Tawfiiq ayaa hiigsanaya sidii ay magaalada Boorama bilicdeeda uga qayb qaadan lahaayeen iyaga oo la kaashanaya bulshada reer Boorama oo ah kuwo jecel horumarka iyo waxwada qabsiga kuwaas oo quus ka istaagay dadkii la doortay ee hawlahan noocanoo kale ah qaban lahaa kuwaas oo nooqday kuwo isku meeraysta dhexdooda iloobayna ujeedkii iyo waajibkii ka saarnaa dadkan ay ka qaadayaan cashuurta.”


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured