WASIIRKA CADAALADA OO BEENIYAY .WAR LAGA WADAA DHEEREGSAN YAHAY

0
Monday October 14, 2013 - 21:40:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA CADAALADA OO BEENIYAY .WAR LAGA WADAA DHEEREGSAN YAHAY

    Hargeysa(Xogreebnews.com- Iyada oo ay jireen warar ka soobaxay warbaahinta noocyadeeda kaladuwan oo tibaaxaaya inay dagaal gacan ka hadal ahi uu dhexmaray Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo agaasimihiisa guud ee wasaaradaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews.com- Iyada oo ay jireen warar ka soobaxay warbaahinta noocyadeeda kaladuwan oo tibaaxaaya inay dagaal gacan ka hadal ahi uu dhexmaray Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid iyo agaasimihiisa guud ee wasaaradaasi Abiib Cabdilaahi. Hadaba Wasiirka Cadaaladda iyo Garsoorka Md. Xuseen Axmed Caydiid ayaa been iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyay qaar ka mid ah saxaafadda dalka oo sheegayay inay is faro saareen Agaasimihiisa guud Abiib Cabdilaahi.

Wasiirka Cadaaladda ayaa sheegay inaanu jirin wax dagaal ah oo dhex maray isaga iyo agaasimihiisa guud, waxaanu warkaas warbaahintu daabacday ku sifeeyay mid waxba kama jiraan ah oo lagu iib-gelinayo wargeysyadda.

Md. Xuseen Axmed Caydiid, kama uu hadal in wax khilaaf ahi ka dhex oogan yahay isaga iyo agaasimaha wasaaradiisa oo la sheegayay in khilaaf xoog leh oo dhinaca maamulka ahi ka dhexeeyay maalmihii la soo dhaafay khilaafkaasina sababay inuu Agaasimaha guud ka joojiyo shaqadii.


Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaarada Cadaalada Abiib Cabdilaahi kama uu hadal dagaalka warbaahintu daabacday ee Wasiirku beeniyay.

Sikastaba ha ahaatee waxaa mudooyinkii u danbeeyay soo badanayaayay gacankahadal badan oo ay isulatagayaan masuuliyiinta kaladwan ee somaliland.
XOGREEBNEWS.COM-OFFICE Hargeysa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured