Warbaahinta Madaxa banaan oo saartay Guddi la saxda lana socota Wararka

0
Friday October 11, 2013 - 22:03:49 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 945
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahinta Madaxa banaan oo saartay Guddi la saxda lana socota Wararka

    Hargeysa(xogreebnews.com-Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa soo saaray laba qoddob oo ka soo baxay kulamo iyo Doodo ay ka yeesheen Mihnada saxaafadeed ee ay gacanta ku hayaan, taasoo ay u arkaan Iagaga bixi karo caqabadaha jira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa soo saaray laba qoddob oo ka soo baxay kulamo iyo Doodo ay ka yeesheen Mihnada saxaafadeed ee ay gacanta ku hayaan, taasoo ay u arkaan Iagaga bixi karo caqabadaha jira. Hargeysa(xogreebnews.com-Warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland ayaa soo saaray laba qoddob oo ka soo baxay kulamo iyo Doodo ay ka yeesheen Mihnada saxaafadeed ee ay gacanta ku hayaan, taasoo ay u arkaan Iagaga bixi karo caqabadaha jira.
War-saxaafadeed ay warbaahinta u qaybiyeen ayaa u dhigaa sidan:-
War-saxaafadeed
Kulamo is daba joog ahaa oo ay Guddoomiyayaasha, Mulkiilayaasha iyo Tafatirayaasha Saxaafadda Madaxa Banaan ee Somaliland ku lahayd Caasimadda Hargeysa ayay kaga doodeen Mustaqbalka Saxaafadda Somaliland iyo sidii loo Sixi lahaa Mushkiladaha Hor yaala waxaanay go’aamiyeen Laba qoddob oo kala ah:-

Waxa la magacaabay Guddi ka kooban Afar Xubnood oo la socda, ilaaliya, isla markaana tallo ka soo jeediya wararka iyo Barnaamijyadda Saxaafadda Madaxa banaani baahiso iyagoo ku so bandhigi doona kulamada kale ee loo balansan yahay.
In Saxaafadda Madax banaan fursad loo siiyo in ay isa-saxdo isla markaana laga joojiyo wax kasta oo carqalad ku keeni kara sida Siminaaro loo abaabulayo Xeerka Saxaafadda iyo talaabooyinka kale ee dhibaatadda u keeni kara.
Sida ka soo baxday Doodii Saxaafaddu ku yeelatay kulankoodii u danbeeyay ee Khamiistii ku qabsoomay Hotel Xaraf, waxa ka soo baxay Macluumaad iyo Xogo la xidhiidha Guddi sadex xubnood ka koobnay oo muddo laba Bilood ku dhaw daraasaynaysay Wararka Taban ee warbaahintu qorto, kaasoo wax wayn ka taray ujeedadii looga Gol lahaa in ay saxaafaddu dhexdeeda ka saxdo qaladaadkeeda.
Saxaafadda Madaxa banaan ee Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured