Maamulka Dekadda Iyo Kastamka Berbera Oo Beeniyay In Shirkada Genel Ay Macdan Ka Dhoofinayso Marsadda

0
Friday October 11, 2013 - 20:03:29 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 917
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Dekadda Iyo Kastamka Berbera Oo Beeniyay In Shirkada Genel Ay Macdan Ka Dhoofinayso Marsadda

    Hargaysa(xogreebnews.com) Maamulka Dekadda Berbera iyo maamulka kastamka Berbera, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen ay ku beeniyeen inaanay jirin warar sheegayay in shirkadda shiidaalka ka qodaysa ee Genel Energy ay Kontiinaro ay mac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com) Maamulka Dekadda Berbera iyo maamulka kastamka Berbera, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen ay ku beeniyeen inaanay jirin warar sheegayay in shirkadda shiidaalka ka qodaysa ee Genel Energy ay Kontiinaro ay macdan ku Hargaysa(xogreebnews.com) Maamulka Dekadda Berbera iyo maamulka kastamka Berbera, ayaa war-saxaafadeed wada jir ah oo ay soo saareen ay ku beeniyeen inaanay jirin warar sheegayay in shirkadda shiidaalka ka qodaysa ee Genel Energy ay Kontiinaro ay macdan ku soo guratay ka dhoofinayso marsadda Berbera, siday faafiyeen qaar ka mid ah saxaafadda dalku.
War-saxaafadeed ay si wada jir ah u soo saareen caawa maareeyaha Guud ee dekadda Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed Iyo Maamulaha kastamka Berbera Maxamed Cabdi Gurxan, ayay si waafi ah ugu beeniyeen jiritaanka warkaasi, waxaanu war-saxaafadeedkan oo dhamaystirani u dhignaa sidan:-

“Waxaan halkan jawaab shaafi ah kaga bixinaynaa war aan jirin oo lagu baahiyey qaar ka mid ah wargaysyada iyo websiteyada. Kaas oo sheegay in shirkada shiidaalka sahaminaysa ee Genel Energy, ay dhagaxaan macdan ah container ku soo gurtay, dekedana ka dhoofineyso,hadaba waxaan halkan ku cadaynaynaa in in aanay warkaas waxba ka jirin; wax macdan ah oo dekeda la soo galiyey 1 gram na ha ahaatee aanaay jirin.
Hadaba, waxay shirkada Genel Energy sifo sharci ah ugala soo degtay garoonka diyaaradaha Berbera 27, March,2013 iyo 21,August,2013 alaabta magaceedu yahay geophsical survey eqiupment alaabtaas oo qayb ka mid ah ay codsadeen inay ceshadaan, sifo sharci ahna loogu ogolaaday dib u celinteeda, markii dekeda ay soo galayeena nidaamkii baadhista iyo hubinta la mariyay iyada oo dhamaan haydaha Dekeda, kastamka iyo boolis-kuba ay goob jog ka ahaayeen baadhistaas.
Sidaa darted, waxaan ka xunahay warkan been abuurka ah ee laga baahiyay shirkada wadanka u timid una joogta baadhista iyo soo saarka khayraadka dalka, waxa kale oo aanu ka xunahay been abuurka kale ee lagula dul dhacay hay’adaha dawliga ah ee dekeda, kastamka iyo ciidanka booliska oo u adeega ilaalinta sharci ee dhoofka iyo soo dejinta badeecadaha. Ugu danbayn waxan ka codsanaynaa saxaafada xorta ah baahin wararka noocan oo kale ah.”

xogreebnews.com-Hargaysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured