Xukuumada Somaliland Oo Dalab Qoraal Ah U Dirtay Dawladda Somalia

0
Monday October 14, 2013 - 21:25:54 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 922
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xukuumada Somaliland Oo Dalab Qoraal Ah U Dirtay Dawladda Somalia

    Hargaysa(xogreebnews.com- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda federaalka Soomaaliya u dirtay Warqad qoraal ah oo ay kaga dalbanayso inay tixgeliso heshiishkii labada dhinac ku dhex-maray waddanka Turkiga wadahadal dalkaasi marti-geliyey ka dib.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com- Xukuumadda Somaliland, ayaa dawladda federaalka Soomaaliya u dirtay Warqad qoraal ah oo ay kaga dalbanayso inay tixgeliso heshiishkii labada dhinac ku dhex-maray waddanka Turkiga wadahadal dalkaasi marti-geliyey ka dib. Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inuu Warqad qoraal ah u diray dawladda Soomaaliya, isla markaana ka dalbaday inay tixgeliso heshiiska ku wada galeen Somaliland iyo Soomaaliya wadahadalkii Turkigaka ee ugu dambeeyey.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo shalay u warramay Wariye Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah Telefiishanka Qaranka Somaliland(SLNTV), waxa kale oo uu ka hadlay guulaha Safarkii Turkiga uga soo baxay Somaliland, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland la yeelanayso dalka Turkiga.

Waxa uu Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland, Wareysigaas ku sheegay inuu Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya u diray Warqad uu kaga codsanayo inay tixgaliyaan heshiiskii ay la gaadheen Somaliland.
Wasiirka wasaaradda arimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa tilmaamay in Somaliland guulo wax ku ool ahi uga soo baxeen safarkii Madaxwaynaha ay ku wehelinayeen ee dalka Turkiga, isla-markaana laga wada hadlay sidii dawladda Turkigu ay xafiis diblamaasiyadeed uga furan lahayd Somaliland isla-markaana Somaliland xafiis kaasi la mid ah ugu yeelan lahayd dalka Turkiga.
Maxamed Biixi Yoonis, waxa kale oo uu ka hadlay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo ururka Midowga Afrika, waxaanu tilmaamay in Somaliland ku dedaalayso sidii ay Ururka Midowga Afrika ugu qancin lahayd aqoonsiga Somaliland, maaddaama oo Somaliland buuxisay guud ahaan shuruudihii laga rabay dawlad madax-bannaan.

xogreebnews.com-Hargaysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured