WASIIRU-DAWLE CADAYSTAY AF-LAGAADADA ASXAABTA MUCAARIDKA AH OO EEDEYMO BIILA AQOON AH UU JEEDIYAY XISBIGA WADANI

0
Saturday October 12, 2013 - 20:52:47 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1021
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WASIIRU-DAWLE CADAYSTAY AF-LAGAADADA ASXAABTA MUCAARIDKA AH OO EEDEYMO BIILA AQOON AH UU JEEDIYAY XISBIGA WADANI

    Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiiru dawlaha wasaarada Maliyada mudane Cimaan Cabdilaahi Saxardiid (cadaani), Oo maanta Shir Jara’iid Ku qabtay Xafiiskiisa Ayaa ka Hadlay, Eedaymihi Ay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani u So Jeediyeen Misaniyada Iyo W

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiiru dawlaha wasaarada Maliyada mudane Cimaan Cabdilaahi Saxardiid (cadaani), Oo maanta Shir Jara’iid Ku qabtay Xafiiskiisa Ayaa ka Hadlay, Eedaymihi Ay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani u So Jeediyeen Misaniyada Iyo Wasaarada Maaliyada, Iyada Hargeisa(xogreebnews.com-Wasiiru dawlaha wasaarada Maliyada mudane Cimaan Cabdilaahi Saxardiid (cadaani), Oo maanta Shir Jara’iid Ku qabtay Xafiiskiisa Ayaa ka Hadlay, Eedaymihi Ay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Wadani u So Jeediyeen Misaniyada Iyo Wasaarada Maaliyada, Iyada oo Sido Kalena uu ka hadlay Safar Ay U bixi Doonaan Isaga iyo wasiirka wasarada Madaxtooyada Somaliland mudane: Xirsi Cali xaaji Xasan Oo Ay ku Tagi Doonaan magaalada Ceerigaabo, Hadaba Wasirka Ayaa ugu horeeyn Hordhac ka Bixiyay Sababta Ay Halkaasi U tagayaan Waxaana Uu yidhi “ Laba Arimood Ayaan Idiinku Yeedhay saaka, Labadaas Arimoodna Waxaa Ay kala yahiin midi waxa weeyi safar aanu u baxayno gobalka sanaag aniga iyo wasiirka madaxtooyadu , oo ah gudiida wadooyinka wadaada cerigaabo, iyada Oo Aanu Mari Doono Tuulo ilaa Magalooyinka Gobalka sanaag ilaa Ceerigaabo iyada oo uu qorshahayagu yahay in hadii uu ilaahay nafta inoo dayo, aanu laa ciida la qaadano. Dad weynaha gobalka sanaag ee ceerigaabo. Iyada oo aanu u soo bandhigi doono, qorshaha iyo Baaqa Madax weynaha jamhuuriyada Somaliland kuna saleysan Sidii Loo Dhisilaaa wadooyinka qaranka, Gaar Ahaan Wadada Ceerigaabo ilss burco isku xidha” Ayaa uu yidhi

waxaa kale ee uu intaasi raaciyay wasiirku jawaabta hadalo ka soo yeedhy qaar ka mida xisbiga mucaaradka ah ee wadani, ku waasi oo wasaarada maaliyada u soo jeediyay eedaymo hadaba wasiiru dawlaha o arimahaasi ka jawaabaya ayaa waxaa uu yidhi “ shalato oo malin cibaado ahayd ayaa ay qabteen xibiga wadani shir jara’iid, waxaan is lahaa mal maha ciida ee la faraxsan yahay, waxay la qaataan xasaskooda iyo qoysaskood, Oo haba yaratee wax cay iyo aflagaado ah af kooda ka soo bixi mayso, Waxaa runtii cadaadtay dad weynahuna ila arkn in hadal aan shegay oo ahaa “xisbiyada mucaaradka ah waxaa ka soo hadhay uun inay ku seexdaan oo ay ku soo toosaan maxaad abuurtaan, Oo Aad madax weynaha iyo dawlada ku saydhaan, Ayuunba Ka so hadhay”
waxa Uu hadalkiisa isaga oo sii wata yidhi wasiirku “ Shalay Waxaa Ay aad uga hadleen misaniyada hortaala golaha, waxaana runti wax lala yaaba Ah in wax aan jirin oo aan raad lahayn ay umada iyo bulshadaba ku marin habaabiyaan. Iyada oo ay iska cadahay .
waxaanu cadaynaynaa dad weynaha jamhuuriyada Somaliland aan la wadaagaynaa in ragii xagay ka hadli lahaayeen, qodobo ay dawlada kaga soo hor jeedan, ay ka hadlaan qodobo been abuura oo cad. Hadaan qodbada ay ka hadlaan mid idiinka sheego waxay ka hadleen haya’da la yidhaahdo NDC Oo loo Yaqaano Hayada Abaabul Saarka Qaranka oo dad weynaa Somaliland Ogyahay, ka saxaafad Ahaana Aad ogtahiin, Waxa loo Abuuray iyo Waxa Ay tahay, wasaarada maaliyadu kharashka gala waxaa uu ka badan yahy wasaarado badan in uu meeshaa galena maa uu ahayn, waxaa nasiib daro ah waxaa ay ka sheegayaan ama ay shegayan Hawlgabyadii Ciidaada Ee jamhuuriyada Somaliland Waa Kuwa Aynu nabadooda Ku seexano kuna soo tosno, waana ragii nafada ahaa ee Xornimadan maanta Aynu ku naaloonayno suurto galiyay, Ninka ka soo horjedaa waxaa naafo galaya, nin dalkan u soo dagaalaay oo curyaama oo aan gabigoodu ku wada jirin Oo Marba Waxaa uu karankeenu karaayo Ee ay inoo soo gudbiyaan.
Ninka Dhalecaynaya hawlgabka Ciidamada Qalabka Sida ciidamada booliska, Asluubta, Naafadii xornimada iyo dalkan noo keenay, waxan qabaa waa nin aduunyo kale ku nool waxaanan qabaa in intayar ee rashin ama waxay helayaan aanay waxba ahayn xisbiga dhaleecaynayaa dee koow maaha Ee Waa Wax Ay mucaaradku Caadeysteen.”
“ Ninka Dhalecaynaya Wadada Ay Qaranku sameyanyaan ee ka soo hor jeesanaya, Ee malint Foodkana, lahaa yaan la Ansixin ama ha lagu mudaharaado, maantana waxay u soo jeesteen kuwii hawlgabka naftoodi iyo malkoodiba u soo huray dalkan aynu maanta ku naloonayno nabadiisa, waa wax laga xanuusado run ahaantii waana wax laga dhiidhiyo”
Waxaa uu intaasi wasiirku raciyay in ay xisbiyada mucaaradka ah ay ka been sheegaan wax ay idhahooda ku arkayeen taas oo ay ahayd in, ay shalay wadani waydinayeen inaan xisaab xidh la sameyn balse nasiib daro ay noqotay been ay dadku wada arkaan isaga oo armahasi ka hadlayana waxaa uu yidhi “ waxaa la yaab leh wasirkii wasaarada maaliyada shahaado sharaf ayaa barlamaanka lagu siiyay, Ta oo nalagu siiyay in wasaaradu intii aanu joonay sannad walba aanu gudbino xisab xidhka iyo misaniyadaba aanu wakhtigeeda gudbino, Barlamaankuna sababtaas ay wasiirka shahaadada u siyeena waa taas, marka aan leeyahy, xisbiyada mucaaradka ah way indho layahiin oo waxba ma eegaan, waxaa ka mida waxay ilaabeen in barlamaanka horteeda iyada oo la wada arayo shahaado sharaf la gudoonsiyay, taas ayaana cadaynayasa in ay iska soo kacaan oo aanay dalkaba ka war hayn ee ay dadka uun iska cayi yaqanan , wali may dhicin wasiir maliyadeed oo shahaado sharaf la gudoonsiyay barlamaanka horteeda wali kan hortii may dhicin, aniga iyo agaasimuhua waanu filaynaa oo cabdicasiis waanu la wadaagnaa shahadadaas”
Waxaa sdoo kale isna halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud Ee Wasaarada waxaana Uu hadalkiisa Ku bilaabay “ misaniyada 2014 shacabka reer Somaliland markhati ayay ka yihiin in uu yahay bajad midho dhala oo, Qofka jamhuuriyada Somaliland U Damqanayaa wuxuu amaani lahaa qofka misaniyada ka soo qaaday , 47 milyan ka soo qaaday ee maantana marinaya 152 gaadhsiyay anaga oo aan cahuur kordhin ee dhnay waliba, Waa Dadaal badan oo ay sameysay wasaradu, Waxay Ahayd in Ay Qiraan xisbiyada mucaaradka ahi, lakin anagu waxba wadani ugama jawaabayno waayo gudomiyaha barlamaanka ayaaba abaal marin nagu siiyay oo isagaaba ka markhatiya iyada oo xldhianadiisi kale ee wadani ka soo jeedayna , ay noogu mahad naqeen golaha dhexdiisa, kuwa Ansixinayaana waa kuwaas.”
“ Qasanadan waxay ku jiri jirtay gacanta maliada marki hore, lakin Culyeys badan Ayaa ku Saarnaa wasaarada maliyada, lakin way ka madax banaantahay calamka wasaarada maliyada mashariicda houn marinta wadanka oo dhana way ku jiraan. Ha ahaato beero, Wadooyin Iyo xanaanda xoolahaba, Hadaba Waxaa Sidaas Loo sameyay I Aany Wasaradna Masharicdeeda u Qarsan Ayaanu Ku sameynaa Xisaab Xidh Oo Xisaab Celin Ayaanu la Sameynaa, Saddexdii bilod ee hore marka uu keeno xisaab celin ayaa hadana loo si daayaa,Lacagta qasnadaas ku jirtana umalaha awood in 1millon ay ka bixiso wasaarada maliyadu waayo qof gaara ayaa maamula, waayo wasarad waliba markay mashruceeda u baahato wasiirkeeda ayaa ka masuula markaas wasaaradu awood ua laha inay iyadu bixiso, Qasnadaasi waa a qaranka , wasiirka maliyaduna saxeexeda ayaa uu leeyahay markuu u ogolado cidii soo dalbatay , wasaarada maliyada inay lacag Ka Raacdo mooyaane lacagi ugama hadho, waxaan hubaa in balamaanku ansixinayo misaniyadaas, Shahaado sharaftii nalagu gudoonsiyayna aanay cidi ka noqonay, umalayn mayana shirki jara’iid ee uu xisbigaasi qabtay inuu wax ka dhimi doono ansixinta isaniyada”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured