WASIIRKA MADAXTOOYADA OO SI ANU FILEYN LOGU SOO DHOWEEYAY Ceerigaabo

0
Monday October 14, 2013 - 21:34:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1034
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRKA MADAXTOOYADA OO SI ANU FILEYN LOGU SOO DHOWEEYAY Ceerigaabo

    Ceerigaabo(xogreebnews.com-— Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ceerigaabo(xogreebnews.com-— Weftigii uu hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag. Weftiga Wasiirka oo maanta ka soo kicitimay degmada Ceel Afweyn oo ay xalay u hoyden ayaa lagaga hortagay meel 20 Km u Jirta Magaaladda Ceerigaabo waxaana lagu soo galbiyay fardo iyo Gaadiid Tiro badan.
Weftiga uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadu waxaa Xubno ka ah Wasiirul dawlaha Wasaarada Maaliyada Mudane Cismaan C/laahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xildhibaano ka tirsan Golayaasha Guurtida iyo Wakiilada, Gudoomiyaha Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo Mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale waxaa Magaalaada Ceerigaabo ku sii sugnaa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada oo ay ka Mid Yihiin Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Gaashaandhiga,Biyaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha.
Weftigan Xukuumada Somaliland ka socda ayaa Gobolka Sanaag u tagay si ay Shacbiga ugala qayb galaan Munaasibada Ciidul Adxa isla markaana ugu baraarujiyaan ka qayb qaadashada Mashruuca dhismaha Wadada Isku Xidha Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland si rasmi ah u dhagax dhigay, taasi oo dhererkeedu yahay 370KM.Wadadan ayaa warku sheegayaa in qorshaheedu uu ka bilaabmayo Deegaanka Ina af Madoobe,Ceerigaabo,Ceel afweyn iyo Gar adag.

xogreebnews.com-office Ceerigaabo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured