SHIRKADDA ILEYS INC. WAXAA FARXAD WEYN U AH IN AY SOO BANDHIGTO ADEEG MUDDO LAGA DHURSUGAYAY OO AY MACAAMIIL BADAN HADAL HAYEEN, ADEEGAN WAXAA LA YIRAAHDAA LIVE STREAM (TABIN TOOS AH).

0
Saturday October 12, 2013 - 22:33:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1041
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHIRKADDA ILEYS INC. WAXAA FARXAD WEYN U AH IN AY SOO BANDHIGTO ADEEG MUDDO LAGA DHURSUGAYAY OO AY MACAAMIIL BADAN HADAL HAYEEN, ADEEGAN WAXAA LA YIRAAHDAA LIVE STREAM (TABIN TOOS AH).

    Hargeysa(Xogreebnews.com--Shirkadda Ileys Inc. waxaa farxad weyn u ah in ay soo bandhigto adeeg muddo laga dhursugayay oo ay macaamiil badan hadal hayeen, adeegan waxaa la yiraahdaa Live Stream (Tabin toos ah).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews.com--Shirkadda Ileys Inc. waxaa farxad weyn u ah in ay soo bandhigto adeeg muddo laga dhursugayay oo ay macaamiil badan hadal hayeen, adeegan waxaa la yiraahdaa Live Stream (Tabin toos ah). Hargeysa(Xogreebnews.com--Shirkadda Ileys Inc. waxaa farxad weyn u ah in ay soo bandhigto adeeg muddo laga dhursugayay oo ay macaamiil badan hadal hayeen, adeegan waxaa la yiraahdaa Live Stream (Tabin toos ah).
BANDHIGGA ADEEGA LIVE STREAM
Shirkadda Ileys Inc. waxaa farxad weyn u ah in ay soo bandhigto adeeg muddo laga dhursugayay oo ay macaamiil badan hadal hayeen, adeegan waxaa la yiraahdaa Live Stream (Tabin toos ah).
Adeega Live Stream (Tabinta Tooska ah) waa adeeg kuu suuro galinaya in si dhib yar idaacaddaada looga dhageysto dunida dacalladeeda.


Dhageystayaashaadu waxa ay idaacaddaada si isku mid ah ugu dhageysan karaan qalabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kombiyuutar-rada waaweyn (Desktop), Kombiyuutar-rada dhabta la saarto (Laptop), Kombiyuutar-rada Gacanta (Tablet) iyo Telefoon-kooda gacanta (Mobile).

Adeeggan waxa uu kuu sahlayaa in aad si fudud internet-ka ugu baahiso cod si toos ah uga socda xaruntaada warbaahinta (Radio Station) ama Kombiyuutar-kaaga adiga oo aan bixin qarash fara badan ama aan soo iibsan qalab cusub oo hor leh.

Rakibista iyo maamullida adeegan aad ayay u sahlan tahay, uma baahna in aad aqoon hore u leedahay qalabyada Idaacadaha ama kombuyuutar-rada.

HADDA IN AAD IDAACAD FURATO AAD AYEY U SAHLAN TAHAY

Si aad u furato idaacad internet-ka ku shaqeysa waxa aad u bahan tahay seddex waxyaabood oo kaliya:

Kombiyuutar (Desktop ama Laptop)
Internet Connection iyo
In aad Ileys Inc. ka furato adeega Live Stream

Marka aad intaas hesho waxa aad dhageystayaashaada u baahin kartaa cod si toos ah uga socda Microphone-ka ku xiran Kombiyuutar-kaaga ama waxa aad u shidi kartaa barnaamij hore u duubnaa oo ku keydsan Kumbiyuutar-kaaga.

AUTO DJ (IDAACAD AAN MARNA HAWADA KA BAXEYN)

Si ay idaacaddaadu hawada ugu jirto 24-ka saacadood waxa aan soo raacinay adeegan Live Stream-ka qeyb casri ah oo loo yaqaan Auto DJ.

Qeybta Auto DJ waxa ay kuu suurogalineysaa in aad idaacaddaada ka baahiso barnaamijyo hore u duubnaa, adiga oo aan haysan internet ama ay dansan yihiin Studio-gaaga iyo Computer-kaaga.

Barnaamijyada aad dooneyso in aad baahiso xilliyada idaacaddaadu dansan tahay waxa aad ku Upload-gareyneysaa (rareysaa) server-rada Ileys Inc. kaddibna waxa aad fureysaa qeybta Auto DJ.

Auto DJ waxa uu dhageystayaashaada u shidayaa barnaamijyada ku keydsan server-ka inta aad uga soo diyaar-garoobeyso in aad tabiso barnaamijyo toos ah.

Haddaba si aad u furato idaacad internet-ka ku shaqeysa halkan taabo

FIIRO GAAR AH:

Shirkadda Ileys Inc. waxa ay qiimo dhimis u sameyneysaa 10-ka macmiil ee ugu horreeya, si aad uga faa iideysato qiimo dhimistaas, isticmaal furaha qiimo dhimista ee ah LIVESTREAM10 marka aad online-ka ka iibsaneyso adeegan.
IDAACADO HADDA ISTICMAALA ADEEGAN
MACAAMIISHA ADEEGAN ISTICMAALAY MAXAY KA YIRAAHDEEN?

Macmiil hore u isticmaali jiray Adeeg Live Stream ah oo markii danbe u soo wareegay adeegan cusub ayaa yiri:

"Annagu aad ayaan uga helnay live Stream-ka Ileys Inc bixiso waana midkii ugu fiicnaa ee aan aragno, sababtoo ah waa howl aad kaligaa qabsanaysid oo aan cid ku maamulaysa aysan jirin, wax waliba adiga ayaa u talinaaya.

Sidoo kale wuxuu aad ugu fiican yahay waa 24-saac oo haddii Idaacadda la damiyo, wixii aad doonto ayaad ku badalaysaa si aduunka lagaala socdo 24-saac.

Haddii aan soo koobo dhan kasta waa uu ka dhamaystiran yahay Live Stream-kan maxaa yeelay sida aad FM-kaaga u maamulaysid ayaad u maamulaysaa."

Macmiil kale ayaa yiri:

"Adeegaan waa la dhacsannahay, wax badan ayaan raadineynay adeeg noocaan ah laakiin welwel ayaan qabnay oo waxaan aaminsaneyn in adeegyada Live Stream-ka ah dhibaato badan yihiin una baahan yihiin dad khibrad leh oo ku shaqeeya.

Markii aan Ileys Inc. la soo xiriirnay oo ay noo rakibeen, aragtidaas meesha waa ka baxday, isticmaaka adeeguba wuxuu la mid yahay in aan computer-keena cod ku dhageysano, sidoo kale computer-kii aan doono ayaan Live-ka ka sii deynaa.

Maalmo yar kaddib waxa aan helnay macaamiil badan oo website-keena ku soo xirmay, qaarkood Email ayay noo soo direen kuwana telefoon-ka ayay naga soo waceen iyaga oo noogu hambaleynaya horumarka aan sameynay kuna farxsan idaacadda ay guryahooda ku dhageysan karaan.

Addeega Live Stream-ka ee Ileys Inc. wuxuu na gaarsiiyay meel aanan hore u gaari karin, dhageystayaal hor leh ayuu noo horseeday, sumcaddii idaacaddeenana sare ayuu u qaaday.

Waan u mahadnaqayaa Maamulka iyo Shaqaalaha Ileys Inc, waxa aana leeyahay howsha wanaagsan ee aad bulshada u heysaan halkiina ka sii wada.
SU AALAHA LA ISWEYDIIN KARO
WAA MAXAY LIVESTREAM?

Adeega Live Stream (Tabinta Tooska ah) waa adeeg kuu suuro galinaya in si dhib yar idaacaddaada looga dhageysto dunida dacalladeeda.

Dhageystayaashaadu waxa ay idaacaddaada si isku mid ah ugu dhageysan karaan qalabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kombiyuutar-rada waaweyn (Desktop), Kombiyuutar-rada dhabta la saarto (Laptop), Kombiyuutar-rada Gacanta (Tablet) iyo Telefoon-kooda gacanta (Mobile).

Adeeggan waxa uu kuu sahlayaa in aad si fudud internet-ka ugu baahiso cod si toos ah uga socda xaruntaada warbaahinta (Radio Station) ama Kombiyuutar-kaaga adiga oo aan bixin qarash fara badan ama aan soo iibsan qalab cusub oo hor leh.

YAA KA FAA IIDEYSAN KARA?

Addeegga Live Stream waxaa ka faa ideysan kara:

Idaacadaha
Iskuullada
Hay adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn
Dugsiyada Qur aanka lagu dhigto
Masaajidda Cilmiga lagu barto iyo
Cid kasta oo dooneysa in ay codkeeda gaarsiiso dunida dacalladeeda.

QIIMO INTEE LA EG AYUU KU KACAYAA, LACAGTASE SIDEE BAA LOO BIXIYAA?

Qiimahaha adeega Live Stream-ka waxaa lagu saleeyaa tirada dhageystayaasha mar kaliya dhageysan kara idaacaddaada iyo tayada codka ay dhageysanayaan.

Si aan faham-ka qiimahaan u fudeydino waxa aan faahfaahin dheeri ah ku daabacnay website-keena halkan ka eeg: https://ileys.so/live_stream.php

Waxaa jira 3 xilli lacageed oo kala ah:

Seddexdii biloodba mar
Lix-dii biloodba mar iyo
Sanadkiiba mar

Lacagta waxa aad ku bixin kartaa shan siyaabood oo kala duwan hadba tii kuu sahlanaata:

In aad Online-ka ku bixiso adigoo isticmaalaya Credit Card (Visa, Master Card) iyo Paypal
In aad ku soo dirto xawaaladdii aad jeceshahay
In aad ku soo dirto mobile-ka adigoo isticmaalaya adeegyada ZAAD, Sahal ama EVC Plus
In aad ku shubto Account-ka Ileys Inc. ay ku leedahay Dahabshiil Bank.
In aad geyso xafiiska kuugu dhow ee Ileys Inc.

SIDEE AYAA LOO RAKIBAA?

Rakibista iyo maamullida adeegan aad ayay u sahlan tahay, uma baahna in aad aqoon hore u leedahay qalabyada Idaacadaha ama kombuyuutar-rada.

Marka aad adeegan dalbato waxa aan kuu soo diri doonaa email ay la socdaan link-iyo (mareego) aad ka soo ragan karto laba software oo aad u fudud oo kuu sahlaya in aad rakibto Live Stream-ka.

Kaba sii wacan, annagu ayaa lacag la aan kuugu rakibeyna Live Stream-ka haddii aad naga soo codsato.
QALAB CUSUB MIYAAN SOO IIBSANAYAA SI UU LIVE STREAM-KU IIGU SHAQEEYO?

Maya, wax qalab ah oo cusub uma baahnid, waxa aad u bahan tahay seddex waxyaabood kaliya:

Kombiyuutar (Desktop ama Laptop)
Internet Connection iyo
In aad Ileys Inc. ka furato adeega Live Stream

SIDEE AYAA LOO DHAGEYSAN KARAA IDAACADDEYDA?

Dhageystayaashaadu waxa ay idaacaddaada si isku mid ah ugu dhageysan karaan qalabyo kala duwan oo ay ka mid yihiin Kombiyuutar-rada waaweyn (Desktop), Kombiyuutar-rada dhabta la saarto (Laptop), Kombiyuutar-rada Gacanta (Tablet) iyo Telefoon-kooda gacanta (Mobile).

AQOON INTEE LA EG AYAAN U BAAHANAHAY SI AAN LIVE STREAM-KA U MAAMULO?

Rakibista iyo maamullida adeegan aad ayay u sahlan tahay, uma baahna in aad aqoon hore u leedahay qalabyada Idaacadaha ama kombuyuutar-rada.

Haddii aan su'aashaada halkan looga jawaabin nala soo xiriir: sales@ileys.com

Si aad qiimo dhimista uga faa'iideysato halkan taabo
WABILLAAH AL-TOWFIIQ



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured