"WASIIRKA MADAXTOOYADU WUXU GUULO INOOGA DHIGAA GUUL DAROOYINKA UU INOO SOO HOOYO

0
Monday October 14, 2013 - 21:29:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "WASIIRKA MADAXTOOYADU WUXU GUULO INOOGA DHIGAA GUUL DAROOYINKA UU INOO SOO HOOYO

    Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaafka ka soo cusboonaaday murankii maamulka hawada Somaliland waxan ka hadlay markii wafdigii uu xushay wasiirka madaxtooyadu ee ka qayb galay wadahadaladii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Soma

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaafka ka soo cusboonaaday murankii maamulka hawada Somaliland waxan ka hadlay markii wafdigii uu xushay wasiirka madaxtooyadu ee ka qayb galay wadahadaladii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia Hargeisa(xogreebnews.com-Khilaafka ka soo cusboonaaday murankii maamulka hawada Somaliland waxan ka hadlay markii wafdigii uu xushay wasiirka madaxtooyadu ee ka qayb galay wadahadaladii ugu dambeeyay ee dalka Turkiga ku dhex maray Somaliland iyo Somalia ay ku soo laabteen dalka iyaga oo iska dhigayay in ay guul inoo soo hooyeen. Maqaalkii aan ka qoray oo warbaahinta qaarkood hore ugu soo baxay wuxu ahaa sidan
WASIIRKA MADAXTOOYADU WUXU GUULO INOOGA DHIGAA GUUL DAROOYINKA UU INOO SOO HOOYO

Kulankii ugu dambeeyay wada hadaladii labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland waxay Somalia ku badisay hal gool iyo eber. Ma xuma, colka Wasiirka madaxtooyadu xushay hadii aan shan gool candhada loo gelin waynu ladan nahay. Laakiin waxa nasiib daro ah in wasiirku uu ka been sheego natiijadii kulankii lagu hungoobay oo guul darada uu soo hooyay isku dayo inu shacbiga Somaliland uga dhigo guul.
Horta dayuuradaha ugu tirada badan ee mara hawda Somalia iyo Somaliland waxa ka gudba Hargeysa iyaga oo u socda waqooyi iyo koonfur taas macnaheedu waxa weey dayuuradahaasi meel keliya kama galaan hawada Somalia lacagta laga qaado na waxaa xaq u leh Somaliland.
Marka ay sidaa tahay mawqifka ergada Somalilnd metelaysay waxay ahayd inay ku gorgortanto in dayuuradaha mara hawada somalia een hawada somaliland marin lacagta ay bixiyaana Somalia leedahay ooy wada qaadato,dayuuradaha hawada somaliland Mara een ta somalia marina ay lacgtooda somaliland wada qaadato.waxa soo hadhay dayuuradaha hawooyinka labada dalba mara oo sax ku noqon lahayd in lagu heesheeyo in la wada maamulo dakhliga ka soo xeroodana si cadaalad ah ay labada dal u kala qayb sadaan.
Sida muuqata warkii ay sheegeen ergada somaliland ee odhanaysaa waxa lagu soo heshiiyay in maamulka hawda ee dalkii.la isku odhan Somali Democratic Republi ay la soo wada wareegaan Somaliland iyo Somalia lagana maamulo Hargeysa inu noqday been aan sal iyo raad toona lahayn bal se uu wasiirka madaxtooyadu uga gol lahaa keliya inu asturo hungihii madhnaa iyo guuldaradii uu u soo hooyay Somaliland.
Sidaas na waxa laga fashiliyay dhinicii kale ee Somalia oo si cad oon madmadow lahayn looga faahfaahiyay arinkan.
Markii ugu horeysay waxa ka hadlay wasiirka Somalia ee arimaha gudaha, kuna tilmaamay inay tahay talaabadii ugu horeysay ee loo qaaday dhinaca midnimada labada dal. Waxa kale oo isagu na uga dambeeyay si cad oon wax madmadow ihi ku jirin na u faahfaahiyay wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada oo sheegay in aanay jirin maamul hawo oo lala soo wada wareegayaa lakiin Dawlada Federaalka Somalia iyo haya´dda caalamiga ah ee IATA ay heshiis dhamays tiran kala saxiixdeen sidii dawldda Somalia loogu wareejin lahaa gebi ahaan ba maamulka hawada Somalia oo dhan, hawada Somaliland na ay ku jirto, isaga oo wasiirku cadeeyay qorshe hawleedka ama khariidadda dhamays tirka heshiiskan oo ku eg ilaa iyo daba yaaqada sanadkan.
Hada ba wasii Xirsi maxaa ku kelifay inu ka been sheego arintan maxay se noqon karaan sababaha wejigabaxa iyo fashilaada dhinaca Somaliland?Kow tan ugu horeysaa waa shakhsiyadda Xirsi oo ayaan darada jirtaa ay tahay inu yahay wasiirka ugu mudan ugu na awooda badan Golaha Wasiirada oo marka aad isku soo wada duubto noqonaya qof aan wax garanayn oo aan hadan ogayn in aanu waxba garanayn. Hadii uu ogaan lahaa in aanu wax
lahaa aqoon korodhsi. Lakiin sida uu yahay hadaanu aamin sanayn ba in wax ka dhiman iyo cid wax dheeri ba jirin markaa wax u kordhi karaa ma jiro
Wax ka sii daran inanka awoodaha uu ku takriga falaa way ka wayn yihii awoodo wasiir waxa na run ah in qalinka Madaxwaynahu gacanta ugu jiro wixii uu doonayno ku qoran karo kuna saxiixan karo waana ta u suurto gelisa ma aha uun xulashada shakhsiyaadka ergada wada hadalada oo keliya eh ilaa xubnaha golaha wasiirada ayuu ka taliyaa oo siduu doono ka yeelaa, ka baxaya, ka soo gelaya, ka dalacaya, ka la casilayo 95% waa isaga rabitaankiisa, wuxu jecel yahay na in goluhu wada noqdo isaga oo kale iyo wax ka sii liita. Maxaad u malaynaysaa markaa masuuliyiinta kale ee dawladda na?
Wasiirku wuxu xidhiidh taas ah la leeyahay isku na xidhan yihiin masuuliyiin dhinaca Somalia ah, siiba arintan maamulka hawdana waxa ugu jira dan gaar ah waayo isagu wasiirkii ay shaqadiisa ahayd ma aha wax macluumaad ah oo arintan uu ka hayaa na ma jirto ee maroorsi sabab la´aan maaha.
Hadaba, marka taladii masiirka Somaliland ay gacan inan kaa yar ku soo ururto ee xaalku noqdo; wuxu doonaa doonan, wuxu diidaa diidan, waa maxay waxa aynu xukuumaddan ka filan karnaa? Sidee ayaynu se uga saadaalin karnaa mustaqbalka Somaliland, mise sidii xiligii SNM ayaan ku soo gunaanadaa " MARKAY UGU XUN TAHAY, AYAY UGU WANAAGSAN TAHAY"



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured